Xaflad Xilwareejina oo Lagu Qabtay Cusbitaalka Guud ee Magaa

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

User avatar
MrPrestige
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10104
Joined: Mon Jan 12, 2009 1:42 pm
Location: Ceelafweyn-Bancade ' Qardhaasa cadde Yoonisoo, qoodhiyaan ahaye ~~

Xaflad Xilwareejina oo Lagu Qabtay Cusbitaalka Guud ee Magaa

Post by MrPrestige »

Xaflad Xilwareejina oo Lagu Qabtay Cusbitaalka Guud ee Magaalada Ceergaabo


Image
Muuqaalkan waa qaar ka mida Madaxda Gobolka ee Heer Gobol iyo Degmo

Kulan xilka maamulka cisbitalka guud ee degmada ceerigaabo loogu wareejinayey madixii Wasaarada caafimaadka ee Gobolka Sanaag Xasan Axmed Saalax {xasan koore} ayaa ka dhacay xarunta Cisbitalka Guud ee magaalada ceerigaabo

Inkastoo aanu cisbitalkau beryihii danbe sicfiican u shaqaynayn hadana waxaa kusgnaa shaqaale iyo bukaanjiif fara badan

Hadaba waxaa kulankii xilka loogu wareejinayey maamulka cusub ka hadlay gudoomiyihii hore ee cisbitalka Dr Axmed cali carrey waxana uu sheegay in inkastoo gobolku aad u balaadhan yahay isla markaana aad u kalafog yahay hadana uu maaamulkiisu wax badani u qabsoomeen waxana uu taabtay in aanay hayaduhu aanay ka caawiyin xaga qalabka waxa uu ku daray in shaqaale khibrad lihi joogaan degmooyinka gobolka degmada Gar’adag iyada ayaa samaysatay cisbital waana ta looga baahan yahay degmooyinka kale ayuu yidhi waxana uu umahad celiyey shirkada Dahabshiil oo uu sheegay inay caawimo hore ugu deeqday iyadoo uu kulankaa goobjoog ka ahaa madaxa Shirkada Dahabshiil ee gobolka Sanaag mudane faysal faash,Waxa kale oo uu intaa ku daray in labada hay’adood ee UNICEF & WORLD VESSION ay hore kormeer ugu sameeyeen cisbitalka laakiin ilaa hada aanay waxqabad muuqda ka samayn cisbitalka



Sidoo kale waxaa kulankaa hadal kajeediyey maamulaha cusub ee loo magcaabay maamulka cisbitalka guud ee degmada oo ah madaxa caafimaadka Xasan Axmed Saalax waxana uu sheegay in si dhaqso ah loo dhaqaajin doono hawlaha Cisbitalka waxana uu shaqaalaha ,maamulka degmada iyo kan gobolka iyo weliba dadweynaha ka codsaday inay gacan siiyaan waxana uu ku daray inay yalaan daawooyin ku filan iyo weliba laba dhaqtar oo ka soo qalin jebiyey Jaamacad ku taala Boorame waxaakale oo uu xusay in aanay shaqaaluhu qaadan wax mushahar ah mudo todoba bilood ah waxa uu ka codsaday shirkadaha korontada in ay cisbitalka ugu deeqaan korontada



Maayarka magaalada ceerigaabo ismaaciil x nuur oo isna kulankaa ka hadlay ayaa u mahad celiyey labda dhqtar oo mudooyinkii udan beeyey howlo caafimaad ka wadey cisbitalada magaalada waxayna sameeyeen qaliino kaladuwan sida uu sheegay maayarku

Ugu dan bayna waxaa kulankaa soo gebe gebeeyey gudoomiyaha gobolka sanaag mudane Cali Cabdi Hure waxa uu sheegay inay dhowaan shahaadooyin gudoon siinayaan labada dhaqtar ee Dr Cabdi qani iyo Dr mustafe



Isku soo wada duuboo dhowaanahan waxaa Magaalada Ceergaabo laga dareemaya in uu ka jiro Dhaqdhaqaaq wax wada qabsi oo Bulshadu ku dedaalayso inay Wax qabsadan intay cid kale wax ka sugi lahaayeen,



siciid axmed tamreyse

sanaag74@hotmail.com

ceerigaabo /sanaag/somaliland

Xafiiska Tafatirka Wararka SanaagNews


Kala Soco Shabakada Wararka Gobolka Sanaag Iyo Waliba guud ahaan Wadanka



Image



Image



Image



http://sanaag.org/details.asp?id=1252&dt=news
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Sanaag”