Laba gudoomiye oo xisbiga Kulmiye u magacaabay Wajaale iyo B

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
MrPrestige
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10104
Joined: Mon Jan 12, 2009 1:42 pm
Location: Ceelafweyn-Bancade ' Qardhaasa cadde Yoonisoo, qoodhiyaan ahaye ~~

Laba gudoomiye oo xisbiga Kulmiye u magacaabay Wajaale iyo B

Post by MrPrestige »

Laba gudoomiye oo xisbiga Kulmiye u magacaabay Wajaale iyo Buuq iyo sawaxan ka dhashay arintaa

Written by Qarannews
Nov 25, 2009 at 04:25 AM
Hargaysa,(Qarannews)-Waxaa isa soo taraaya warar ay reer Wajaale aad ugu jaha wareereen oo ah in ay Wajaale ka soo baxeen laba gudoomiye xisbi oo Kulmiye ah, taasi oo abuurtay buuq, sawaxan iyo jaho wareer, hadaba ragani ayaa mid waxa soo magacaabay maamulka gobolka ee xisbiga Kulmiye xaga ka kalana uu soo magacaabay
xoghayaha guud ee xisbiga Kulmiye mudane Keyse, murankani ayaa la siku dayay in la xaliyo iyada oo ay waliba galeen arinkani niman odayaal ah oo ka soo jeeda xisbigaasi iyada oo ay nimankaasi odayaasha ahi xal ka gaadhi kari waayeen arintaasi yar ee deegaankooda foolxumada weynku ah, taasi oo ay dadka qaar u aanaynayaan in ay arintani lug weyn ku leeyiiin rag ka tirsan xisbiga oo ka soo jeeda isla deegaanka.

Wararka aanu hayno ayaa sheegaya inay Gudoomiyaha Xaqa ah ee Wajaale uu yahay Maxamed Caantaynle oo uu xisbiga Kulmiye Horeba uu u magacaabay halka ninka kale ee isagu sheeganaya gudoomiyuhu uu yahay Cumar Xoodiye uu yahay ninka ku haysta, sheekadani waxa ay xisbiga Kulmiye dhexdiisa ka abuuraysaa ku qabso ku qadimayside, waana sheeko xiiso badan oo hor leh kana cusub siyaasada Somaliland.

Iyada oo ay hore u jirtay in la isku qabsado dhulka ama guryaha ayaa hadana ay xisbiga Kulmiye bilaabeen siyaasada ku qabso ku qadi mayside, hadaba wararka hoose ee aanu helayno ayaa tibaaxaaya in laga yaabaa in xisbiga Kulmiye ay arintani ku xaliyaan in ninka jagadani ku haysta ninka kale loo magacaabo xil kale oo xisbiga ah, taasina waxa ay xoojinaysaa ku qabso ku qadimayside.

Sida ay doontaba ha ahaatee arintaasi xagaasi ka taagani waa mid ilaa hada loo taag iyo maaro laayahay.


http://www.qarannews.com/index.php?opti ... &Itemid=62
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”