Somaliland oo ka qayb gashay shir caalami ah oo lagu qabtay

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
MrPrestige
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10104
Joined: Mon Jan 12, 2009 1:42 pm
Location: Ceelafweyn-Bancade ' Qardhaasa cadde Yoonisoo, qoodhiyaan ahaye ~~

Somaliland oo ka qayb gashay shir caalami ah oo lagu qabtay

Post by MrPrestige »

Somaliland oo ka qayb gashay shir caalami ah oo lagu qabtay Xarunta Bosnien-Hercegovina ee Sarajevo


Sarajevo(saraarnews.com)-shir caalami ah oo sanadkiiba mar la qabto ayna qabanqaabiso SILC

oo dalalka aduunka ka caawisa arimaha dimoqraadiyada xarunteeduna tahay wadanka Sweden ayaa lagu qabtay xarunta wadankaasi Bosnien-Hercegovina ee Sarajevo. Shirkaas oo ay ka soo qayb galeen, Somaliland, sweden, cuba, bosnia, ukrain , serbia, maldova,russia iyo singapore.

Dalalkaas badankooda ayaa la sheegaa inay Dimoqraadiyadu cidhiidhi tahay marka laga reebo

wadanka Sweden.


Image


President of theLiberal Democratic Party of Bosnia.
Ahlan Mohamed Jama Kulmiye Party





Shirkaas oo ay SILC uga wakiil ahayd Rhoda Elmi oo ah gabadh dhalinyaro oo aqoonyahanad ah

aadna ugu ololaysa qadiyada somaliland, waxaa lagu soo qaaday xaaladaha dimoqraadiyada

Somaliland , halkaas oo warbixin faahfaahsan ay ka jeedisay Ilhaan Mohamed Jama oo ahayd

gabadhii dhowaan xisbiga Mucaaradka ahi ee Kulmiye u soo xulay inay ka mid qoqoto gudiga

doorashooyinka qaranka laakiin uu iska hortaagay Madaxweyne riyaale kaahin.



intii ay halkaa ku sugnayd Bosnien-Hercegovina waxay Kulamo la yeelatay masuuliyiin kala duwan oo

ay ka tirsan wadankaas ayna ka mid yihiin Madaxda xisbiga Liberalka ee wadankaas iyo

masuuliyiin kale oo caalamka ka socday.

Ilhaan Mohamed Jama ayaa Booqasho imika ku joogta wadanka Norwey halkaas oo ay kulamo kula

yeelanaysay jaaliyada reer somaliland ee halkaas ku dhaqan iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan

wadankaas.


Image


Bulshada caalamka ayaa si weyn ugu dheg taagaya doorashooyinka la filayo inay ka dhacaan

wadanka somaliland, oo ah tijaabadii ugu danbeysay ee somaliland bulshada caalamku ku

xidheen, waxaana in badan laga digay dhibaatada ka dhalan karta dib u dhac danbe oo

xukuumada Riyaale kaahin ku samayso doorashooyinkaas.

waxaanu dhowaan idiin soo gudbin doonaa waraysi maqal ah faahfaahsan oo aanu arimahaas

kala yeelanay ilhaan Mohamed Jama




Image



From Left, Rasim Kadic The first President of theLiberal Democratic Party of Bosnia,
Rhoda Jama Elmi SILC,
Lamija Tanovic President of theLiberal Democratic Party of Bosnia.
Ahlan Mohamed Jama Kulmiye Party and
Nerzuk Curak



Saraarnews
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”