
K’NAAN Oo Loo Doortay Inu Qaado Heesta Koobka Adduunka Lagu Furayo
Keynaan oo ah fannaan Somaliyeed oo caalami ah ayaa hadda ku sugan magaalada Djibouti
Wuxuu qeyb ka yahay socdaalka koobka adduunku ku marayo Afrika
Keynaan Cabdi Warsame oo magaciisa u soo gaabiya K’NAAN, waxaa heestiisa FREEDOM loo doortay in uu ka qaado xafladda furitaanka koobka Adduunka sannadka 2010 marka la isugu tago Koofur Afrika
K’NAAN waa fannaan leh taagerayaal badan oo aan Somali ahayn
Soomaalidana waxaa inta badan xiiseeya da’yarta
Heesihiisu waa nooca loo yaqaan Rap Music ee sida shiribka ama saarka la isugu tiriyo
Laakiin erayada uu ku soo qaato, oo ah kuwa uu isagu qorto, waxay u badan yihiin qaar la xiriira xuquuqda aadanaha iyo waddaniyadda
K’NAAN wuxuu deggan yahay Canada, laakiin aad ayuu ugu safraa caalamka
Keynan Cabdi Warsame Waraysi
http://sp am.net/2009/11/17/waraysi-17/#more-19517