Page 1 of 1

Habar Jeclo by Faarax Laanjeer

Posted: Tue Nov 10, 2009 3:23 pm
by Gaashaanle_87
Lugtu faraska lama loollantiyo Landaroofaha'e
Anna gabayga layguma legdoo waw laxaadsadaye
Liisaan hadday dhaafto oo lallabo xoogga

Oo aan lihiinsado intaan lur u Kamaandeeyo
Libaax lama shuqeeyee sidee loo lugo'ay caawa
Laanjeerse wax lay yidhiba waa libinta geeraare
Lafdhannadu ma soo aaminaan laamigaan maro'e

Sida lawyerkiyo Waalligaan liid cas leeyahaye
Lag malyuuna bay haybtayada laba kun dheerayde
Lafaha reer Issaaq waxannu nahay laanta ugu dheere
Ayay loodin kara sow arliga leexo qarin mayso

:up:

Re: Habar Jeclo by Faarax Laanjeer

Posted: Tue Nov 10, 2009 3:28 pm
by Gaashaanle_87
Ayay loodin kara sow arliga leexo qarin mayso

Re: Habar Jeclo by Faarax Laanjeer

Posted: Tue Nov 10, 2009 3:32 pm
by GENERAL_SNM
Abtirsiinyo guudnimo haddii, la isu geed xaadhto
Gobta Reer Isaaq baan ahay, iyo gaanka xoogga lehe
Hadday qoloba gooni u baxdoon, gaar u kala qaado

Muusaha garkaa bari degee, guro fog baan sheegtay
Reer Maxamedkaa Geela leh, ee gudub degaan sheegtay
Samanaha xarrago gaanbiyee, lagu gartaan sheegtay

Guurtida Sanbuur iyo Cimraan, lagu go'aan sheegtay
Toljeclaha galbeed naga xigee, gobolkayaan sheegtay
Cumarkaa gardaafo iyo maag, wax u galaan sheegtay.

Geyigaa la kala leeyahee, guri san baan sheegtay
Kaymaha Gulaanka leh, Saraar gumucyadaan sheegtay
Gooddiga Darmaa leh, iyo Nugaal, Galaxyadaan sheegtay

Geeddiga hayaanka ah Xadkoo, laga gudbaan sheegtay
Ganuunaha biyaha ceelashoo, godob la' baan sheegatay
Idaha guuna Geel iyo Lo' iyo, Gini casban sheegtay

Senge gaadda weyn iyo Darmaan, garabsataan sheegtay
Daaraha Garoommada bannaan, lagu gudbaan sheegtay
Mishigaanka guuxa iyo Madfaca, lagu gubtaan sheegtay.

Kumanyaal Garaad iyo Cuqaal, gar u baxaan sheegtay
Kumanyaal gadhle ah oo, dagaalka is gurtaan sheegtay
Gas-ku-jire gurbood soo socdoo, gaban yaraan sheegtay

Ooryaha la gaato, iyo hablaha, gololadaan sheegtay
Aqallada la goodey iyo Aroos, laga gabyaan sheegtay
Ninna kuma godboobine haddii, Giinka lagu doodo
Ninki aniga igu gaarayow gobo'di baan sheegtay.
:up:

Re: Habar Jeclo by Faarax Laanjeer

Posted: Tue Nov 10, 2009 4:07 pm
by kambuli
Sarkaalka caddaaday iyo Samane mooyee,
Salaala ninkale sed kuma laha :up:


Habarjecloy Muuse waakaa :up:

Re: Habar Jeclo by Faarax Laanjeer

Posted: Tue Nov 10, 2009 4:12 pm
by Gaashaanle_87
kambuli wrote:Sarkaalka caddaaday iyo Samane mooyee,
Salaala ninkale sed kuma laha :up:


Habarjecloy Muuse waakaa :up:
: