Rug Ganacsi Casri Oo Laga Hirgeliyey Bariga Hargeysa

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
MrPrestige
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10104
Joined: Mon Jan 12, 2009 1:42 pm
Location: Ceelafweyn-Bancade ' Qardhaasa cadde Yoonisoo, qoodhiyaan ahaye ~~

Rug Ganacsi Casri Oo Laga Hirgeliyey Bariga Hargeysa

Post by MrPrestige »

Image

Hargeysa(Qarannews)-Waxay ahayd goob si habaysan looga bineeyey dhisme-yaal door ah oo loo qaabeeyey hab casri ah, kuwaasoo loo asteeyey in si wadar ah bulshada loogu fidiyo adeegyo kala duwan, jawigu wuxuu ahaa mid farxadeed, waxana dhacaysay neecowda laydha. Qeybo mid ah hal-doorka bulshada ayaa cabaar is-weydaarsanayey haasaawe hufan oo kor-ka-xaadis. Waxay u ekaayeen kooxo ay kala fogeysay xiisadaha siyaasadeed ee dalka ka taagan iyo xubno ku kala baahay arrimo khaas. Sidaa daraadeed-na waxay fursadaas uga faa'idaysteen xog-warsi iyo kala war qaadasho.

Waxay ahaayeen tiro ahaan rag door ah, oo qaybaha bulshada ka kooban, waxanay isugu jireen Siyaasiyiin, Wasiiro, Xildhibaano, madax-dhaqameed, Ganacsato, Culimo-Awdiin, Abwaano iyo dhinacyo kale oo ka mid ah qeybaha bulshada.


Image


Waxay ahayd Caweysinkii Khamiiseed ee toddobaadkan, isla markaana waxaan dadkii goobtaa joogay ka madhnayn bidhaanta Dharka dhaqanka. Dabcan, lebiska fudud ee aan caynsanaanta ahayn, astaantana u ah waqtiga nasashada ama xiliyada aan shaqada lagu jirin, ayay badi xidhnaayeen. Caruurta yaryar ee daadahaynta Caweesinkani qabatimay, oo aabayaashood la socday ayaa iyana ka muuqday Goobtaas. Sida caadada u ah waxay u ekaayeen mashquul marba dhinac isu-eryanaya oo bardootan ku jira. Balse, muddakarkii meesha keenay laba-laba, saddex-saddex, afar-afar iyo ka badan ayaa qaybiba Miis wada fadhiday oo u wada sheekaysanaysay.

Goobtu waa City Center Business, oo kulmisay xarumo ay ka mid yihiin Restaurant and Cafeteria , Fuel Station, Super Market, And Carwash, oo ku yaala cidhifka bari ee Magaalada Hargeysa. Waa suuq-yare il-qabatin leh, oo aad u camiran. Isla markaana ay bulshada kala duwani isku aragto caways iyo subaxba.

"Meheradahani waxay qeyb ka yihiin meherada kala duwan ee Kaahin Group dalka ka hirgeliyey, waana gobo ganacsi oo aanu ugu tallogalnay in aanu bulshada ugu fududeyno inay goob keliya ka helaan adeegyada ay u baahan yihiin, waxana iskaashaday muwaadiniin kala duwan". Sidaa waxa furitaankii Meherahasi ka tiraabay Guddoomiyaha City Center Business Cismaan Kaahin.

Dhamaan masuuliyiintii munaasibadaasi ka hadlay waxay si wadar ah u xuseen muhiimada ay leedahay iskaashiga bulshada iyo sida loogu baahan in si wadajir loogu midoobo horumarinta Ganacsiga dalka.

Sida uu iskaashigu u yahay furaha hirgelinta ganacsi ballaadhan oo taabogal ah ayey Sugida Nabadgelyada iyo Xasiloonida dalku u tahay tiir-dhexaadka koboca dhaqaalaha iyo horumarka Ganacsiga, Xoghayaha Guddiga Dhaqaalaha ee Golaha Wakiillada Mudane Maxamed Nuur Caraale (Duur) ayaa si weyn u soo dhaweeyey furitaanka Gancsigan oo uu ku tilmaamay maalgashi qurux iyo qiimo badan leh, Waxana uu ku kaftay in muddooyinkan danbe Ganacsigu geedi u ahaa dhinaca Galbeed ee Magaalada Hargeysa, balse uu muuqdo ifafaale muujinaya inuu dhinaca Barina Ganacsigu ka dhaqan-gelayo, isla markaana waxa uu rajo wanaagsan ka muujiyey in kor-u-kac ku yimaado hoos dhacii Ganacsiga. Isaga oo ka hadlaya doorka ay Nabadgelyadu ka qaadato horumarka Ganacsiga waxa uu yidhi; "Inta keliya ee aynu haysano oo ah Nabadgelyada ayaa saldhig u ah in dadka Ganacstada ah iyo dadka debada ka soo noqonaya inay dhiirigelin karto oo ay keeni karto tan oo kale iyo kuwo la mid ah ay dhisaan, taasina waa wax ilaahay lagu mahadiyo, in aan halkaa lagu ilaawin oo nolosha iyo dadka horumar loo raadiyaana waa muhiim."

Waa daruuri, oo la-yaab ma laha in nuxurka weedhuhu u bataan hadba mawduuca markaa taagan, iyada laga afeeftay in munaasibadaa dabakhin masraxyada siyaasiga. Sidaa daraadeed dulucda hadalku wuxuu ku aroorayey dhinaca Ganacsiga iyo Kobaca Ganacsiga/Dhaqaalaha iyo xog-waranka duruufaha ku xeeran. Mudane Xuseen Ismaaciil waxa uu ka mid ahaa Mudaneyaasha Golaha Wakiillada ee weedhahooda kaga tiraabay mawduucaas.

"Nimcadan oo kale haday qiime muujinayso ta ugu horeysa ee ay muujinaysaa waxa weeye iskaashigu qiimaha uu leeyahay, nin qudhi waxba kama bixi karo, KAAH GROUP COMPANY wuxuu ku fiday magaalooyinka waa weyn oo dhan, taasi tilmaan waxay u tahay in la dhiirigeliyo iskaashiga oo far-fardi loo dhimanine marka baayacmushtari laga fikirayo inuu iskaashigu mar walba isaga oo nidaamkiisa wata uu inoo hirgalo, Yurub iyo Ingiriis waa Kambaniyo."

"Illaahay waxaan ka baryayaa ama beer ha la isku kaashado Ganacsi kale ha la isku kaashadee dadku inuu ogaado in iskaashigu nolosha yahay, Gacmo wadajir bay wax ku gooyaan baa la yidhi, qurux iyo Muraayad ayey wadanka u tahay iyaga iyo qaar kaleba waa inay aad u bataan, iskaashiga wax soo saarkuna waa inuu ku xigaa, waayo imika Aduunkii belaayaa ka jirtoo waxaa la leeyahay Nin weliba halkiisa waxa uu ka beertaa ayuun buu leeyahaye cid wax isku diraysaa ma jirto. Markaa iskaashiga Beeruhu waa inay fara bataan". Ayuu Mudanuhu hadalkiisa ku soo af-meeray.

Korriinka Magaalanimo Waa mid ay wadaagaan xaafadaha Magaalada Hargeysa, sidaa aawadeed, waxa la soo qaaday korriinka xaafadda Bariga ee astaanta u ah wax-qabsiga madaxa bannaan ee bulshada. Prof. Axmed Cabdi Cismaan ayaa hadal uu munaasibadaa ka jeediyey ku sheegay in uu dhismahani tilmaan u yahay fidinta Magaalada iyo Horumarinta Dhaqaalaha Qoyska. "Waxay Dan u tahay Somaliland, gaar ahaan Magaalada Hargeysa, waxaa muhiim ah in ay difaacno, ilaalino iyo in ay Xukuumaddu cashuuraha u dhaafto oo aanan albaabada kaga bixin isla markaana aanu sameyno waxyaabo dhiirigeliya..Dawlada waxa looga baahan yahay in ay Ganacsiga Dhiirigeliso, Shacabkana waxaa looga baahan yahay in Ganacsiga Dhiirigeliyaan oo ay iskaashi sameeyaan".

Suldaan Barre Warsame Shire ayaa isaguna ka warramay doorka Wax-soo-saarka Dalaga Beeraha iyo dhaqashada Xoolaha oo ku tilmaamay inay hormood u yihiin meelaha ugu mudan ee bulshada muhiimada weyn u leh, loona baahan yahay in la dhiirigeliyo. Suldaan Bare waxa uu ku baaqay in si wadajir ah looga faa'idaysto tayeynta dhaqashada Xoolaha, Beeraha iyo Kalluunka.

Maayarka Degmada Burco Maxamuud Axmed Xasan (Dhego-laab), oo isaguna xafladaa ka hadlay ayaa Ganacsatada ugu kula dardaarmay inay u midoobaan hirgelinta Ganacsi ballaadhan oo anfaca mujtamaca, waxana uu sheegay in ay Dawladaha Hoose soo dhaweynayaan horumarka Ganacsiga dalka. "Dawladaha Hoose ee Somaliland Al-baabada kala bixi maayaane wey la shaqeynayaan Ganacsatada. Ayuu yidhi Maayarka Burco oo dibaaqayey hadal ka soo yeedhay Prof. Axmed.

Wasiiru-Dawladaha Wasaaradda Caafimaadka iyo Shaqada, Md. Axmed Cali Shire ayaa sheegay in Safar uu dhawaan ku soo maray 580 KM oo ka mid ah Gobolada Togdheer iyo Sanaag uu ku soo arkay xaalado qalafsan oo deegaanadaasi ka taagan, gaar ahaan dayaca adeegyada aasaasiga ah ee arrimaha bulshada iyo Xoolaha, waxana uu ku baaqay in Dawlad iyo shicib-ba la iska kaashado wax-ka-qabashada arrimahaas.

"Waxaan Maqlayey Nin lahaa Ganacsigii Bari ayuu fidiyaa, Dhaqaalihi wuu soo kobcayaa maadaama xoolihii la furey, Ganacsi Bari u fiday ma jiro, deegaanadaasna duruufo badan ayaa ka taagan, Waxaa adhigii baa la furey, adhiba ma jiro oo xoolihii wey dhamaadeen. Markaa dalka dib ha loo eego". Ayuu yidhi Wasiirku, waxana uu intaas ku daray.

"Waxaa la yidhaahdaa Nabada ha la ilaaliyo, Dabcan wey wanaagsan tahay, laakiin haddii aanay nololi jirin Nabadu waxba tari mayso...Deegaanadaas aanu tagnay Dadku waxay ku odhanayaan ‘Dawladu waxba may noo qaban".

Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Caafimaadku waxa uu sheegay in aanay hay'adaha ka shaqeeya adeegyada bulshadu wax-qabadkooda ku dabaqin hadba baahiyaha ka jira deegaanada ay mashaariicda ka fulintaan, isla markaana aanay la tashi la sameyn hay'adaha Dawliga ah ee ku shaqada leh, waxana uu ugu baaqay in ay mashaariicdooda soo mariyaan Wasaaradaha, si loogu saleeyo baahiyaha ugu mudan in wax laga qabto, waxana uu sheegay in dhiirigelinta Ganacsigu ka mid yahay waajibaadka ay u xil saran tahay xukuumaddu, waxana uu Ganacsatada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada kula dardaarmay inay ka qeyb-qaataan dhismaha dalkooda.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo si rasmi ah meheradahaa xadhiga uga jaray ayaa halkaa ka soo jeediyey hadal kooban oo,isugu jirey bogaadin, dardaaran iyo tallo soo jeedin waxana uu sheegay in kobaca Dhaqaalaha/Ganacsiga lagu hirgelin karo midnimo, Wado-tashi iyo in laga baxo Ganacsiga Shakhsi-nimo, si loo xaqiijiyo himilada Qaranku ugu higsanayo uu horumar taabogal ah ka gaadho dhinacyada Ganacsiga, Dhaqaalaha iyo Wax-soo-saarka Dalka.


http://www.qarannews.com/index.php?opti ... &Itemid=62
User avatar
Gaashaanle_87
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 926
Joined: Thu Apr 02, 2009 7:37 am
Location: Kaydkii jacaylkaa riyo laygu keenaa' kabbo baan idhaahdaa mise waaba koob madhan :(

Re: Rug Ganacsi Casri Oo Laga Hirgeliyey Bariga Hargeysa

Post by Gaashaanle_87 »

loool @ the first pic it's not even Hargeisa, Magaca uun bay ku qoreen!
Hargeisa dhul sidaa u samaysan malaha sxb
User avatar
MrPrestige
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10104
Joined: Mon Jan 12, 2009 1:42 pm
Location: Ceelafweyn-Bancade ' Qardhaasa cadde Yoonisoo, qoodhiyaan ahaye ~~

Re: Rug Ganacsi Casri Oo Laga Hirgeliyey Bariga Hargeysa

Post by MrPrestige »

Gaashaanle_87 wrote:loool @ the first pic it's not even Hargeisa, Magaca uun bay ku qoreen!
Hargeisa dhul sidaa u samaysan malaha sxb



they are still designing it , i will post when the full pictures are released. :idea:
labo22
Posts: 236
Joined: Sat Nov 14, 2009 6:52 am

Re: Rug Ganacsi Casri Oo Laga Hirgeliyey Bariga Hargeysa

Post by labo22 »

Hay Mr. Ducaysane209 what you are trying to prove?, first you were Mr. dot topics now you posting a fake picture come on give a break you to back to pal-talk first graduate from there then we will see you in few months maybe years

cheers
User avatar
MrPrestige
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10104
Joined: Mon Jan 12, 2009 1:42 pm
Location: Ceelafweyn-Bancade ' Qardhaasa cadde Yoonisoo, qoodhiyaan ahaye ~~

Re: Rug Ganacsi Casri Oo Laga Hirgeliyey Bariga Hargeysa

Post by MrPrestige »

Eid Mubarak Horta first.


you can clearly see the picture is from the website of Qarannews , i didn't say the first picture was definitely Hargeysa, it could be the way they want to design it.


Munaasibad xadhiga lagaga jaray Huteel Cusub oo ka kooban qaybo kala duwan, sida qaybaha Cuntada, Shidaalka, Leemaajada Baabuurta lagu maydho, meelo loogu talagalay in Carruurta lagu ciyaarsiiyo iyo Super Market , ayaa habeenimada Arbacadi inna dhaaftay lagu qabtay Xarunta huteelkaas ee Bariga Magaalada Hargeysa.

Guddoomiyaha Golaha Waakiilada Somaliland Oo Xadhiga ka jaray Huteel Cusub oo qaybo badan ka koban, lana Magac -baxay Kaah Business Center.

http://hadhwanaag.com/


i simply love my countries progression and accomplishments so don't hate Djboutian Huuno boy.



lastly you need to stop spamming the place with Djbouti topics , you do know there is a djbouti section?
labo22
Posts: 236
Joined: Sat Nov 14, 2009 6:52 am

Re: Rug Ganacsi Casri Oo Laga Hirgeliyey Bariga Hargeysa

Post by labo22 »

Slowly you coming to back to the civilization ,so keep it that way, I guess I aleardy explainen to you if you are getting that you can’t be patriotic if you don't have a recognized country isn't it?, 1- for sure you are part of what use to be North-West Somalia 2- there is a population of mainly to tribe Issaq and Gadaboursi, 3- is missing to patriot for

cheers
User avatar
MrPrestige
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10104
Joined: Mon Jan 12, 2009 1:42 pm
Location: Ceelafweyn-Bancade ' Qardhaasa cadde Yoonisoo, qoodhiyaan ahaye ~~

Re: Rug Ganacsi Casri Oo Laga Hirgeliyey Bariga Hargeysa

Post by MrPrestige »

dude wtf does that got to do with the topic? this is about East hargeysa and it's progression and accomplishments, do us all a favour and go play with your usual topics about Cismaaciil Cumar Geele instead of concerning yourself with hargeysa, i might even be kind enough to join you in the djbouti section concerning CCG kkkkkk.
labo22
Posts: 236
Joined: Sat Nov 14, 2009 6:52 am

Re: Rug Ganacsi Casri Oo Laga Hirgeliyey Bariga Hargeysa

Post by labo22 »

Ducaysane209 wrote:dude wtf does that got to do with the topic? this is about East hargeysa and it's progression and accomplishments, do us all a favour and go play with your usual topics about Cismaaciil Cumar Geele instead of concerning yourself with hargeysa, i might even be kind enough to join you in the djbouti section concerning CCG kkkkkk.
Keeping your attitude Duud rhymes with dull, so Mr. dull I was replying to latest posting not the to topic Mr. Dim so chill out dump
User avatar
MrPrestige
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10104
Joined: Mon Jan 12, 2009 1:42 pm
Location: Ceelafweyn-Bancade ' Qardhaasa cadde Yoonisoo, qoodhiyaan ahaye ~~

Re: Rug Ganacsi Casri Oo Laga Hirgeliyey Bariga Hargeysa

Post by MrPrestige »

dude i understand this must have gotten into you somaha. :lol:



"this is about East hargeysa and it's progression and accomplishments, do us all a favour and go play with your usual topics about Cismaaciil Cumar Geele instead of concerning yourself with hargeysa"


you still haven't answered my previous question why are you spamming the place with djibouti topics when infact you got a djibouti section of your own which needs a little filling to ease the desert tiny nation?
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”