Page 1 of 1

wasiir maamulka SL ka mid ah oo geeriyooday

Posted: Fri Nov 20, 2009 3:47 pm
by koohi
Wasiirkii macdanta iyo biyaha Somaliland oo ku geeriyooday magaalada Maka, laguna aasay xagaasi

Maka,(Qarannews)-Alle ha u naxariistee waxa magaalada Makla Al Mukarama ku geeriyooday wasiirkiii macdanta iyo biyaha Somaliland marxuun Cismaan Qaasin Sheekh Ibrahim , oo ka mid ahaa xujaajtii sanadka soo gudanaysay wajibaakada xajka marxuunka ayaa ku geeriyooday cisbatal ku yaala magaalada Maka, kadib markii xanuun ku soo boodo ahi uu haleelay.

Wasiirka ayaa caawa salaadii cishe lagu tugaday maydiikiisa isla markaasina lagu aasay xabaalo ku yaala magaalada Maka Al Mukarama, sidaasi waxa shabakada qarannews u cadeeyay wasiirka duulista iyo hawada Somaliland mudane Ali Maxamed Warancadde oo caawa aaska markii ay ka soo dareereen nooga waramay, sidii uu aasku u dhacay.

Wasiir Warancadde waxa uu noo sheegay in wasiirka isga oo nool loola cararay cisbitaalka islka isla markaasna uu halkaasi ku geeriyooday. kadib markii wadanaha lagaga soo booday, wasiirka nolol ayaa lagu geeyay cisbitaalka waxa aanu galay koomo, mudo 4 saacdood ahna waxa uu ku jiray koomadaasi, waxa si aad iyo aad ah la isugu dayay in la bad baadiyo, hase ahaatee marxuunka waxa u timid tiisii, oo aan cidna maalinta loo qoray ayna dhaafaynin, runtiina aad iyo aad ayaan uga naxay geeridaasi lama filaanka ahayd ee ku timid marxuunka.

Wasiirku waxa uu aad ugu mahad naqay dawlada Sucuudiga oo qabn qaabda aaska wasiirka si fiican uga qayb qaadaty oo wax walba u fududeeyay, iyada oo la na siiyay ayuu yidhi qadarin aad u heer saraysa, iyo iyaga oo aad uga naxay kana xumaaday geeridaasi inagu timid taasi oo aanu aad uga mahad naqayno ayuu yidhi wasiirku, runtiina aas wanaagsan ayaa wasiirka loo sameeyay oo lagu maamuusay, waxana uu marxuunku uu yahay ehelu jano ayuu Xaaji Cali Warancadde hadalkiisa ku soo gabo gabeeyay

Sidoo kale aaska ayaa waxa ka qayb galay masuuliyiin badan iyo dadweyne aad u tiro badan, aaskaasi wasiirka oo laga soo dareeray caawa salaadii cishaha ka dib markii masaajidka weyn ee Xaramka lagaga tukaday

Inaarilaahu wa inaa Ilahyhu raajucuun, dhamaan shaqaalaha iyo hawl wadeenda shabkada qarannews, waxa ay tacsi u dirayaan qoyskii iyo qaraabadii iyo xukumada iyo dhamaan shicibka reer Somaliland ee uu ka geeriyooday marxuun Xaaji Cismaan Qaasin Sheekh Ibrahim


Source Qarannews

Re: wasiir maamulka SL ka mid ah oo geeriyooday

Posted: Fri Nov 20, 2009 3:53 pm
by koohi
Allaha u naxariisto mudane Qaasim Sh. Yuusuf Sh. Ibraahim wuxuu geeriyooday maalin barakaysan(Jimce) bil barakaysan (Carafo) wxuuna ku geeriyooday meel barakaysan(Maka).

nasiib badanaa

Re: wasiir maamulka SL ka mid ah oo geeriyooday

Posted: Fri Nov 20, 2009 3:56 pm
by salafi_student
Ina Lilahi Wa Ina Ileyhi Rajicuun


But I'm not sure about his supposed ministerial roll....who knows, maybe he was a fake minister..!

Re: wasiir maamulka SL ka mid ah oo geeriyooday

Posted: Fri Nov 20, 2009 4:01 pm
by koohi
salafi_student wrote:Ina Lilahi Wa Ina Ileyhi Rajicuun


But I'm not sure about his supposed ministerial roll...maybe he was a fake minister...who knows!
he was minister of Minerals and Water not wasiir dawlah

Re: wasiir maamulka SL ka mid ah oo geeriyooday

Posted: Fri Nov 20, 2009 4:04 pm
by salafi_student
Ok Bye

Re: wasiir maamulka SL ka mid ah oo geeriyooday

Posted: Fri Nov 20, 2009 10:05 pm
by Siciid85
^wierd! :lol:

May Allah bless forgive his sins.