Shariif Sheekh Axmed's Big Error!!!

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

Afri_Somali
Posts: 139
Joined: Sat May 02, 2009 8:29 am

Shariif Sheekh Axmed's Big Error!!!

Post by Afri_Somali »

Madaxweynaha Puntland Dr, C/rixmaan Sheekh Maxamed iyo Raysalwasaaraha dawladda Faderaalka ee Soomaaliya Cumar C/rishiid Cali Sharmaake ayaa wada hadalo qaatay saacado kooban ku yeeshay magaalada Nayroobi, markii uu halkaas galinkii dambe ee shalay garay Raysalwasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirishiid oo ku sii jeeday dalka Talyaaniga.

Madaxweynaha & Raysalwasaaraha ayaa isla soo qaaday qodobo door ah oo ku saabsan xaaladihii ugu dambeeyey ee dawladda KMG ah ee Soomaaliya & Puntland, waxaana dawladda Puntland ay muujisay sida ay uga xun tahay talaabooyinka uu qaaday Madaxweynaha dawladda KMG ah iyo qaar ka mid ah golihiisa Wasiirada.

Madaxweyne Faroole ayaa u Cumar sheegay in laga soo horjeestay heshiiskii uu ku saxiixay magaalada Gaalkacyo, taasoo uu sheegay in aysan maanta ka dhowreyn Madaxweynaha dawladda KMG ah Shariif Sheekh Axmed.

Mr, Cumar ayaa dhiniciisa sheegay in aysan dawladda KMG ah ka baaqsan doonin fulinta qodobadii lugu saxiixay magaalada Gaalkacyo, isagoo sheegay in ay hada ka shaqeynayaan arrimaha ku aadan labada dhinac, isagoo ka codsaday Madaxda dawladda Puntland in ay furaan daaqadaha wada xaajoodyada, kuwaas oo ku aadan dhexdhaxaadin laga dhex-sameeyo dawladda KMG ah iyo dawladda Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa usheegay Raysalwasaare Sharmaake in aysan haba yaraatee wax wada hadal ah ka yeelan doonin arrimaha horumarka ee Puntland, isla markaasna ay uga fadhiyaan dawladda KMG ah in ay qalinka ku duugto markale heshiiskii ay isaga iyo Madaxweynaha dawladda KMG ah isku ogaayeen.

Dawladda Puntland ayaa ku eedaysay qaar ka mid ah Golaha Wasiirada ee dawladda KMG ah, kuwa ka soo horjeeda horumarka Puntland, kuwaas oo ay sheegen in ay markan doonayaan in ay Puntland udiidaan barnaamijyada horumarineed ee ay xaqa ugu leedahay dawladda Soomaaliya, maadaama ay tahay dhulka ugu badan ee laga taageero.

Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa qaabilay Mudanayaal ka tirsan baarlamaanka KMG ah ee dalka Soomaaliya, oo uu hogaaminayay Raysalwasaarihii hore ee dalka Soomaaliya Prof, Cali Maxamed Geedi, oo ugu tagay Hotelka uu ka dagan yahay Madaxweynaha Puntland magaalada Nayroobi.

Xildhibaanadan ayaa umuujiyey wafdigan Puntland sida ay uga xun yihiin talaabooyinkii ay qaadeen Madaxda dawladda KMG ah ee dalka Soomaaliya, gaar ahaana Madaxweynaha dawladda KMG ah oo ay ku sheegeen kuwa laga fiican yahay, ayagoo sheegay in horumarka Puntland uu yahay Soomaaliya oo horumar gaartay.

Mudanayaashan oo ay ku jiraan Mudanayaal dawladda KMG ah ka soo gala dhinaca gobalada Puntland, ayaa sheegay in ay aad uga xun yihiin arrimahaasi, waxa ayna ugu baaqeen Madaxweynaha dawladda KMG ah in uu hirgaliyo heshiiskii uu saxiixay Raysalwasaaraha dawladda KMG ah ee dalka Soomaaliya Cumar C/rishiid oo lasaxiixay waqti laga joogo 3 bilood ka hor.

Shariif Sheekh Axmed made the biggest mistake in going against the aspirations of Puntland. This donkey has no idea what he has done in going against the wishes of Puntland. Before it is too late for the President he needs to sign the agreement and stop litsening to the hating Ministers like Ibbi and the retarded eelay Finance Minister. IN THE END, WHAT PUNTLAND WANTS, PUNTLAND GETS.
8-)
Xamud.
Posts: 11173
Joined: Sun Mar 11, 2007 11:13 am
Location: Halabokhad,Mudug. Bunlayn

Re: Shariif Sheekh Axmed's Big Error!!!

Post by Xamud. »

Lay of the fella wixii xunba ma Shariifka leh?
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”