Safiirka Masar says SOMALILAND Doesn't Exist in Hargeysa
Posted: Mon Dec 07, 2009 2:39 pm
http://www.jamhuuriya.info/index.php?ar ... article.tp
Hargeysa (Jam)- Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, ayaa shalay qasriga madaxtooyadda ku qaabiley safiirka dalka Masar u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Mr. Siciid Maxamed Morsy oo isagu caasimadda Hargeysa kaga dhex dhawaaqay in Somaliland tahay gobol ka mid ah Soomaaliya, isla markaana dawladdiisu ka shaqaynayso midnimadda Soomaali-weyn.
Sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay xarunta madaxtooyadda oo uu ku saxeexnaa Siciid Cadaani Mooge, waxa Madaxweyne Rayaale safiirka Masar uga sheekeeyey xidhiidhkii soo jireenka ahaa ee u dhexeeyey Somaliland iyo Masar, balse warsaxaafadeedka laguma xusin in Madaxweynuhu kala hadlay safiirka hadalladiisii deelqaafka iyo meelka dhaca ahaa ee isaga oo Hargeysa jooga uu kula dul dhacay masiirka iyo qarannimadda Somaliland ee dhiigga badan loo soo daadiyey. Warsaxaafadeedka ka soo baxay madaxtooyadu waxa uu isaga oo faahfaahsan u qornaa sidan;
“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, waxa maanta [shalay] uu qasriga madaxtooyadda ku qaabilay wafti ka socda dalka Masaarida oo uu hogaaminayo danjiraha dawlada Masaarida u qaabilsan arrimaha Somalida iyo Somiland Ambassador Saciid M. Morsy oo fadhisgiisu yahay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Daahir Rayaale kaahin oo hadal kooban u jeediyey weftiga waxa uu ka dhawaajiyey xidhiidhkii soo jireenka ahaa ee waligiiba ka dhexeeyey Somaliland iyo dalka Masaarida iyadoo waligeedba Masaaridu ay ummadda Somaliland ka taageeri jirtay dhinaca waxbarashada, iyadoo ilaa imikana ay macalimiin Masaari ahi ay wax ka dhigaan dugisyada iyo madaarista Somaliland.
Madaxweynuhu mar uu ka hadlaayey xidhiidhka Somaliland iyo waddamada Carabta waxa uu soo qaatay socdaaladii uu ku tegay dhawr waddan oo ay ka mid yihiin Yemen, Imaaraatka Carabta (UAE) iyo dalka Kuwait isaga oo carabaabay in ay lagama maarmaan tahay in la xoojiyo xidhiidhka Somaliland iyo waddamada Carabta.
Madaxweynuhu isaga oo arrintaasi sii faah-faahinaya waxa uu yidhi “Anagu diyaar baan u nahay in walaalahayo Carbeed aanu wax la qabsanno isla markaana aanu iska kaashano waxyaabaha mandaqada ku soo kordhay oo ay ka mid yihiin budhcad Badeedka iyo Argagixisada.”
Danjiraha Dawladda Masaarida Md. Ambassador Saciid waxa uu isaguna kulankaasi uu ka sheegay in dawlada Masaaridu ay diyaar u tahay in waddanka Somaliland ay ka caawiso dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin kor u qaadida waxbarashada iyo meelaha kale ee baahiyuhu ay ka jiraanba.
mbassadorku waxa kale oo uu sheegay in isaga iyo weftigiisuba ay ku faraxsan yihiiin soo dhawaynta fiican ee ay kala kulmeen xukuumadda iyo shacbiga Somaliland intii ay dalka ku sugnaayeen, waxana uu intaa raaciyey in xukuumada Masaarida iyo Madaxweynahageeba uu gaadhsiin doono farriinta qaaliga ah ee Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayale Kaahin uu u gudbiyey iyo arrimihii ay ka wada hadleenba.”
Lama garanayo sababta Madaxweyne Rayaale u qaabiley safiirka dalka Masar ee wata fikradda Soomaali-weynta, isla markaana sida badheedhka Hargeysa ugaga dhex dhawaaqay inuu yahay safiirka Masar u qaabilsan Somaliya oo dhan, Somaliland ay tahay gobol ka mid ah Soomaaliya.