Page 1 of 1

Baabur laga leeyahay Puntland oo Itoobiya Laweeragtay

Posted: Thu Dec 03, 2009 5:54 am
by MrPrestige
Image



Warar ka imanaya Deegaanka Soomaalida O'gaadeeniya ayaa sheegaya in baabur dhan ilaa 76 oo ka yimid Maamulka Puntland ay Ciidamada Itoobiya la wareegin kuwaas oo meel ay la aadan aan ilaa hada aqoon, Waxaa Hadaba Maanta Idaacada BBC Waraysi kala Yeelatay Caawo Darawaladii Baabuurtaas oo Xaalada Baaburtan laga Warsaday.


Baaburtan ayaa laga kaxaystay meel ah Jibriga kaas oo aan la magacabin, Maamulka Kililka ayaa Darwadalada Baaburtani u dacwoodeen ayaa waxba idin ma qaban karno ay oogu Jawaabeen, Iyagoo hadalka ku sii daray in Baaburtan Ciidamada Dowlada Qaateen. Jibrigana ay Iyagu Mamulaan.

Darwadaladan ayaa Ka Codsanaya in Maamulka Puntland arrinkan soo guda galo oo baaburtaan la soo daayo iyadoo ilaa haatan aan la qoon sababta dhabta ah ee keentay.

Balse dadka ku nool Magaalada Jigjiga ayaa sheegay Xanaaq Ciidamada Itoobiya ay ka qabaan Dagaaladii oogu danbeeyay Darteed ay arrinkan ka danbeeyso.

Dhanka kale Warar Madax Banan sheegaya in Xukumada Addiss Ababa ay rabto inay qodobo Hordhigto Maamulka Garoowe, balse lama oga waxay ku danbayn doona iyo waxay yihiinba.


http://www.ogadentoday.com/news.php

Re: Baabur laga leeyahay Puntland oo Itoobiya Laweeragtay

Posted: Thu Dec 03, 2009 6:13 am
by GENERAL_SNM
Puntland has become equal to an Ethiopian toilet. :down: