

Xaflad Xadhiga Lagaga Jarayey Dhisme Cusub Ee Dugsiga H/Dhexe ee Imaamu Shaaficii+sawiro
Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimey ayaa maanta ka dhacday xarunta Dugsiga hoose dhexe ee Imaamu Shaafici ee ku yaala badhtamaha Xarunta Gobolka Sanaag ee Magaalada Ceerigaabo
Xafladan oo xadhiga lagaga jarayey Dhismayaal cusub oo dhowaan laga soo gebegebeeyey xarunta dugsigaasi
dhismayashaaso ka koobnaa Todoba Fasal iyo Laba Xafiis waxaana ka soo qayb galay xafladaasi Maamulka heer Degmada ,Saraakiil ka tirsan Wasaarada Waxbarashada ee Heer gobol,,masuuliyiin ka socota Hay'ada hirgelisey dhismahaasee Qarnul Ifriiqiya ,Culimaa'udiin ,Macalimiinta Dugsiga , Waalidiinta Ardayda iyo weliba dadweyne kale oo farabadan
xaflada oo kadhacday barxada weyn ee dugsigasi waxaa Ugu horayn ka hadlay Maxamed Axmed Ileeye oo ah madaxa Mashaariicda Hay'ada Alqarni Al ifriiqiya,oo ah hay'ada hirgelisey dhismaha dugsigaasi waxan uu umahad celiyey Cali Saalax Dayib oo ah nin u dhashay khaliijka oo si tuburuc ah u maalgeliyey dhismahasi isagoo usoo marsiinaya Hay'ada Al-qarni Al ifriiqiya waxa kale oo uu u mahad celiyey Injineerada sida qurxoon udhisay iyo weliba dhamaan intii ka qayb qaadatay hirgelinta dhismahaa cusub oo uu ugu horeeyo sida uu sheegay Maayarka degmadu iyo masuuliyiin kale waxana uu balanqaaday inay hayada Alqarni Al-ifriiqiya mashaariic kale ka fulindoonto Gobolka sanaag oo isagu u muuqda mid ay Dawlada somalialand ka jeesatey xagiisa horuumarka maraka loo eego Gobolo kale oo Dalka kamida.
Waxaa kale oo isna halkaas ka hadlay Gudoomiyaha Wasaarada Waxbarashada ee Gobolka Sanaag C/raxmaan Siciid Maxamed {xuubey} waxa uu sheegay inay ka gudoomeen Wasaarad ahaan una mahad celinayaan ha'yada Alqarni Al-ifriifqiya islamarkaana soo dhoweynayaan, hawl kastoo horumarineed oo ay Gobolka ka wadaan.
Ugu danbayntiina waxaa xafladaas soo gebegebeeyeyGudoomiyaha Golaha Degaanka ee Magaalada Ceerigaabo Ismaaciil X Nuur Faarax waxa uu aad ugu dheeraaday xidhiidhka wanaagsan iyo wada shaqaynata ay ha'yadu la leedahy Gobolka
waxa kale oo uu Gdoomiyaha Golaha deegaanka ahna Maayarka Magaaladu sheegay in hay'adu hore uga dhista Magaalada Ceerigaabo Cusbital .
cisbital kaasoo wax wayn ka taray baahidii caafimad ee dhibaatada ku haysay waxana uu u mahad celiyey maalgeliyaha Dugsigaasi Cali Saalax Dayib
Hadaba Maaha markii u horaysay ee Ha'yada Qarli Al-Ifiiriqyiya ka fuliso mashaariic noocan ah Magaalada Ceergaabo waxaana socda Dhowaanahan dedaalo badan oo sida maayada
Dugsigan ayaa waxaa wax ka barta 1100 arday , waxaana Sanad Dugsyeedka danbe laga dhigayaa Ilaa Dugsi sare isaga daba imanaya kuwaas oo Waxbarashada wax looga qabanayo , waxaana hada marka aad eegto Dugisyada Magaalada Ceergaabo e Hoose/ dhexe/iyo Sareba ka furan ku dhowaad
20 Dugsi , kuwaasoo iaguu jira kuwo Dawladu gacanta ku hayso iyo kuwo gaar loo leeyahay. waxaana dhowaanahan dadka reer Ceergaabo aad u hadal hayaan dedaalka dhanka waxbarashada laga sameeeyeey iyado xataa dugsiyada tartan dhanka aqoonta ah laga dareemayo.
Weriye: Siciid Axmed Tamreyse
sanaag74@hotmail.com
Ceerigaabo/Sanaag/Somaliland.
Tafatirka:
Xafiiska Wararka Shebekada SanaagNews.
