Mud. Cali Sandule promoted + SL authority expands in Sool
Posted: Mon Nov 16, 2009 4:40 am
Gudoomiyihii hore ee Gobolka Sool Cali Sandule oo loo magacaabay wasiirka Boosta iyo Isgaadhsiinta.
Warkii 15-Nov-2009 iyo Qormadii: Afnugaal News Desk
Waxaa maanta wareegto kasoo baxday xafiiska madaxwaynaha JSL Daahir Riyaale Kaahin lagu magacaabay Gudoomiyaha Gobolka Sool Faarax Askar iyadoo Gudoomiyihii hore ee Gobolka Sool Cali Maxamuud Axmed loo magacaabay wasiirka Boosta iyo Isgaadhsiinta ee JSL.
Digreetadan maanta soo baxday ee lagu magacaabay labadan masuul ee xilalka loo kala bedelay qaar na xilal cusub loo magacaabay ayaa waxa ay kaso jeedaan Gobolka Sool iyadoo Cali Maxamuud Axmed uu xilka Gudoomiyaha hayay ka hor intii aysan maamulka Somaliland aysan soo gaadhin magaalada Laascaanood.
Cali Maxamuud Axmed ayaa waxa uu maamulka Somaliland si adag uga dhaqaajiyay magaalada Laascaanood iyadoo hadda uu maamulka Somaliland ay laamihiisa kala gedisan ay si toos ah uga shaqeeyaan Gobolka iyadoo Gudoomiyuhu uu ahaa nin si wayn uga shaqayn jiray nabad gelyada iyo hormarka Gobolka Sool.
Hadaba Faarax Askar oo hadda loo magacaabay Gudoomiyaha Gobolka Sool ayaa horay waxa uu u ahaan jiray Gudoomiyaha waxbarashada Somaliland ee Gobolka Sool 2007-kii isagoo in muddo ah ku sugnaa magaalada Laascaanood ayaa shacabka magaalada waxa ay hadda ka sugayaan inuu is bedel muuqda oo wayn ka sameeyo xaalada Gobolka.
Afnugaal News Desk
info@afnugaal.com