
Garowe: Madaxweynaha dawladda Puntland oo ka hadlay Qaraxyadii magaalada Muqdisho.
3. December 2009
APL
Garowe(AllPuntland)- Madaxweynaha dawladda Puntland ee Soomaaliya Dr, C/rixmaan Sheekh Maxamed Maxamuud oo ka hadlayay caasumada Puntland ayaa wax laga xumaado ku sifeeyey qaraxii maanta ka dhacay caasumad dalka Soomaaliya ee Muqdisho, isagoo sheegay in uu yahay mid argagixiso, waa sida uu sheegay Madaxweynaha Puntland-ne.
Madaxweynaha dawladda Puntland wuxuu ugu baaqay dalalka jaarka la ah Soomaaliya in ay garab istaagaan dawladda Soomaaliya, isagoo sheegay in wax laga xumaado ay tahay in qarax lala beegsado Arday Soomaaliyeed oo maanta doonaysay in ay qalin jabiyeen, wuxuuna ugu baaqay dhinacyada isku Siyaasada gobalada Koonfureed ee Soomaaliya in ay wada hadlaan.
“ Aad baan uga xumahay waxa dhacay, anoo ku hadlaya Magaca Dawladda Puntland waxaan aad uga tacsiyaynayaa falkaasi dhacay, waxaana ugu baaqayaa dalalka jaarka la ah Soomaaliya in ay caawiyaan dawladda KMG ah, oo hada ku hareysan meelo badan oo ay ku sugan yihiin dhinacyo badan oo ka soo horjeeda” Ayuu yiri Madaxweynaha dawladda Puntland.
Madaxweynaha dawladda Puntland wuxuu sheegay in Soomaalida looga baahan yahay in ay ka shaqeeyaan mustaqbalka dalka Soomaaliyeed, isla markaasna ay dhinacyada Siyaasadeed ee dagaalamaya aysan dagaaladooda galin dhinacyada horumarka caamka ah ee Bulshada.
Dawladda Puntland oo hada gobaladeeda ay ka jirto nabadgalyo, inkastoo ay jireen mudooyinkii ugu dambeeyey falal amaan daro, ayaa horay uga daraysay xaaladaha qalafsan ee ka jira gudaha dalka Soomaaliya, gaar ahaana gobalada Koonfured ayadoo ugu baaqday Beesha Caalamka taageero balaaran oo lugu garab istaago dawladda Soomaaliya.
F. C. Maxamed
AllPuntland