Somaliland oo lagu arkay Xayawaan aan hore u joogin

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
MrPrestige
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10104
Joined: Mon Jan 12, 2009 1:42 pm
Location: Ceelafweyn-Bancade ' Qardhaasa cadde Yoonisoo, qoodhiyaan ahaye ~~

Somaliland oo lagu arkay Xayawaan aan hore u joogin

Post by MrPrestige »

Xukuumadda Somaliland oo sheegtay in markii u horraysay Somaliland lagu arkay Xayawaan aan hore u joogin

Jimco, 4 December 2009 (HOL)- Wasaaradda Dalxiiska iyo dhqanka Somaliland, ayaa sheegtay in markii ugu horraysay Deegaano ka tirsan Gobollada Saaxil iyo Togdheer lagu arkay nooc ka mid ah Daanyeerrada oo loo yaqaano Gorrille.

Agaasime-ku-xigeenka Waaxda Aataarta qaddiimiga ah ee Somaliland Maxamed Cabdi Cali, ayaa sheegay in baadhitaanno iyo daba-gal ay samaysay Wasaaradda Dalxiiska Somaliland lagu ogaaday, isla markaana lagu arkay laba Gorille oo ku sugan Deegaanno ka tirsan Gobollada Togdheer iyo Saaxil.

Agaasime-xigeenku wuxuu sheegay in baadhitaannadan oo qaatay muddo toban maalmood ah lagu ogaaday in Xayawaankan Gorrille-ha ee la arkay ay yihiin nooca ku nool waddamada Afrikada dhexe ee Harooyinka waawayn leh. “Waxaanu Gorrile-haasi ku aragnay meel bari ka xigta degmada Sheekh oo la yidhaahdo Garas, una dhow buurta la yidhaahdo Wagar. Gorrillaha labaad ayaa lagu sheegayaa Buurta Nageegir oo dhinaca Waqooyi-bari ka xigta Magaalada Burco. Xayawaankan oo aan asal ahaan hore u joogi jirin dalkan.” ayuu yidhi Maxamed Cabdi Cali. Waxaanu intaa ku sii daray oo uu yidhi, “Marka uu tallaabsanayo waa Xayawaan qurux badan, raadkiisuna wuxuu le'eg yahay ilmo 12 jir ah. Dadka qaar ayaa xayawaankan u arka inuu yahay rabaayad ama dad la joog. Cududda labadiisa gacmood Gorillahani wuxuu ku xidhan yahay Bir u eg baraarug.”

Maxamed Cabdi wuxuu Wasaaradaha deegaanka, Beeraha iyo Xoolaha Somaliland ugu baaqay inay Xayawaankaasi caafimaadkiisa baadhaan.

Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
barqad@hiiraan.com
Hargeisa, Somaliland

http://hiiraan.com/news/2009/Dec/warark ... 4-8203.htm



Image
User avatar
Keyse_0208
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9898
Joined: Thu Apr 10, 2008 11:42 am
Location: L D N
Contact:

Re: Somaliland oo lagu arkay Xayawaan aan hore u joogin

Post by Keyse_0208 »

:lol: daam looks like the Ciies Muuse are slowly evolving
User avatar
MrPrestige
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10104
Joined: Mon Jan 12, 2009 1:42 pm
Location: Ceelafweyn-Bancade ' Qardhaasa cadde Yoonisoo, qoodhiyaan ahaye ~~

Re: Somaliland oo lagu arkay Xayawaan aan hore u joogin

Post by MrPrestige »

Keyse_0208 wrote::lol: daam looks like the Ciies Muuse are slowly evolving


:lol:
User avatar
Keyse_0208
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9898
Joined: Thu Apr 10, 2008 11:42 am
Location: L D N
Contact:

Re: Somaliland oo lagu arkay Xayawaan aan hore u joogin

Post by Keyse_0208 »

Guddoomiyaha Tuulada Gugux Ee Bariga Degmada Sheekh Oo Ka Digay Khatar Kasoo Fool Leh Daayeerka Gorriilaha Oo Dhaawacyo Soo Gaadhsiiyay Dad Ku Dhaqan Deegaanka Wagar
Gorriilahaasi Wuxu Ku Wareegaa Buurta Wagar Waxanu Ugaadhsadaa Guduudanaha, Sakaarada Iyo Daayeerka Oo Uu Kala Baxo Wadnaha, Kelyaha Iyo Beerka
“Lama Garanayo Cid Dalka Keentay Bahalkaasi Oo Dameerka Le’eg Waxanu Dhaawacay Nin Uu Gacanta Ka Jabiyay”
Guddoomiyaha Tuulada Gugux, Ibraahin Maxamed Xeyd

Guddoomiyaha tuulada Gugux ee bariga degmada Sheekh ee gobolka Saaxil, Ibraahin Maxamed Xeyd, ayaa ka digay khatar ka soo fool leh daayeerka noociisa loo yaqaano Gorriilaha oo ku sugan buurta deegaanka Wagar oo uu sheegay in uu faro baas ku hayo xayawaankii iyo ugaadhii ku nooleyd deegaankaasi oo uu tilmaamay in uu xayawaanka Guduudanaha, daayeerka iyo ugaadha sakaarada uu bahalkani kala baxayo beerka, wadnaha iyo kelyaha. Isagoo intaa ku daray in bahalkaasi Gorriiluhu uu sheegay in uu dameerka le’eg yahay balaadh ahaan uu khatar weyn ku hayo dadka ku dhaqan deegaankaasi oo uu sheegay in qaar ka mid ah uu dhaawacyo soo gaadhsiiyay.
Isagoo dhinaca kalena sheegay in aanay ilaa hadda garaneyn cida dalka keentay Gorriilahaasi iyo qaabka uu ku yimid oo uu tilmaamay in warar is khilaafsani ay ka soo baxayaan qaabkii daayeerkan Gorriilaha ahi ku yimid dalka.
Guddoomiyaha tuulada Gugux, Ibraahin Maxamed Xeyd, oo wargeyska Haatuf xalay khadka tlifoonka kula xidhiidhay isagoo ku sugan tuulada Gugux oo ku taala buurta Wagar ee uu ku jiro Gorrilahaasi, isla markaana 21 Mitir dhanka bari ka xigta degmada Sheekh ee gobolka Saaxil, oo aanu wax ka weydiinay Gorriilaha deegaankaasi ku sugan iyo waxa ka jira xaqiiqdiisa ayaa isagoo ka waramaya arrintaasi wuxu yidhi “ daayeer Gorriilahaasi waxa uu joogaa meesha la yidhaa, Dabo Bahalaale oo ka mid ah buurta Wagar ee tuulada Gugux ku taalo, odayaal ka yimid deegaankaasi oo maanta xog wareysi aan kala yeeshay bahalkaasi ayaa waxay ii sheegeen in Gorriilahaasi uu surwaal gashan yahay timo badana uu leeyahay, afkiisuna uu gaaban yahay, bahal weyn oo dameerka le’eg weeyaan, waxay odayaashu ii sheegeen in bahalkani aanu dadka wax dhibaato ah u geysaneynin balse uu xayawaanka ay ka mid yihiin, gudduudanaha, daayeerka iyo sakaarada intuu kala jeexo calooshooda uu kala baxayo wadnaha, beerka iyo kelyaha, waxa kale oo ay ii sheegeen in labadii maalmood ee ugu dambeeyay uu ka takhalusay bahalka Dhidarka la yidhaahdo oo uu ku dilay buurta dhexdeeda, siddaa darteed bahalkan Gorriiluhu wuxuu ku sugan yahay oo uu dhex wareegaa buurtan Wagar, mana garanayno meel uu dalka ka soo galay iyo cid keentay toona, qaabkii uu ku yimid dalkana muran badan ayaa ka dhex taagan oo dadka qaar waxay leeyihiin Gorriilahan waxa laga soo tuuray maraakiibta badda mareysa iyo dad ajanabi ah ayaa keenay, waxa kale oo ay dadka qaarkood sheegayaan in magaalada Boosaaso laga keenay ilaa haddase si rasmi ah uma ogin cida soo waariday Goriilahan”.
Mar aanu wax ka weydiinay in Gorriilahani dadka xoolo dhaqatada ah ee deegaankaasi ku sugan muddadii uu ku sugnaa uu wax dhibaato ah ama dhaawacyo ah soo gaadhsiiyay, waxa uu ku jawaabay “ waxa la ii sheegay in uu labadii maalmood ee ugu dambeeyay uu nin kula dagaalamay buurta uu gacan ka jebiyay, gabadh uu soo daba galay oo aanu wax dhibaato ah gaadhsiinin balse ka soo carartay waa la ii sheegay hase yeeshee wakhtigan xaadirka ah dadkii maatida ahaa iyo xoolo dhaqatadii ku dhaqnaa deegaanka waxa la ii sheegay in habeenadan oo dhan aanay dadku hoygooda kasoo bixin iyagoo ka cabsanaya bahalkan Gorriilaha ah,
Image

khatar buu keeni karaa haddii uu sedan u sii joogo deegaankan, waxanan ka digayaa in gurmad badbaadin ah loo soo sameeyo dadka ku dhaqan deegaankan lagana badbaadiyo Gorriilahan muddooyinkan u dambeeyay ku sugnaa degaankooda”
dhinaca kale xukuumadda Somaliland ayaan ilaa hadda la iman qorshe ay wax kaga qabaneyso bahalkaasi ku sugan degaankaasi iyadoo wakhtigan xaadirka ah dadweynaha ku dhaqan deegaanka Wagar ay cabsi badani kasoo food saartay joogitaanka bahalkaasi oo inta badan laga helo dalalka ku yaala Galbeedka qaaradan Afrika gaar ahaan dalka Cameroon oo dadkoodu dhaqan ahaan u cunaan hilibka daayeerka Gorriilaha.
User avatar
MrPrestige
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10104
Joined: Mon Jan 12, 2009 1:42 pm
Location: Ceelafweyn-Bancade ' Qardhaasa cadde Yoonisoo, qoodhiyaan ahaye ~~

Re: Somaliland oo lagu arkay Xayawaan aan hore u joogin

Post by MrPrestige »

:lol: :lol: @ Ileen Gorillihu aint no joke daadka wu dhiila.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”