Page 1 of 1

Inaa Lilaah Wa Inaa Illaah Raajicuun

Posted: Sat Nov 14, 2009 4:37 pm
by hanad_mn
Geerida Imaamkii Burco 1910 - 2009

Xuseen Aw Jaamac Jibriil
Burco




Allaha u naxariisteen, Shiikh Cusmaan Shiikh Muxumed Xasan, oo maanta (Sabti) ku geeriyooday Burco, wuxuu ahaa Imaamka Masjid Jaamiciga Burco tan iyo 1948.
Imaamku wuxuu ka mid ahaa culummada diinta Islaamka ee magaca ku leh Soomaalida, isla markaana wax la soo bartay shiyuukh waaweyn.

Imaamku wuxuu abbaairhii 1910 ku dhashay Aroori uu ka tirsan Burco.

Qur'aanka barashadiisa wuxuu ku billaabay Durruqsi.

Ka dibna wuxuu cilmi barasho u doontay magaalooyin badan oo ay ka mid yihii Harar iyo Muqdisho.

Shiyuukhda Soomaaliyeed ee ay wax wada barteen ee ay isku jiilka ahaayeen waxaa ka mid ah, Shiikh Maxamed Cabdi Geelle, Shiikh Yusuf Xayle, iyo SHiikh Cali Suufi.

1948 ayuu Imaam ka noqday Masjid Jaamaca Burco wuxuuna ka beddelay Shiikh Yemeni ah.

Allaha u naxariisto Shiikh Cumaan Shiikh Muxumed Xasan.

60years of allaah service is a great fare to carry to aakhira. May allaah Grant him Jannaah aamiin

Re: Inaa Lilaah Wa Inaa Illaah Raajicuun

Posted: Sat Nov 14, 2009 4:40 pm
by TrophY-WifeY-
Allah Yarxam :cry:

Re: Inaa Lilaah Wa Inaa Illaah Raajicuun

Posted: Sat Nov 14, 2009 4:43 pm
by MrPrestige
AUN - what a lucky man ajar badan buu sheekaystay may allah grant him janutul fardous .

Re: Inaa Lilaah Wa Inaa Illaah Raajicuun

Posted: Sat Nov 14, 2009 4:43 pm
by Oldboy
Trofey Wifey anaa kaa daran!

back 2 topic allah ha u naxariisto