Page 1 of 1

DAMEERO SOOMAALI NOOCII U HOREEYEY OO KU DHASHAY WADANKA QAT

Posted: Wed Dec 09, 2009 11:14 pm
by MALMAHA
DAMEERO SOOMAALI NOOCII U HOREEYEY OO KU DHASHAY WADANKA QATAR

Published on: Dec 9, 2009

Waxa xarun weyn oo kuwa xayawaanka lagu xanaaneeyo ah oo ku taalla dalka Qadar ku dhashay tiro xayawaanka dameerka ah oo laga keenaya Dhulka Soomalida taasi oo qeyb ka ah boobka lagu hayo xayawaanka Soomaaliyeed.

Xeradan xayawaanada oo lagu magacaabo Al Wabra Wildlife Preservation (AWWP) kuna taalla magaalada Doxa ee xarunta dalka Qadar ayaa waxaa ku jira tiro ka mid ah xayawaanka dameerka iyadoo 4 dhalood ay dhowaan ku dhasheen.

Waxaa la soo bandhigay sawirada dameeradaasi oo isugu jira lab iyo dheddig oo ciyaaraya, iyadoo ay tani tahay tusaale aad u yar oo ka mid ah sida xayaaanka dhadiga ah ee Soomaaliyeed dalka dibadiisa loogu iib geeyey taasi oo hore mamnuuc u ahayd.

Waxaa la aaminsan yahay in wixii ka dambeeyey burburkii dowladii hore ee Soomaaliya laga baayac mushtaray ganacsiga duur joogta Soomaalida taasi oo ay ku lug leeyihiin Soomaali iyo ajaanib intuba.



Image
Image
Image

Re: DAMEERO SOOMAALI NOOCII U HOREEYEY OO KU DHASHAY WADANKA QAT

Posted: Wed Dec 09, 2009 11:16 pm
by MALMAHA
maxa damero laynaga xaday.
ka soo ceeliya. :oops: :oops:

Re: DAMEERO SOOMAALI NOOCII U HOREEYEY OO KU DHASHAY WADANKA QAT

Posted: Thu Dec 10, 2009 7:54 am
by Hyperactive
Waxa xarun weyn oo kuwa xayawaanka lagu xanaaneeyo ah oo ku taalla dalka Qadar ku dhashay tiro xayawaanka dameerka ah oo laga keenaya Dhulka Soomalida taasi oo qeyb ka ah boobka lagu hayo xayawaanka Soomaaliyeed.
lol dameraha la hadey miyan o oyneyna?
they paid for it. if some one stole are smalis who store their own and sell it.