Horuukaca waxbarasho ee gobolka sanaag iyo dadaalka Hay’ada wadaniga ah ee SDF
Ceerigaabo (sanaagNews) Waxbarashadu waa ilaha ugu muhiimsan bulshada dhexdeeda waana tan ay isku dhaafaan laba mujtamac
Waxaa beryahan danbe gobolka sanaag ku soo badanayay hay’ado wadani ah oo si wayn wax uga qabtay waxbarashada waxaana ka mid ah Hay’ada wadaniga ah ee Sanaag Development foundation (SDF) oo ka shaqaysa gobolka sanaag hadaba si aan xog dheeraad ah uga helo waxaan booqanay xarumaha ay SDF gacanta ku hayso waxaana waraysi la yeelanay Gudoomiyaha SDF Mudane kayse xasan cabsiiye oo ka waramay waqtigii la aas aasay, ujeedada loo aas aasay iyo ilaa iyo hada waxii ay u qabteen bulshada reer sanaag
Waxaana uu yidhi sidan:-
Hay’adan waxaa la aas aasay 2001 waxaana loo aas aasay horuumarka dhinacyada waxbarashada iyo caafimaadka sidii ay wax uga qaban lahayd
Mudadii ay hay’adu jirtay waxaan samaynay dadaalo fara badan oo wax ku ool ah kuwaasoo aanu ka hir gelinay gobolka sanag
Waxyaabaha la taaban karo ee aanu gobolka ka qabanayna waxaa ka mid ah dugsiga hoose dhexe ee IFTIN oo ay wax ka bartaan arday gaadhaysa 280 arday oo ah fasalada 1aad ilaa iyo 8aad waxaana ka sharci garaysanahay wasaarada waxbarashada iyadoo ardaydu ay sidii caadiga ahayd ugu fadhiisato imtixaanka fasalada siddeedaad
Waxaan kale oo aanu dhisnay laba masaajid oo ku kala yaala magaalada ceerigaabo iyo madarisad iyo siminaaro badan oo aanu u furnay macalimiinta dugsiga wax ka dhiga iyo macalimiin kaleba
Waxaan kale oo dadaal wacyigelineed ka samaynay xanuunka dilaaga ah ee HIV/AIDS-ka kaasoo aanu miyi iyo magaaloba ka wacyi gelinay bulshada sidii looga hortegi lahaa
Mar la waydiiyay waxaa u qorshaysan mustaqbal ka dugsiga ayaa waxaa uu masuulku ka warbixiyay xaalada mustaqbal ee u qorshaysan waxaana uu yidhi
Waxaan ahmiyad ballaadhan siinaynaa inaan marka hore u helo dugsiga dhisme sii taabagal ugu noqdo in aanu ku kordhino fasalada dugsiga sare waxaan kale oo doonaynaa inaan dugsiga ku soo kordhino fasalo computers ah oo aanu uga faa’iidayno ardayda waxka barata dugsiga kuwooda ugu sar sareeya
Waxaa kale oo qorshaha noogu jira magaalooyin waaweyn oo aan lahayn dugsiyo dhisme ah amaba waxbarasho taaba gal ah inaan ka furno dugsiyo magalooyinkaasoo ay ka mid yihiin dur dur iyo bixin iyo qaar kale
In kastoo ay jiraan caqabado badan oo naga hor yimi oo ay ka mid tahay bulshada oo aan fahansanayn waxbarashada, heerka dhaqaale oo hooseeya iyo mashaariic horuumarineed oo marka loo eego baahida waxbarashda aan ilaa hada daboolin
Ugu danbayntiina waxaan u soo jeedin lahaa cid kasta oo akhrista warbixintan isla markaana danaynaysa horuumarka gobolka sanaag oo ay ku jiraan dawlada, jaaliyadaha reer Somaliland INGOs ka iyo cidii kale ee danaynaysaaba aanu diyaar ula nahay inaan kala shaqayn doono horuumarka gobolka oo aanu isgarab taagi doono
Maaha markii ugu horaysay ee ay SDF soo bandhigto adeegyada tahayda leh ee waxbarasho waxayse isla bishan gudeheeda qabatay munaasibad aad u ballaadhan oo abaal marin lagu gudoonsiinayay aradayda dugsigaas isla markaasan lagu marti qaaday qaybaha kala duwan ee bulshada....
Cumar Siciid Nuur
ceerigaabo/sanaag /somaliland
nuur507@hotmail.com
Horuukaca waxbarasho ee gobolka sanaag iyo dadaalka Hay’ada
Moderator: Moderators
- Ducaysane_87
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 3997
- Joined: Sat Jun 06, 2009 1:38 pm
- Location: Financing the Handcutter Company of Ina Godane
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 8022 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 8 Replies
- 1059 Views
-
Last post by TheGrumpyGeeljire
-
- 6 Replies
- 740 Views
-
Last post by LiQaaye_TDH
-
- 0 Replies
- 556 Views
-
Last post by Coldoon
-
- 0 Replies
- 1695 Views
-
Last post by Bohol iyo karaman
-
- 15 Replies
- 2980 Views
-
Last post by Meyle
-
- 2 Replies
- 643 Views
-
Last post by HooBariiska
-
- 10 Replies
- 1073 Views
-
Last post by Siciid85
-
- 5 Replies
- 1366 Views
-
Last post by Khalid Ali