AMISOM uma joogaan Nabad Ilaalin Muqdisho Sarkaal sare oo ka
Posted: Tue Dec 08, 2009 9:58 am
Muqdisho(AllPuntland)- Sarkaal sare oo sheegay in uu ka tirsan yahay Wasaaradda gaashaandhiga ee dawladda Soomaaliya ayaa ku eedeeyey ciidamada Midowga Africa ee jooga magaalada Muqdisho, in aysan waxba dan ah uheyn dawladda Soomaaliya & Shacabka Soomaaliyeed, isagoo sheegay in aysan ushaqeyneyn nabad raadin ee ay yihiin kuwa uadeegaya dawladda Mareykanka, waa sida uu hadalka udhigaye.
Sarkaalkan oo magaciisa ku sheegay Col. C/risaaq Siciid Xuseen, isla markaasna la hadlayay mid ka mid ah Idaacadaha magaalada Muqdisho ayaa ka dayriyey xaaladaha dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, wuxuuna sheegay in ay ciidamada Midowga Africa inta badan adeegsadaan Madaafiic, markii ay dagaaladu ka dhacayaan magaalada Muqdisho.
C/risaaq wuxuu sheegay in aysan marnaba AMISOM dan uheynin Shacabka Soomaaliyeed, isagoo ku eedeeyey in ay danaha Reer Galbeedka oo kaliya ka shaqeynayaan, isla markaasna aysan sidii loo baahnaa uga howlgaleyn gudaha dalka Soomaaliya.
Sarkaalkan sheegtay in uu ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhiga ee dawladda Soomaaliya ayaa sheegay in hadii ay ciidamadaasi ushaqeynayaan dawladda Soomaaliya, ay taageeri lahaayeen howlgalada ciidamada dawladda Soomaaliya oo qeyb ka noqon lahaayeen, balse wuxuu sheegay in ay madaafiic oo kaliya ku gaaraan Shacabka Soomaalida ee Muqdiso.
“ Aad baan uga walaacsanahay madaafiicda lugu garaacayo Shacabka Soomaaliyeed, AMISOM-na uma shaqeynayso dawladda KMG ah, waxa ay qabanaysaa howl ay usoo dirsadeen dalalka Reer galbeedka, gaar ahaana dawladda Mareykanka oo dano gaar ah ka leh xaajada Soomaaliya” Ayuu yiri Col. C/risaaq Siciid Xuseen.
Eedaynta loo jeediyey ciidamada AMISOM ee ah in ay madaafiic ku garaacaan deegaanada aysan dagaaladu ka socon, marka uu dagaal dhaco ayaa ah mid soo badanaysa, waxaana Wasiiro ka tirsan dawladda Soomaaliya ay horay dhaleecayn ugu jeediyeen qaraarka noocaas ah, ayagoo sheegay in aysan udulqaadan doonin, balse lama garan karo waxa ay eedeynta cusub uga jawaabayaan ciidamada Midowga Africa ee Soomaaliya ee ilaaliya Sadexda masuul ee ugu sareysa dawladda Soomaaliya.