horseednet
Guddoomiyihii Maxkamada Bosaso oo la dilay
November 11, 2009 filed under NEWS IN SOMALI · Comments (0)
Guddoomiyihii Maxkamada Bosaso oo la dilay | read this item Horseed Media
News Desk
Waxaa caawa Salaadii makhrib kadib bartamaha magaalada Bosaso lagu dilay Guddoomiyihii Maxkamada Darajada 1aad ee Bosaso Maxamed Cabdi Awaare.
Marxuumka ayaa waxaa la xaqiijiyey in koox afka soo duubatay ay ku dishay xili uu kasoo baxayey Masjid ku yaal nawaaxiga suuqa weyn ee magaalada Bosaaso, halkaasi oo la sheegay inuu Guddoomiyaha u dhintay tacshiiradii ay la la beegsaday.
Waxaa warar is khilaafsan kasoo baxayaa cida weerarkan ka danbeysay inuu hal qof ahaa ama koox hubeysan.
Ciidamada Amniga ayaa lagu arkayaa jidadka waaweyn ee nawaaxiga suuqa iyo xaafadaha u dhaw ayagoo wada baaritaano.
Habeenadii lasoo dhaafay ayey magaalada Bosaso ka socdeen baaritaano ay wadeen ciidamada Amniga oo sheegay inay ku raadjoogaan kooxo amniga wax u dhimi kara.
Maxamed Cabdi Awaare wuxuu guddoomiyaha Maxkamada Bosaso soo ahaa tan iyo maamulkii SSDF ee ka horeeyey dhismihii Dowlada Puntland.
Maxamed Cabdi Aware ayaa asagu ahaa si weyn looga yaqaan dalka Soomaaliya, isla markaana Maxkamada Bosaso ee Guddoonkeeda hayey ayaa ah mida ugu shaqada badan ee ku taal gobalada Puntland.
Marxuumka ayaa horey xilal kala gedisan ee dhanka Garsoorka ah uga soo qabtay gobalka Bari, wuxuuna kamid ahaa xaakimyadii ka haray Dowladii hore ee Soomaaliya.
Marxuum Maxamed Cabdi Awaare ayaa danbiyada uu xukunka ku rido isugu jireen kuwo heer walba leh, ayadoo uu ku xukumi jiray Shareecada Islaamka, wuxuuna caan ku ahaa Guddoomiyaha Maxkamada inaan weligiis wax waardiye ama illaalo ah uusan kaxeysan.
Ma jiraan koox sheegatay dilkan ayadoo horey ay u dhaceen shirqoolo noocaan ah oo lala beegsaday Saraakiil ka tirsan iyo kuwo horey uga mid ahaan jiray ciidamada Amniga oo lagu dilay magaalada Bosaaso, ayadoo inta badan dilalkaasi kooxihii ka danbeeyey aan gacanta lagu soo dhigin.
Horseed Media.
Breaking NEWS---Puntland Top Judge Killed
Moderator: Moderators
- Abdi-Samatar
- Posts: 163
- Joined: Tue Apr 07, 2009 4:32 pm
- Location: Soul Chamber.
-
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 3532
- Joined: Tue Jul 14, 2009 2:51 pm
- Location: Las Qoray, Erigabo, Hadaftimo, Dhahar, Xingalol, Gelewiyt, Celaayo, Djibouti, Harena.
Re: Breaking NEWS---Puntland Top Judge Killed
AUN.
The state of affairs must be terrible if public officials are this easily touched.
The state of affairs must be terrible if public officials are this easily touched.
- MrPrestige
- SomaliNet Super
- Posts: 10104
- Joined: Mon Jan 12, 2009 1:42 pm
- Location: Ceelafweyn-Bancade ' Qardhaasa cadde Yoonisoo, qoodhiyaan ahaye ~~
- suga_delic
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 1241
- Joined: Fri Oct 02, 2009 3:21 pm
- Location: UK
Re: Breaking NEWS---Puntland Top Judge Killed
AUN nothing big deal, old news 4 Somalia.



Re: Breaking NEWS---Puntland Top Judge Killed
he wasn't delivering Justice according to allaah's shariica. He was only enforcing puntland justice which is based on discrimination and Minority Profilling. SSDF kulahaa.
allaah ha unaxariisto hadii uu naxariis mudanyahay.
allaah ha unaxariisto hadii uu naxariis mudanyahay.
- kambuli
- SomaliNet Super
- Posts: 17268
- Joined: Thu Jul 28, 2005 3:20 pm
- Location: Proud Toothless Old Faqash Woman
Re: Breaking NEWS---Puntland Top Judge Killed
AUN...
Hanad..just die yaakhay...
Qabyaaladdii ayaa qalbiga ku madoobeysey
You are sick walaahay..
Waar duulkan meydku xataa ka nabad geli maayo..Maxaad u malayn qof nool..Acuudu Bilaah minal cuqadadda kugu jirta..
Hanad..just die yaakhay...


Waar duulkan meydku xataa ka nabad geli maayo..Maxaad u malayn qof nool..Acuudu Bilaah minal cuqadadda kugu jirta..
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 5 Replies
- 74 Views
-
Last post by kambuli
-
- 8 Replies
- 65 Views
-
Last post by Kramer
-
- 2 Replies
- 537 Views
-
Last post by Togdeer
-
- 6 Replies
- 796 Views
-
Last post by Somaliman50
-
- 34 Replies
- 2287 Views
-
Last post by Nubis
-
- 18 Replies
- 2789 Views
-
Last post by Righteous
-
- 20 Replies
- 1930 Views
-
Last post by abdisamad3
-
- 0 Replies
- 712 Views
-
Last post by Hiiraan boy
-
- 69 Replies
- 6025 Views
-
Last post by The_Patriot
-
- 3 Replies
- 612 Views
-
Last post by hydrogen