Al-Shabaab attacks Qabriga Muse Ismaacil

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
LiQaaye_TDH
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15857
Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...

Al-Shabaab attacks Qabriga Muse Ismaacil

Post by LiQaaye_TDH »

Waxa Shalay oo taariikhdu ahayd 03/12/2009, weerar aan wax yeelo badan gaysan ku qaaday Qabrigii Xaaji Muse Ismaaciil koox lagu sheegay in ay yihiin Taageerayaasha Argagixisada Al-shabaab. Xaaji Muse Ismaaciil oo ah Odayga Faca-weyn ee ay Ka soo jeedo Beel Weynta Muse Ismaaciil (Habar-yonis) ayaa Qabrigiisu ku yaalaa Duleedka Magaalada Ceerigaabo. Argagixisada Qabriga weeraray oo la sheegay in aad u baqayiin ayaa calamo sudhnaa Qariga hareerihiisa jeex jeexay waxoogaa dhagaxaan ah oo ku teedsanaana kala daadiyey. Ciidanka Police-ka ee Ceerigaabo ayaa deg-deg ku tegay Qabrigii Xaajiga, isla markiiba waxa ay heleen Police-ku tibaax ku saabsaan dadkii fal danbiyeedka gaystay halka ay ka soo duuleen iyo degaanka ay ka soo jeedaan.
Wasiir-ku-xigeenka wasaarada Cadaalada Yuusuf Ciise Ducaale (Talaabo) oo Ceerigaabo ku sugan iminka ayaa aad uga cadhooday dhacdadan. Mr talaabo ayaa heegan culus galiyey Masuuliyiintii gobolka iyo Ciidankii nabad-gelyada, Isla markaan ku wargaliyey Maamulka Maydh in ay feejignaadaan oo Isha ku jayaan Qabriga Sheikh Isaxaaq.
Dad wax-garad ah oo ku sugun Ceerigaabo ayaa iyana sheeg in Argagixisada Al-shayaadiin(Al-shabaab) ay dhawaan ku mareen sahan Buuralayda Sanaag iyaga oo iska soo dhigaayey ama ku been abuuranaaya Kooxda Tabliiqiga.
User avatar
Shams al- Dawla
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 404
Joined: Wed Nov 18, 2009 9:51 am
Location: Arabsiyo/ Somaliland

Re: Al-Shabaab attacks Qabriga Muse Ismaacil

Post by Shams al- Dawla »

Xabad keliyaha ha laga geliyo nacdal ku dhacday-da !!
User avatar
abdikarim86
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 12077
Joined: Sun Sep 14, 2008 7:21 am
Location: Bristol

Re: Al-Shabaab attacks Qabriga Muse Ismaacil

Post by abdikarim86 »

man that is fucked up
User avatar
yunis09
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3441
Joined: Thu Feb 19, 2009 1:32 pm

Re: Al-Shabaab attacks Qabriga Muse Ismaacil

Post by yunis09 »

waa been
User avatar
MrPrestige
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10104
Joined: Mon Jan 12, 2009 1:42 pm
Location: Ceelafweyn-Bancade ' Qardhaasa cadde Yoonisoo, qoodhiyaan ahaye ~~

Re: Al-Shabaab attacks Qabriga Muse Ismaacil

Post by MrPrestige »

Gudd. Xisbiga UCID ee Sanaag oo Beeniyay in Qabuuro Sanaag ku yaal La Weeraray



Guddoomiyaha Xisbiga Ucid ee gobolka Sanaag C/laahi Axmed Daammur ayaa habeennimadii xalayto isagoo kazoo laabtay dhinaca magaalada Badhan wuxu shir jaraa'id ku qabtay magaalada Ceerigaabo.

Shirkan jaraa'id ayaa waxa guddoomiyaha Ucid waxba kama jiraan ku sheegay in Falal argagixiso oo Alshabaab ka danbayso lagu burburiyey xabaalo qaddiimi ah oo Ceerigaabo isagoo sidoo kalena canbaareeyey wararka arrintaas kusaabsan iyo ciddii faafisayba.

Isagoo guddoomiyaha Ucid yidhi "Waxa wax lala yaabo ah iyadoo xukuumaddii joogto oo ciidammadiina shaqaynayaan hay'adihii kale oo dhammina shaqaynayaan oo wax dhibaato weyni aanay jirin in dacaayad baaxaddaas leh oo jiritaankeenna ceeb ku ah laynaka faafiyo". "Waxan caddaynayaa in aan Alshabaab wax falal ay ku lug leeyihiin habayaraatee xabaalahaas la sheegayo lagula kicin wax falal Alshabaab ku lug leeyihiinna aanay halkan ka dhicin".

Isagoo hadalkiisa sii watana wuxu yidhi "Wararka warbaahinta qaarkeed faafiyeen ee arrintaas ku saabsani waa waxba kama jiraan iyo wax si qaldan loo fidiyey oo aan u aragno cid gaar ahi in ay dan ka leedahay". "Arrintaasi waa mid khatarteeda leh oo saamayn xun ku yeelan karta guud ahaan gobolka Sanaag siiba dhinaca nabadgelyada iyo horumarka iyadoo aannu ognahay xalayto in hay'adaha caalammiga ah (UN) qaarkood oo weliba amniga qaabbilsani arrintaas darteed uga bexeen Ceerigaabo. Taasina waxay keeni kartaa cawaaqib xumo iyo aafo halkan soo waajahda, waana arrin ka xun tii innakaga dhacday xanuunkii Rift-valley ee waddankeenna lagu sheegay oo muddo kusiman 10 sano xooleheenna dhoofka lagaga xayiray".

Ugu danbayn guddoomiyaha Ucid wuxu yidhi "Arrintaas waannu beeninaynaa, waanunna canbaaraynaynaa wararkaas waxba kama jiraanka ah iyo ciddii faafisay, gaar ahaan Weriye Sool oo ah Freelance journalist intooda badanna wararkaasi kazoo baxeen waxannu leenahay saaxiib maaddaama aanad Ceerigaabo joogin caddaynta wararkaas iyo halka aad ka keentay waannu kaaga fardhinaa".

Guddoomiyaha Ucid oo saxaafaddu weydiisey su'aasha ah arrinta wararkani kazoo unkameen ee ah xabaalo qaddiimi Ceerigaabo ku yaalla oo la dumiyey oo Alshabaab lagu tilmaamay waxa ka jira wuxu yidhi "Arrinta xabaalaha la sheegayo in la dumiyey markaannu baadhnay waxannu ogaanney in carruuuro yar yari ku cayaareen kaddibna rag ujeedda gaar ah ka lihi si qaldan u faafiyeen".

Saxaafadda oo weydiisey su'aasha ah isagu sababta uu magaalada Badhan u tegeyna guddoomiyaha Ucid wuxu yidhi "Badhan waxan u tegey in aan soo furo xafladda barnaamijka Sahal ee shirkadda Golis oo halkaas laga hirgeliyey.
User avatar
MrPrestige
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10104
Joined: Mon Jan 12, 2009 1:42 pm
Location: Ceelafweyn-Bancade ' Qardhaasa cadde Yoonisoo, qoodhiyaan ahaye ~~

Re: Al-Shabaab attacks Qabriga Muse Ismaacil

Post by MrPrestige »

i guess yunis is right.


Daawo Sawira ugu Dambeeyey ee Qabriga Sh. Muuse Ismaaciil ee u Dambeeyey



Sawiradani waxay ka marag kacayaan inaanay jirin wax dhibaato ah oo qabrigan loo geystay, iyada oo ay dhawaanahan soo baxayeen warar sheegaya in falal lagu burburinayo lagula kacay qabrigan.(12/7/2009









Image

Image

Image

Image




http://sanaag.org/details.asp?id=590&dt=articles
User avatar
MrPrestige
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10104
Joined: Mon Jan 12, 2009 1:42 pm
Location: Ceelafweyn-Bancade ' Qardhaasa cadde Yoonisoo, qoodhiyaan ahaye ~~

Re: Al-Shabaab attacks Qabriga Muse Ismaacil

Post by MrPrestige »

The Mayor says it's a lie.


Maayarka oo been abuur ku sheegay iyo weriyayaal goobta tegey
waxaa galabnimadii axada tegey qabriga xaaji muuse ee ku yaal duleedka magaalada ceerigaabo
weriyayaal ka socda website-yada sanaag.org iyo hadhwanaagnews weriyayaashaas oo kala ahaa weriye siciid siciid axmed tamreyse oo kasocda shabakada wararka ee gobolka sanaag ee sanaag.org iyo weriyaha hadhwanaag uga soo warama gobolka sanaag cumar sicid nuur
waxayna ujeedadoodu ahayd inay daboolka uga qaadaan wararar been abuura oo beryahan warbaahinta qaarkeed qorayeen kuwaas oo ciwaan uga dhigtay ina la burburiyey qabrigii X Muuse Ismaaciil sawirona ay ka soo qaadeen, wax la burburiyey kama ay muuqan dadkii deriska la ahaana waxba kama ogin bay yidhaahdeen dhamaan xaladiisuna caadigiisii ayuu ahaa

hadaba waraysi ay la yeelatay shabakada Sanaag.org Maayarka Magaalada Ceerigaabo Mud: Ismaaciil Xaaji Nuur ayaa noo sheegay inuu arinkaasi yahay been abuur cad iyo dad raba inay beenta dilaalaan ay saxaafada u qoreen .
wuxuu yidhi xaqiiqadii aniga cidi igama war roona, Caruur 9jiro ah ayaa meesha ku ciyaartay waxay yeeleena ma jirin, waxaana leeyehay dadka saxaafada waxaa ku qorayaa dan ha yeesheen
oo umada beenta ha ka daayeen. Haday wax inay qoraan rabaana wax umada dan u ah ha qoreen waanuna canbaaraynaynaa cidii media waxaa gelisey .

hadaba shabakda wararka Sanaag.org oo u Kuur gashay arinkaas ayay natiijadii noqotay mid aan waxba ka jirin sida loo turjumayna ay khaldanayd saxaafadana faraynsaa in arintaasi noqotay been lagana saaro bogaga lagu qoray


http://sanaag.org/details.asp?id=1266&dt=news
User avatar
yunis09
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3441
Joined: Thu Feb 19, 2009 1:32 pm

Re: Al-Shabaab attacks Qabriga Muse Ismaacil

Post by yunis09 »

walahi some people believe everything they see on the net without verifying it. and anyways why would they wanna attack the place...do people still whorship at the tomb?
User avatar
MrPrestige
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10104
Joined: Mon Jan 12, 2009 1:42 pm
Location: Ceelafweyn-Bancade ' Qardhaasa cadde Yoonisoo, qoodhiyaan ahaye ~~

Re: Al-Shabaab attacks Qabriga Muse Ismaacil

Post by MrPrestige »

well yunis , some Media websites specially somali websites like to fabricate lies and try to pass them as through , anyway it was clear it was a lie why would al shabab just come to Muse Ismaaciil tomb why not destroy the Kuumbo 1 in Haylaan? since they al shabab supposedly should be entering from the east - in the warsangeli areas. :lol:
User avatar
Keyse_0208
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9898
Joined: Thu Apr 10, 2008 11:42 am
Location: L D N
Contact:

Re: Al-Shabaab attacks Qabriga Muse Ismaacil

Post by Keyse_0208 »

yunis09 wrote:do people still whorship at the tomb?
yunis waa ku sidee bruv, nobody worships tombs. u mean miyaa loo duceeyaa xaajiga.
Xamari_76
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4939
Joined: Mon Feb 25, 2008 1:24 am

Re: Al-Shabaab attacks Qabriga Muse Ismaacil

Post by Xamari_76 »

Ive been there..
User avatar
yunis09
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3441
Joined: Thu Feb 19, 2009 1:32 pm

Re: Al-Shabaab attacks Qabriga Muse Ismaacil

Post by yunis09 »

Keyse_0208 wrote:
yunis09 wrote:do people still whorship at the tomb?
yunis waa ku sidee bruv, nobody worships tombs. u mean miyaa loo duceeyaa xaajiga.
true say bruv it was the wrong choice of words by me...i was taken there when i was about 4 and to maydh eswell, i was told people(isaaq) used come from all over somaliland and the hawdka to visit the the sheekh's tomb, people where ignorant back then but alhamdulilah its not the same any more..
i ws just wondering if some people still do
User avatar
Keyse_0208
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9898
Joined: Thu Apr 10, 2008 11:42 am
Location: L D N
Contact:

Re: Al-Shabaab attacks Qabriga Muse Ismaacil

Post by Keyse_0208 »

so this guy is the guy nicknamed GADHWEYN right..?
User avatar
yunis09
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3441
Joined: Thu Feb 19, 2009 1:32 pm

Re: Al-Shabaab attacks Qabriga Muse Ismaacil

Post by yunis09 »

yeah or i should say his descendants
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”