Xaalada Dhalin yarada Ka Barakacay Muqdisho ee ku Sugan som

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
Goljano Lion
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15340
Joined: Fri Jan 04, 2008 10:07 pm

Xaalada Dhalin yarada Ka Barakacay Muqdisho ee ku Sugan som

Post by Goljano Lion »

Hadhwanaagnews) Saturday, November 28, 2009

Maxaa kala Socotaa Xaalada Dhalin yarada Ka Barakacay Muqdisho ee ku Sugan somaliland iyo puntland



Tan iyo laga So bilaabo Xukuumadii Dhaxe ee Wadanka Somaliya ka arim jirtay isla markasna uuu madaxwayne ka ahaa Jaale Maxamad Siyaad Bare Markii ay Bur buirtay ayaa Waxaa Dalka Somaliya kusoo batay Dhalin yaro aad u tiro badan isla markaasna aanba wax shaqo ah ka shaqeyn .hada markii ay noqotay Caasumda Dalka Somaliya waa muqdishee meel maatada lagu laayo ayaa waxaa isaga Soo bxay dhalin aad u faro badan isla markaasna Door biday inay meelaha kale ka shaqays taan .inta badan waa ay iska tahriibeen Oo badaana waxaaba Cuntay bada ay ka dhigteen Jidka ay Nolol ku heli lahayeen.

Dhalinyaro badan ayaa ku Nool magalada Garoowe iyo Hargeisa oo isga soo Carary Dhibaatada ka taagan muqdisho isla markaasna noqotay meel Gogasho u dhigatay Rasaasta iyo Madaafiic aan la aqoon meel ay ka socoto iyo waliba Cida ay ku socoto waana tan keen tay inay umada badai ay ka soo baxan muqdisho si ay u helaan nabad Xasilon iyo meel ay nidayado ku degto waayo maskaxdooda waxaa ka guuxaysa xabad iyo madaafiic Cul culis hada dhalintaa aad u faraha badan ayaa waxay u kala ji haysteen dhanka Somaliland iyo waliba puntland
Goljano Lion
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15340
Joined: Fri Jan 04, 2008 10:07 pm

Re: Xaalada Dhalin yarada Ka Barakacay Muqdisho ee ku Sugan som

Post by Goljano Lion »

Dhalinyarada haatan ku sugan magalada garoowe iyo Hargeisa ayaa waxay shaqo ka dhigteen inay gacmahoodu ku soo dhacsadaan Bariiska ay Cuni la haayeen si ay Nolol maal meedkoda aysan u waayin ayaa waxay ka shaqaystaan ,baalash,iyo Qaadka dhulka ku dhaca ay aruursadaan isla markaasn ay ka iibiyaan Dadka aan heli karin lacagta ay ku iibsadaan midka nadiifta ah oo markaasi maalintii odhan ayba ka helaan lacag dhan 50 kun oo Shilinka Somaliga ah.Halka kuwo kalena ay ka shaqaysataan inay Baaburta ay Dhaqaan si ay naftoda iyo Tan waalidka ba ay u dabiraan isla markaasna ay Xoogooda is tic maalaan waxaad arkay saa mar marka qaar Caruur aan haysan wax ay Cunaan oo gaajo meel la jifa waana tan aan la yaabay Cunug jiraa Qiyaastii 9Sano ayaa u Socdaa goobtayda shaqo hal mar gacanta ii taagay wana ku leex day marka ugu horaysaa ayaa waxaa uu iwaydiiyay inaa Siiyo lacag ,hadaba intaa ka dib ayaa waxaan waydiiyay Sababta ku kaliftay inuu isago intaa leeg Dadka baryo ugo horayn tiina waxaa uu iigu jawaabay ?marka Hore waxaa lay dhahaa Ibraahim Yare isagoo Wajigiisa ay Baahi Xun ka muuqada ayaa marka waxaan way Diiyay inta uu jiro waxaa uuna Yiri ?waxaan jiraa 8Sano waxaana hi haysa Baahi Xun ilaa Saaka waxba afkayga ma Saarin marka adeer wax isii aan Cuno ku iim Sado .anoo la yaaban intaasi ayaa hal mar waxaan ka naxay Sida Xun ee indhihiisu ay baahida ugu muuqato waxaana Siiyay lacag .ugu Dan bayn tii ayaa waxan waydiiyay ibraahim yare inuu iiga war bixiyo Cida uu la nool yahay ibraahim waxaa uu yiri ?waxaan la noolahay Hooyaday inkastoo ay Xanuun San tahay Xanuun san tahay isla markaasna aysan haysay wax Cisbitaalka geeya Aabena waa uu dhintay
Goljano Lion
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15340
Joined: Fri Jan 04, 2008 10:07 pm

Re: Xaalada Dhalin yarada Ka Barakacay Muqdisho ee ku Sugan som

Post by Goljano Lion »

Taasina waxay ku tusay saa inuu Diyaar u yahay Sida uu ugu shaqay lahaa Waalidkiisa Dhalinyaraasi ayaa waxaa mar walba ay kala kulmaan marka ay ku jiraan howlahooda shaqo Taca tiyo aan loogu aabe yeelin isla markaasna laga Qaato inta uu maanta oo dhan shaqay sanayay waxaana arkaysaa kuwo lagu Dilo maalka ay kusoo Dhinteen Oo lagu dilayay Haduu Keeni waayo .Waa Yaab ma Saana Somalinomo waa maya.

Hadaba Dhalin yadaasi Badanaa waxay Xeesdaan Dar biyada mana Helaan meel ay ka galaan Dhaxanta ka dhacaysa Garoowe ayadoo haatana lagu jiro Xilii Roobka ayaa waxaad arkaysaa dhalin badan aan haysan meel ay ka galaan Roobka Da,aya waxan Tan keen tay inay ku Xanuun sadaan mana helaan Wax Daaweya Caruurtaasi waxaana mar aad aragtaa dhalintaasi ay indhahaagu qabanayaan Xanuuno badan oo ay Baqaan waxaana ka mida Xanuundaasi ,Tiibisho Qaaxo iyo waliba Feero Xanuun oo ay ka Qaadaan nadaafad la,aanta mana is daaweeyaan isla markaasna yagu ma aha kuwo helaa lacag ay isku Daaweyan Intaasi waxa u sii dheert waxay noqdan kuwo is ticmaala Daroogada ay ka mid yihin Xashiidada ,Koolada Qaadka Sigaarka iyo waliba qaar Cabaa qabrida Taasina waxaa keen tay inay ku kaxaan waa bilaa waalid waxayna inta badan ay ku Geeriyoodeen Dagaalada ka jiraa muqdisho .Dowlada puntland iyo haayadaha shacabka waxba uma qabtaan mana aha kuwo xataa Dar yeela Goorta ay Xanuun sadaan.

Shaqada ay qabtaan ayaa ah kuwo aad u Fool Xun mana aha mid ay yagu ku Qanac san yihiin waayo waxaad arkaysaa Dhalin badab oo u la bisan Schoolada iyo waliba Goob shaqo Taasina waxay keen tay inay Noqdaan Dad aan waxba kala Socon aduunka oo ku jiraa Riyo waxayna ka Fajaraan bal maanta heerka ay taagan yihiin iyo dhalinta kale meesho ay jogaan waxaadna arkaysaa kuwo inta badan Sidaasi ku waaya oo Markaasi la geeyo Goodta Dadka madaxa ka Xanuun san lagu Xanaa neeyo Oo markii hore maxay wax ugu waban waayaan waa Tan is waydiinta mudan.

Faaladaani waa mid ka hadlaysa Dhalin yarada Xaga shaqada ku dhibaataysan puntland oo aan wax axsaan ah loodalin waaana Faalo Taxane ah Haduu rabi Raali ka noqda waxaana maalin walba ku eegaynaa dhalintaasi bilaa waalidka ah Nolashooda meesha ay marayso iyo waxa ku soo Saa iday Naftaado
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”