Guddoomiyaha KULMIYE Oo Faah-faahin Ka Bixiyay Siyaasadiisa Dibada
Hargeysa(Ramaas) Dec. 08, 2009 - Xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE ayaa maanta xaflad balaadhan ugu sameeyay dhalinyaro tiro badan oo ka soo go’ay xisbiga UDUB kuna biiray xisbiga KULMIYE.

Xafladaasi oo lagu qabtay Huteelka Summer Time ee Magaalada Hargeysa, waxa ka soo qeyb galay Hoggaanka xisbigaasi iyo taageereyaal tiro badan oo ka mid ah bulshada ku dhaqan Magaalada Hargeysa.
Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo xafladaasi ka hadlay ayaa aad ugu mahad celiyay soona dhaweeyay dhalinyaradaasi, waxaanu yidhi “Walaalayaal guddigiinba waad mahadsan tihiin dhalinyarada ku soo biirtay xisbiga KULMIYE ee ka soo digo rogatay xisbiga UDUB iyo dadweynaha badan ee xisbiga KULMIYE ee halkan iskugu yimidba aad iyo aad baanu idiin soo dhawaynaynaa si sharaf leh oo qiimo leh.qalbi furan iyo laab furan waxaanan idin leeyahay ku soo biira walaalihiin, ku soo biira xisbiga KULMIYE oo ah xisbiga mustaqbalka.”

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in barnaamijka xisbiga ay dadweynaha Somaliland iyo taageereyaasha xisbigaba ugu gudbin doonaan qalabka warbaahinta.
“Waxaan maanta ka hadlayaa siyaasada xisbiga KULMIYE ee arrimaha dibada sababtu waxa weeye dalkeenu muddo badan ayuu madax banaanaa, oo uu halgan dheer iyo diumuqraadiyad bilaabay mandaqada oo xasiloonideedu aad u liito.oo aynu muujinay xil kasnimo iyo wada jir. Waxyaabaha aan u arko in maamulka maanta jiraa ku guul daraystay waxa ka mid ah illaa saacadaa aynu joogno in horumarkii aynu ka filaynay in dunidu hore u soo dhaqaaqdo, oo aynu bulshada caalamka ka mid noqono in aanay arrintaasi ku guulaysan maamulka maanta jiraa ayaan aad iyo aad u aaminsan nahay.”
Md. Amed Siilaanyo oo ka hadlayay siyaasada xisbigiisa ee mandaqada Geeska Afrika wuxuu yidhi “In badan waxa la damcaa in la isku khuukhiyo inay colaadi inaga dhaxayso oo wanaag inaga dhaxaynin mandaqada aynu ku noolahay waxaan leeyahay dawlada maanta jirtaa in badan ayay isku daydaa iyadoo isleh wax ku korodhso oo ka faa’iidayso. Waxaan halkan ka caddaynayaa in iskaashi iyo nabad gelyo aanu Anagu la yeelanayno dalalka ku yaala mandaqada sida Itoobiya,Jabuuti iyo gobolada kale ee Soomaaliya. Waxyaabaha inaga dhaxeeya waxa ka mid ah inaynu leenahay cadow guud oo u baahan inaynu meel uga soo wada jeedsano waxa ka mid ah codowyadaasi guud Argagixisada waxay ka mid tahay qeybo badan oo dunida aafeeyay.inagana weeraro badan inagu soo qaaday.”
Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE wuxuu sheegay in xisbiga UDUB iyo xukuumada Somaliland markii ay miciin kale waayeen ay xisbigiisa ku tilmaameen Argagixiso, waxaanu yidhi “Waa ayaan darro maanta in dawladeena iyo xisbiga tallada dalka hayaa uu garan kari waayay wixii aynu qaran ahaan meel uga soo wada jeednay. Inuu yidhaahdo xisbiga KULMIYE ayaa Al-shabaab ku xidhan waad maqasheen Cismaan Hindi wixii ka soo yeedhay.Anaguse haddii aanu xisbiga KULMIYE waxaanu taagan nahay in lala dagaalamo budhcad badeeda iyo Argagixisada.”
Guddoomiyuhu wuxuu tilmaamay inay diyaar u yihiin inay xidhiidha iskaashi iyo Ganacsi ay la yeeshaan dalalka dariska iyo kuwa caalamkaba, isla markaana wuxuu carabka ku dhuftay inay dekada Berbera ka dhigayaan xudunta ganacsiga Geeska Afrika.
Md. Siilaanyo wuxuu xukuumada ku eedeeyay inay jeebada ku shubatay lacagtii dhoofka xoolaha ee Maxjarka caafimaadinta xoolaha ee dekada Berbera.
Dhinaca kale, Xoghayaha guud ee xisbiga KULMIYE Md. Kayse Xasan Cigge, oo ka hadlay xafladaasi ayaa soo dhaweeyay dhalinyaradaasi waxaanu tilmaamay in dhalinyaradaasi ay ka soo baxeen xisbiga UDUB markii ay u adkaysan waayeen waxqabad la’aanta maamulka xukuumada Rayaale.
Sidoo kale, Madaxa olalaha doorashada ee xisbiga KULMIYE ee gobolada galbeedka Somaliland Md. Baashe Cabdi Gaboobe, oo xafladaasi ka hadlay ayaa cambaareeyay Tallaabo shalay xukuumadu ay calanka KULMIYE kaga jareen meel wado ah oo u dhow xarunta Telefishanka qaranka.
Md. Baashe Cabdi Gaboobe wuxuu sheegay inay dhalinyaradaasi soo dhawaynayaan waxaanu shacbiga Somaliland u soo jeediyay inay codkooda iyo taageeradoodaba siiyaan xisbiga KULMIYE.
Sidoo kale, waxa xafladaasi ka mid ahayd dhalinyaradii ka soo baxday xisbiga UDUB oo sheegay inay go’aansadeen inay ku biiraan KULMIYE markii ay arkeen sida xaalada dhaqaale ee dalku tahay waxaanay xukuumada ku eedeeyeen musuqmaasuq baahsan.
Ramaasnews Desk
Hargeisa