Xaflad ballaadhan oo loo sameeyey caleemo-saarka boqorka oo maanta lagu qabtay beer weyn oo ku taala magaalada Arabsiyo ee Gobolka Gabiley, ayaa oo ay ka qaybgaleen madaxdhaqameed kala duwan, masuuliyiin xisbiyada qaranka ka socday, xildhibaano iyo martisharaf kale oo badan, balse waxaan ka qaybgelin golaha xukuumadda.
“Waxaan idiin sheegayaa salaadiinta tolkaa gacanta ku hayn jiray oo sharfi jiray, haddii uu boqorku intaa waayo xukuumadda ayuu iska xaadirinayaaye goordhaw ha ceebaynina. Sidaa darted, dhaqaaleeya boqorka oo geedka hoostiisa fadhiisiya. Waxa jira salaadin marka la yidhaa shir bay Soomaaliya leedahay la garba-duubo oo la yidhaa yaanu tegin shirkaasi ha la laaluusho, taana inaga ilaaliya,” ayuu yidhi Faysal Cali-waraabe.
Abbaanduulaha Ciidanka Qaranka Somaliland Gen. Ibraahim Caydiid Axmed oo hoggaaminayey koox saraakiil ah oo xafladaa caleemo-saarka ahayd ka qaybgalay, ayaa hambalyeeyey boqorka cusub, balse waxa uu ka dayriyey koradhka tirada madaxdhaqameedka Somaliland.
“Haddii cid waliba boqor samaysato, waxay noqonaysaa in reer waliba inta uu cadhoodo uu yidhaahdo anaguna kan baanu caleemo-saarnay, kadibna aynu wada boqor isugu nimaadno,

Ugu dambayntii Boqor Muxumed Geelle Seed oo cumaamada boqornimada uu saaray Boqor Cali Xuseen Kaahin, ayaa hadal kooban oo uu jeediyey waxa uu aad ugu mahadnaqay dhammaan dadkii ka qaybgalay caleemo-saarkiisa.
Boqor Muxumed Geelle uu sheegay in aanay boqornimadiisu waxba u dhimayn saldanada guud ee beelaha Habar-awal oo suldaanka beelaha Habar-awal uu yahay suldaankiisii. Waxaanu ballanqaaday inuu Somaliland wax uga tari doono golaha boqoradda Afrika ee uu ka midka noqday.





