Wareegto maanta kasoo baxdey xafiiska Madaxweynaha Cabdiraxman Farole ayaa lagu shegeey in Dowladda Puntland u baahan tahay iney yeelato Calan, Astaan iyo Heesta dowladda.
Wasiirka Dasturka Dr.Jimcaale oo ka hadley arintaan ayaa saxafada u sheegey in talabadan tahay mid ku xusan axdiga Puntland ee cusub islamarkana ah mid sharciga Federaalka caalamiga ah qeexayo kaas oo ah in State- walba yeesho astaan iyo calaamad u gaar ah sida wadamo badan ee aduunka ah ka jirta.
Qoraalkaan ayaa lagu xusey inuu soo baxey kadib markii Madaxweynaha Puntland uu arkey baahida loo qabo in la helo afkaarta dadweynaha ee ku saabsan soo helida Calanka Astaanta iyo Heesta Calanka dowladda.
Wareegtadaan ayaa xuseysa sidoo kale in afkaarta muwaadiniinta reer Puntland laga soo dhexhelo Calankii, Astaantii iyo Hesstii Calanka Puntland.
Guddiga Madaxweynaha Puntland u magacaabey ayaa kala ah:
1.Dr. Cabdi Xasan Jimcale Wasiiru Dowlaha Dasturka iyo Arrimaha Federaalka Gudoomiye.
2. Maxamad Farax Ciise ( Gashaan) Wasiiru dowlaha maamul wanaaga, Gudoomiye Ku-xigeen.
3. Abwaan Jamac Kadiye Cilmi- Xubin
4. Xaliimo Cali Warsame Ururka Haweenka- Xubin
5. Maxamad Muse Maxamud [ Urirka Dhlin] Xogheyn.
Guddigan oo 6/12/2009 ayaa lagu magacaabey xeer Madaxweyne Lr. 105 wexey isla taariikhdaan kulan ay ku yeesheen xarunta Madaxtooyada Puntland ku yeesheen soo saareen qodobadaan:
1- Waa in Calanka ka koobnaadaa ugu badnaan 4 midab
2- Waa inuu ka dhexmuuqdaa calanka qaranka Somaliyed ee Buluugley.
3. Waa inuu tartamuhu soo tilmaamaa waxa ay midabada uu doortey u taagan yihiin ama matalayaan.
4. Naqshada Calanka waxaa lagu soo bandhigi karaa Sawir Gacmeed warqad ku qoran ama maro.
Heesta Calanka waa in miraheeda Af Somali yihiin kana tarjumayaan himilada dadweynaha reer Puntland islamarkaana dulucda ( Meersiyada) heesta kooban yihiin isuna miisamn yihiin.
Astaanta waa iany noqataa mid u gaar ah Puntland sidaas awgeedna waa inay tahay mid muujineysa Astaan ama calaamad Puntland caan ku ah.
Gudigaan ayaa sheegey in 10 maalmood laga sugayo in dadweynaha reer Puntland ku soo gudbiyaan arrimahaan taasoo ku eg 17 Dec,2009 saacaduna tahay 1-da duhurnimo. go puntland


