

















Kulan Balaaran oo maanta ka dhacay Degmada Cabudwaaq ee Gobolka Galguduud oo aay isagu yimadeen Odayaasha Beesha Sede (Mareexaan) ayaa sii kulul logu Cambaareyey hadal shalay Idaacadaha qeybtood lagu sheegay oo aha in Beesha Sade ay ku biirtay Maamulka Galmudug ee Konfuurta Magaalada Gaalkacayo
Nabadoon Cawil Geelle Diiriye oo ka mid ah Odayaashii Shirka ka qeyb galay Ayaa ku tilmaamay Heshiiska mid been abuur ah, isla markana Odayaasha Beesha Sade aysan ku biirin Maamulka Galmudug,
”Arrinta shalay Nairbi ka dhacday, Anaga agteena aan ka jirin, Nin Qarwaaya iyo nin Soo jeeda ma aqaane ayuu aha ninka Warka ka soo baxay. Waa wax aan nalagu soo qaadi karin wixii halkaasi ka dhacay, Anagu uma fadhin Galmudug Ha lagu biiro Iyo Gal Hebel ha lagu biiro, ee waxan raadin Dowlada Somaliyeed oo cadaalad ah, Ninka Arrinka yirina waa nin la raadinayo, Xuseen Farey, waa nin la raadinayo, Gobolka Gedo ayuu Gudoomiye ka ahan jiray, Gobolkii u joogana waxa ka qabsaday Alshabaab, waana nin xiita Gobolkaasi laga raadinayo, Beesha Sade iyaguna waay raadin, Ee waxan ka codsan Dowlada Sheekh Shariif Iyo Amisom in ninka naloo soo qabto, Xiita Dowlada Kenya waanu ka codsan madama u yahay nin Dalka iyo Dadkaba been ka sheegay” Ayuu Yiri Cawil Geelle Diiriye
Hadalka Nabadoonka Ayaa ku soo beegmaya iyada oo Maalinimadii Shalay lagu sheegay kulan aay wada yeeshen Madaxweynaha Galmudug Iyo Odayaal u hoggaaminayey Xuseen farey in Beesha Sade (Mareexaan) aay ku biiren Maamulka Galmudug ee Konfuurta Gaalkacayo ka jira