
Addis Ababa: (OWN) Xukuumada Ethiopia ayaa suurto gal ka dhigtay furitaanka biyo xidheenkii ugu balaadhnaa ee laga hirgeliyo qaarada Afrika, biyo xidheenkan ayaa la rajaynayaa in uu dhaliyo dab quwadiisu dhantahay 300 MW hydropower, marka uu buuxsamo.
Biyo xidheenka ayaa laga dhisay webiga Teneze waxaana ku baxday sida warbixinta lagu sheegay lacag dhan $356 million, mashruucan waxaa waa maalgaliyay kambani laga leeyahay dalka China oo lagu magacaabo China National Water Resources and Hydropower Engineering Corporation.
Xukuumada Ethiopia ayaa mudoba ku hawlanayd dardar gelinta dhismaha biyo xidheeno door ah oo dhalin kara quwada korontada, taasi oo baahi weyn ay u qabaan shucuubta Ethiopia. Waxaana dawlada u qorshaysan in ay dhisto lix biyo xidheen oo kale iyada oo la qorsheeyay in lagu dhamaystiro mudo gaadhaysa shan iyo labaatan sano, mashruucaasi oo ay ku bixi doonto lacag lagu qiyaasay $12 billion. Dhanka kale waxaa hore loo fuliyay lix mashruuc oo dab dhalin ah ku waasi oo ay fuliyeen Bangiga Aduunku.
Sarkaal u hadlay dawlada Ethiopia ayaa sheegay in shucuubta ku nool geeska Afrika ka haqab tiri doonaan adeega korontada ee sida aadka loogu baahanyahay, waxaanu intaas ku daray in ay dhakhso u bilaabi doonaan in ay dabka gaadhsiiyaan wadamada jaarka oo ay ka mid yihiin, Kenya, Sudan iyo Djibouti.
Muraad Mooge Cabdi /Netherlands
Oodweynenews