Somali man kills his pregnant wife
Posted: Wed Dec 09, 2009 4:34 am
Nin Xaaskiisa oo Uur laheyd xalay ku gowracay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir kadib markii uu arkay iyadoo nin kale uu qabo.
Nin ayaa Xaaskiisa xalay waxaa uu ku gowracay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir kadib markii uu arkay iyadoo nin kale uu qabo islamarkaana uur u qaaday.
Waxaa habeenkii xalay ahaa Fal gowrac ah loogu geystay gudaha degmad Wadajir ee gobolka Banaadir haweenay la sheegay in iyadoo nin uu qabo nin kale guursatay,waxaana falkaasi geystay ninkii horay u qabay haweneydaasi kaasoo la sheegay in uu in mudo ah ku maqnaa dalka dibadiisa.
Sida la sheegay ninkaasi ayaa waxaa uu arkay haweeneydiisa oo Uur leh islamarkaana xaas ku ah xaafad ka mid ah degmada Wadajir ee gobolka Banaadir isagoo xiligaasi kadib kula kacay haweeneydaasi fal gowrac ah sida ay Shabelle u sheegtay mid ka mid ah haweenka ku dhaqan degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.
Gudoomiyaha Maamulka Degmada Wadajir ee dowladda KMG Axmed Xasan Cadoow (Axmed Daaci) oo isna ay la xariirtay Idaacada Shabelle ayaa waxaa uu sheegay in arintaasi ay ka warheleen hase ahaatee wali aysan ku sameyn wax baaritaano ah isagoona sheegay in dhawaan baaritaano lagu sameyn doono dhacdadaasi.
Si kastaba ha ahaatee falkaani gowraca ee xalay ka dhacay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir ayaa waxaa uu daba socdaa falal gowrac ah oo mudooyinkii ugu dambeeyay ka dhacayay degmooyin badan oo ka tirsan gobolka Banaadir kuwaasi oo si dhab ah loo ogeyn cid ka dambeysa,waxaana dhacadii nuucaani ah oo ka dhacda sanadkaan Magaalada Muqdisho.