

Magaalo madaxda Gobolka Sanaag oo ah maalo ay ku noolyihiin dad aad utiro badan ayaa waxaa laga dareemayaa dhaqdhaqaaq xoog leh oo loogu diyaargaroobayo munaasibada ciida dulxija taasoo ku beegan maalinta jimcaha ee bisha november tahay 27
Waxay dadku aad ugu mashquulsan yihiin ka ganacsiga alaabada kaladuwan gaar ahaan Dharka iyo Kabaha oo si aada loo soo buuxiyey carwooyinka waaweyn iyo bacadlayaasha lagu gado
Dhanka kale shirkadaha waaweyn ee Ah Xawaaladaha lacagaha laysugu diro ayaa kordhiyey waqtigii ay u adeegijireen dadweynaha, kuwaas oo haatan Lagu qiyaaso ku dhowaad labaatan Xawaaladood,
waxayna ku kordhiyeen saacado dheeraad ah oo habeen iyo maalin isugu jira sida shikada dahabshiil iyo shirkado kale oo xawaalado ah si ay dadka ugu fududaato in ay qaataan lacagaha ay u soo diraan eheladoodu
Sidoo kale shirkadaha isgaadhsiinta aya iyaguna bilaabay qiime dhimis ay u sameeyeen macaamiishooda munaasibada ciida dulxija awgeed.
Waxaa iyagana la fasaxay ardaydii dhigan jirtey qaar ka mida dugsiyada ku yala magaalada ceerigaabo
guud ahaan waxaa lafilayaa in dadku ku iidi doonaan farxad iyadoo ay weliba jiraan dad badan oo kategey magaalada ceerigaabo kuwaaso hada ku sugan xajaka.
Ciidkan ayaa la filayaa Ciidaddkii hore inuu uga duwanaado , Iyadoo aanay ka jirin Abaaro aad u badan iyo Waliba dhaqdhaqaaqa Xoolaha nool oo wax wayn ka bedelay Nolosha dadkii markii hore aad u hooseeyey dhaqaalahoodu
siciid axmed tamreyse
sanaag74@hotmail.com
ceerigaabo/sanaag/somaliland