Gar-adag: Calleemo-saarka Suldaan Cali Cumar Saalax+daawo

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

User avatar
Ducaysane_87
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3997
Joined: Sat Jun 06, 2009 1:38 pm
Location: Financing the Handcutter Company of Ina Godane

Gar-adag: Calleemo-saarka Suldaan Cali Cumar Saalax+daawo

Post by Ducaysane_87 »

(Berberanews)-November, 09, 2009-(Gar-adag)-Munaasibad ballaadhan oo lagu calleemo-saaray inuu noqdo Suldaanka Beesha Sacad-Y Suldaan Cali Cumar Saalax, ayaa khamiistii todobaadkii hore lagu qabtay geedka loogu magac daray magaalada Gar-adag, islamarkaana ay ka soo qaybgalleen sallaadiin tiro badan, madaxdhaqameed, boqoro, xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiillada, Badhasaabka Gobolka Sanaag Cali Cabdi Hurre, Maayarka Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji-Nuur iyo madaxda Degmada Gar-adag iyo boqollaal dadweyne ah oo qaarkood ka soo baqooleen gobollada dalka, si ay uga qaybgalaan calleemo-saarka suldaanka.



Image


Suldaan Maxamed Suldaan Cabdulqaadir oo isagu ugu hotayn ka hadalay munaasibadaas, ayaa ayaa halkaa ka jeediyey weedho isugu jira duco, dardaaran iyo duu-xul uu u soo jeediyey suldaanka cusub, isagoo si weyn ugu hambalyeeyey calleemmo-saraka Suldaan Cali Cumar Saalax


Image



Suldaan Cabdiraxmaan Cabdillaahi Aw Good oo ka mid ah sallaadiinta Gobolka Oodweyne, ayaa u soo jeediyey dhammaan sallaadinta dalku inay kaalin mud leh ka qaataan horumarinta bulshada, kana feejignaadaan muquurashada xayndaabka siyaasadeed ee dalka oo ay ku eekaadaan hawlaha nabadeynta.


Image


Gudoomiyaha gobolka Sanaag Cali Cabdi Hurre, duqa degmada Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur, Maayarka degmada Gar-adag, Wasiir ku xigeenka Caddaalada Yuusuf Ciise Tallaabo iyo sallaadiin madashaa iyaguna ka hadlay, ayaa dhammaantood ugu duceeyey suldaanka cusub inuu Ilaahay xilka u fududeeyo, isagana kula dardaarmay inuu ku shaqeeyo dhexdhexaadnimmo iyo mideynta beelaha soo doortay.


Image


waxaa ugu danbayn halakaa ka hadlay Suldaanka la calleemo-saaray Suldaan Cali Cumar Saalax oo umahadnaqay dadka ku dhaqan degmada gar adag, madaxdhaqameedyada, xukuumada iyo dhamaan dadweynaha ka kala yimi gobolada dalka, isagoo halkaa ka sheegay inuu xilkan loo doortay ku wadi doono si cadaalad iyo dhexdhexaadnimo ku jirto.



Image


gebogebadii calleemo-saarka waxa suldaanka oo ay gelbinayaan boqollaal gaadiid ahi lagu soo wareejiyey wadooyinka magaalada Gar-adag.


Image


Cabdinaasir khaalid Siciid

Berberanews reporter

Ceerigaabo
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Sanaag”