PEACE Between Reer Benin and Muse Ismacil the Riyo-Xidho War
Posted: Sun Nov 15, 2009 8:51 am
Burco (Buraoonline) 15.11.09 Xiisad colaadeed oo u dhaxaysay laba beelood oo ka mid ah beelaha Togdheer, sababtayna dhimasho iyo dhaawac, ayaa shalay laga soo saaray go’aanno lagu soo afjarayo xiisaddaas
Kullan ballaadhan oo loogu talogalay ku dhawaaqidda go’aamadaas laga gaadhay xiisadda beelahaas u dhaxaysay oo shalay lagu qabtay huteel Barwaaqo ee magaalada Burco, ayaa waxa ka qaybgalay salaadiinta gobolka, guddiga nabadgelyada ee gobolka, odayaasha iyo waxgaradka beelaha gobolka Togdheer iyo dadweyne aad u faro badan.
Guddi ka kooban 22 xubnood oo loo saaray xalinta iyo go’aan-ka-gaadhista xiisaddan, kuwaa soo muddo bil gaadhaysa u fadhiyey arrintaas, ayaa shalay kaga dhawaaqay goobtaas go’aankii kama dambaysta ahaa.
Sida uu Wariye Kayse A.Digaale oo ah Wariyaha Jamhuuriya ee Gobolada Bariga Somaliland,Ku soo waramayo ,Guddoomiyaha Guddigan Dhexdhexaadinta Mr. Siciid Bidde oo madashaas ka hadlay, ayaa sheegay in guddigoodu muddo bil gaadhaysa u fadhiyeen, sidii xiisaddan labada beelood ee (Reer biniin iyo reer cawl) dhex taal loo dhammayn lahaa, isla markaana odayaasha labada dhinac ay bixiyeen kalsooni iyo dhaar ay ku caddaynayaan inay qaadanayaan go’aanka guddigu soo saarto.
Siciid Bidde, wuxuu intaa ku daray in guddigoodu markasta ay liishaanka saarayeen sidii nabad iyo walaaltinimo ugu soo dabbaali lahaayeen beelahan dhibtu dhextaallo, sidaas darteed aannu soo saaray go’aan saddex qodob ka kooban. Go’aanka guddigani kaga dhawaaqeen madasha ayaa waxay ahaayeen sidan:
“In dilka ka dhacay Riyo-xidho ee uu ku dhintay halka nin ay ninkaas diyadiisu la mid tahay diyaddii ninkii hore ee laga dilay reer Biniin, diyadaas oo dhammayd 130 halaad oo uu kala mid yahay wixii sifo ah ee ay lahayd diyadaasi hore, haddii ay tahay dhogor, hadday tahay lacag, hadday tahay muddo, waxa ku bixinaya reer Biniin, waxayna ku siinayaan Muuse Ismaacii.
In wixii dhaawac loo gaystay arrintaas Riyo-xidho waa wixii ay shareecadu ka xukunto, muddadeeduna waxay la mid tahay muddada diyada kamana dambayn karto.
Waxa kaloo guddigu go’aamisay samir-darrada, aano dhaafka, weerarka habeennimo ee magaalada loo gaystay ee keentay dhixasho iyo dhaawacba, waxa musuuliyaddaas qaba cidda gaysatay oo ah reer Biniin, waxaanuna garannay lacag dhan $12000 (Laba iyo toban kun oo doolar) oo jilib carro ah oo aan muddo lahayn inay bixiyaan reer Biniin.
Dhammaan qodobadda aannu kor ku soo sheegnay waxay xeer u yihiin beelaha Habar-Jeclo iyo Habar-yoonis wixii sifooyinkaas yeesha, in wixii khasaare ay gaystaan marka laga reebo in xeerkaasi u yahay Ganaax.”
Odayaasha labada dhinac ee xiisaddu u dhaxaysay ayaa iyaguna halkaas kaga dhawaaqay inay qaateen go’aanmadaas.
Badhasaabka gobolka Togdheer Md.Jaamac Cabdillahi Biin oo goob-joog ka ahaa arrintan, ayaa halkaas ka caddeeyey in ciddii fullin weyda go’aamadan ay guddigu soo saartay ay tallaabo adag ka qaadi doonaan, waxaannu carrabka ku dhuftay inuu ku faraxsan yahay siday ku dhammaatay xiisaddani oo uu ku tilmaamay inay ahayd mid halis ku ah nabadda iyo xasiloonida gobolka, ugu dambayntiina waxa uu u mahad-celiyey guddigii dhexdhexaadinta labada beelood iyo cidkasta oo arrintaas gacan ka gaysatay.
Sidoo kale, Suldaan Cismaan Suldaan Cali, Suldaan oo Kulankaa ka hadlayaa ay u soo jeediyay labadii dhinac ee dhibaatadu dhexmaray inay is dhaahiyaan oo isku samraan, waxa walibana ay wanaaga ku jiraan,Waxa Suldaanku intaas ku daray inay jiraan dad marka waxyari ka dhacaan Durbaano waaweyn tuma oo cirka geeya, waxaannu yidhi; “Sidaas darteed waxaan leeyahay kuwaa Burco ma taalo Dhibaatee ha ku camal beeline.”
Waxa kale oo Suldaanku tilmaamay nabadda salka u ah Somaliland ee lagu fadhiyaa ay ka bilaabantay Gobolka Togdheer, isla markaana ay bilaabeen labad beelood.
Suladaan Maxamed Cali Maxamed ayaa isaguna madashaa ka sheegay in ragganimada iyo geesinimadu ku jirto wixii la go’aamiyo oo la qaato, si wanaagsana loo fuliyo, balse aan loo baahnayn is adkayn iyo isku riixid, isaga oo arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi; “Waxaan Leeyahay Ilaahay wixii wanaagsan ee saxa hayna garan siiyo.”
Waxa iyaguna halkaas ka hadlay Suldaan Cabdiraxman Qodax iyo Suldaan Maxamed Yussu X. Farax Fidhin, waxayna ku adkeeyeen labada dhinac ee collaadu u dhaxaysay inay fuliyaan go’aamada ay qaateen, isla markaana u mahad celiyey gudddigii hawshaas dhammaysay.
Haseyeeshee, Abwaan Hure Walanwal ayaa goobtaa ka tiriyay maanso si weyn u soo jiidatay dadweynihii ku sugnaa kulankaas, taasoo nuxurkeedu ahaa qiimaha iyo wanaagga ay leedahay nabaddu, isla markaana mar uu la tabi doona nin wanaagsan ama geesiga ah ee sida macno-darrada ah nin kale u dilayo, loona baahan yahay in laga gudbo isku fiirsiga iyo dulqaad la’aanta u dhaxaysa dadka walaaalaha ee Ilaahay meel kuwada abuuray.
Kulankan lagu xallinayay xurgufta u dhexaysay labada beeleed ee reer Biniin iyo reer Cawl ayaa ku dhammaaday si wanaagsan oo isfahan ku jiro, laakiina lagu wada aqblay go’aamadii guddigu soo saartay.
Xiisaddan u dhaxaysay labada beelood ayaa ahayud mid ka dhalatay markii sannad ka hor iyadoo lagu jiro hawshii diiwaangelinta codbixiyeyaasha ay koox dablay hubaysani ay goor habeenimo ah rasaas ku fureen dadweynihii tuulada Riyo-xidho, oo ka tirsan degaanka Burco, kana socoto isdiiwaan gelinayey, taasoo sababtay dhimasho iyo dhaawac.