

Cabdalle Muumin
RBC Radio
Boosaaso, (RBC Radio) Roob biyo badan dhigay waddooyinka magaalada ayaa xaley ku hooray magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.
Roobkan oo bilawday abaare 12:00 saqda dhexe ayaa qaatay mudo ku dhow 2 saacadood iyadoo biyaha roobka uu reebay roobkaasi saaka ay dhex ceegaagaan wadooyinka magaalada dhex mara oo ay ku jiraan xaafadaha magaalada.
Boosaaso oo haatan ku jirta xilliga Diraacda [Qaboobaha] ayaa dadku waxay isweydiinayaan qabowga saa’idka ah ee ka jira magaalada taasi oo roobkuna uu sii xoojiyey.