Page 1 of 1

Dagaalkii Eebo-cadaw kadib maxay shacabku dareemeen

Posted: Mon Dec 07, 2009 2:20 pm
by hanqadh

Dagaalkii Eebo-cadaw kadib maxay shacabku dareemeen?

Image


Dec 7, 2009 (QOL) Wararka naga soo gaadhaya qaar kamid ah magaalooyinka wawayn ee Ogadeenya ayaa waxa ay sheegayaan in dagaalkii Eebo-cadaw uu Tigeega ku reebay dhakafaarkii ugu badnaa abid oo illaa iyo hadda ay la dhaygagsan yihiin awoodda iyo taatikada ay isticmamashay jabhaddu.Magaalooyinka waawayn qaarkood sida Qabridaharre waxaa la sheegyaa in Tigreegu ay aamini waayeen xeryohoodii oo ay magaalada kuwareejiyeen dhufays ay barqinkii ku xaroodaan,waxa ay qaadeen shaki badan oo ah in jabhaddu ay soo gali doonto maagaalada.

Dhanka kale magaalooyin ay kamid yihiin Qabridaharre iyo Dhagaxbuur waxay Tigreegu lakulmeen ogayaasha magaalaada waxa ayna waydiiyeen wakhtiga ay ciidanka awooddaas leh ONLF soo galisay wadanka,waxayna odayaashu ugu jawaabeen in awoodda ONLF ay sidan uun ahayd ee uusan jirin wax meel kale uga yimid inta ay ogyihiin.

Shacabka ayaa waxa ay heleen nafis aad ubadan waxaa isku mashquulay gumaysigii dhibayay iyo adeegayaashii waxaa illaa iyo hadda soo hadhi la’ eeqadii uu reebay Eebo-cadaw oo cadawgii wada kala shaki siisay.

Mida kale waxaa jiray dagaal kale oo ay jabhaddu ku qabsatay magaalada Qalaafe 25 kii November 2009 halkaas oo ay haysteen habeen iyo maalin,waxay gacanka ku dhigeen mushaarkii ciidanka Tigreega ee Afar bilood.dagaalkaas ma noqonin mid saxaafadda soo gaadha laba arimood awgood,mida koobaad waxaa ka horeeyay dagaalkii Eebo-cadaw oo marka la isku daro inta meelood ee ay xabaddu ka dhacday ay gaadhayaan 25 goobood. Iyo tan labaad oo ah ciidanka falka fuliyay oo layaraha daahay warbixinta dagaalka.

Waxaa lasheegyaa in ay Tigreegu maanta yaqiinsadeen in ay ONLF owooddo in ay gacanta kudhigto gobolada Ogaadeenya badankood,sidaas daraareedna ay ku wareersan yihiin talaabada xigta ee ay qaadi lahaayeen,oo ay umuuqato in xaalku ka wayn yahay hebelbaa taagsan ONLF iyo Heblaa caana siisay.

Xigasho: Ogaden News Agency