Madaxweyne Daahir Riyaale Oo Maleegaya Falal Argagixiso Lagu

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
MALMAHA
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 960
Joined: Mon Apr 27, 2009 11:16 pm

Madaxweyne Daahir Riyaale Oo Maleegaya Falal Argagixiso Lagu

Post by MALMAHA »

Madaxweyne Daahir Riyaale Oo Maleegaya Falal Argagixiso Lagu Wanjalo Doorashada



Hargeisa (Buraoonline) 10.12.09 Kadib markii Ummadda Somaliland iyo Beesha Caalamku ku sandulleeyeen madaxweyne Daahir Riyaale iyo kooxdiisa in dalka dhawaan laga qabto doorashada madaxweynaha si loo ilaasho deganaanshaha iyo nidaamka dimoqaraadiga ah ee dalka ayaa waxa uu madaxweyne Daahir Riyaale dalka ka bilaabay falal argagixiso oo qarsoon si loo wanjalo doorashada madaxweynaha. Falalkan argagixiso waxaa lagu ugaadhsanayaa saraakiisha iyo mas`uuliyiinka Axsaabta Mucaaradka, Xubnaha Golayaasha Qaranka, saraakiisha Sare ee Ciidanka Qaranka iyo culimada dalka caanka ka ah ee caadiga ah ee ka soo horjeeda Maamulka Daahir Riyaale dabadeedna waxaa lagu masabidayaa in dilalka qorshaysan iyo nabadgelyo-xumada dalka uu ka dambeeyo ururka argagixisada ka dagaallama Somalia ee lagu maagacaabo Al-Shabaab si ummadda loo majara-habaabiyo. Daahir Riyaale oo ka rajo-dhigay muddo-kordhin dambe oo Golaha Guurtidu u sameeyo waxaa uu falalkan argagixisada ku rabaa inuu ku khalkhaliyo nabadgelyada dalka, ku wiiqo Axsaabta Mucaaradka iskana horkeeno Beelaha Somaliland si markaas uu sabab ama cudurdaar ugu helo inuu ku baajiyo doorashada madaxweynaha nabadgelyo-xumo awgeed.

Falalkan argagixiso ee dalka hadda ka socda oo qaar lagu tuhunsanyahay qaarna ku cadyihiin inuu ka dambeeyo Maamulka Daahir Riyaale waxaa ka mid ah:

November 1, 2009 : Waxaa qarax miino lagu dilay Taliyihii Qaybta 12aad ee Ciidanka Qaranka Somaliland Eebbe haw naxariiste Gaashaanle Sare Cismaan Yuusuf Nuur isaga oo maraya magaalada Laas Caanood dhexdeeda. Dilkan qarsoon waxaa la aaminsanyahay in loola jeeday sidii la iskaga horkeenilahaa Beelaha kala dega Togdheer iyo Sool (Habarjeclo iyo Dhulbahante). Dilkan argagixiso waxa uu salka dhigay madaxtooyada Daahir Riyaale Kaahin.
2. November 4, 2009 : Waxaa dil gaadmo ah ka baxsaday Xildhibaan Moxamed Faarax Qabille oo ka tirsan Baarlamaanka
Somaliland isaga oo ay weerarkaas ku soo qaadeen laba nin oo afka ka xidhan goor uu sii gelayay gurigiisa. Mudane
Qabille waxa uu ummadda iyo saxaafaddaba u sheegay in madaxweyne Daahir Riyaale ka dambeeyo isku dayga dilkiisa.

3. November 24, 2009 : Ninka lagu magacaabo Cismaan Cabdullahi Cigaal (Cismaan Hindi) oo ah mas`uul ka tirsan Xisbiga
talada dalka haya ee UDUB waxa uu sheegay in Xisbiga Kulmiye iyo taageerayaashiisu ay ka tirsanyihiin ururka
argagixisada ee Al-Shabaab. Dhawaaqaas oo gef weyn ku ah Xisbiga iyo ummaddaba salkana ku haya qaran-dumisnimo
waa arrin uu ka dambeeyo Daahir Riyaale si madaxda iyo saraakiisha Xisbiga Kulmiye (Rayid iyo ciidanba), ummadda
taageerta iyo culimada Diinta dalka ee caadiga ah loogu qaado wax lagu magacaabo : La dagaallanka Aragagixisada oo
ah dhagartii uu Cabdullahi Yuusuf u adeegsanjiray Beesha Hawiyaha ee Muqdisho si uu ciidan, hub iyo maalba uga helo
dunida uu ku baaba`sho beeshaas. Malaha Daahir Riyaale iyo Cismaan Hindi ismaweydiin inay ka soconayso beenta
intaas le`eg iyo inay leeyihiin awood ay ku fushaan beentaas.


December 2, 2009: Waxaa Ciidanka Qaranka ee aagga Sool xabsiga dhigeen Cabdifataax Muuse Yuusuf oo ah sarkaalka sirta ugu sarreeya Gobolka Sool ee Maamulka Riyaale. Cabdifataax waxaa Ciidanka Qaranku xidheen markii uu qirtay inuu ka dambeeyay dhigidda laba ka mid ah miinada qaraxda oo la dhigay meherada laba nin oo ganacsato ah oo arrintaas awgeed loogu xidhay labadaas nin Laas Caanood si loogu eedeeyo looguna wanjalo dilkii Taliyihii Qaybta 12 aad. Miinooyinka qarxa ee uu qirtay inuu ka dambeeyay dhigidooda Sarkaalka sirta ee Daahir Riyaale, Cabdifataax Muuse Yuusuf, waxay isku noocyihiin miinadii lagu dilay G/Sare Cismaan Yuusuf Nuur. Dawladda ayaa arrintu salka dhigtay. Markii sirta dilka Taliyihii Qaybta 12aad ay ka fashilantay Madaxeyne Riyaale ayaa waxa uu xoogsaaray in xukunka Cabdifataax loo soo wareejiyo Hargeysa si keligii loogu eedeeyo dilkii G/Sare Cismaan Yuusuf isna ka badbaado fadeexadda weyn ee soo food-saartay halkii maxkamad lagu saarilahaa magaalada Laas Caanood oo ah meeshii falka dembigu ka dhcay.
5. December 7, 2009 : Mr. Yuusuf Ciise Tallaabo oo ah Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Cadaaladda, booqashana ku
jooga Gobolka Sanaag waxaa uu sheegay in Qabriyadda Eebbe haw naxariistee Muuse Ismaaciil iyo Mataanaha Ilma
Daawuud ay dhawaan argagixiso burburisay iyo inuu hayo oo la soo qabtay waxyaabaha qarxa ee argagixisadu
isticmaasho, waxaa kale oo uu sheegay in Gobolka Sanaag ay ka buuxdo argagixisada Al-Shabaab. Madaxda Gobolka
Sanaag waxay caddeeyeen in aanay argagixiso waxyeellin qabriyada balse carruuri ku ciyaartay, waxay kale oo ay
caddeeyeen in Gobolka Sanaag aanay joogin wax argagixiso ah. Arrintanu waxay muujinaysaa in Daahir Riyaale uu
Yuusuf Tallaabo ugu diray Gobolka Sanaag inuu ka soo abaabulo shirqoollo lagu ugaadhsanayo madaxda gobolka,
madaxda ciidamada, madaxda Axsaabtaa Mucaaradka iyo culimada Diinta ee ka soo horjeeda Maamulka Daahir Riyaale
dababdeedna lagu eedeeyo ururka argagixisada ee Al-Shabaab ee Gobolka lagaga sii been abuuray.

6. December 8, 2009: Waxay Maxkamadda Sool sii deysay oo xorriyadoodii u soo celisay labadii ganacsato ee
Laas Caanood lagu xidhay dhawaan kuwaas oo uu Maamulka Daahir Riyaale rabay inuu ku wanjalo dilkii Taliyaha Qaybta
12aad ee Ciidanka Qaranka G/Sare Cismaan Yuusuf Nuur. Labadan ganacsato waxay kala yihiin Cabdiraxmaan Ibrahim
Muuse iyo Mustafe Daahir Axmed.

7. Falalkii argagixisada ahaa ee dalka ka dhacay falalkan kor ku xusan ka hor wax raad ah lagama hayo taasuna waxay
dhalisay tuhun weyn oo ah inuu ka dambeeyay Maamulka Daahir Riyaale. Waxaa muuqata in Maamulka Daahir Riyaale isu
bedalay nooc la mid ah ururka argagixisada ee Al- Shabaab si loo wanjalo doorashada madaxweynaha loona burburiyo
qaranimada iyo aqoonsiga Somaliland, shirqoolkaas oo ay kula jiraan Maamulada Somalia iyo Jabuuti .

Waxaa kale oo iyadana xusid mudan in dhallinyaro ku biirtay Xisbiga Udub kana tegay Xisbiga Kulmiye haddana dib ugu
soo laabtay dhawaan Xisbiga Kulmiye ay 6dii December, 2009 ummadda Somaliland ku baraarujiyeen in nabadgelyada
laga ilaashado dawladda taas oo caddaynaysa inay hayaan sir weyn oo Maamulka Riyaale wax ku ugaadhsanayo.

Maamulka Daahir Riyaale waxaa qorshahan qaran-dumisnimada ah ee ku salaysan argagixisada kula jira Maamulada Jabuuti iyo Somalia oo si weyn iyagu uga soo horjeeda qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland, fal kasta oo fool xumo ahna la maleegaya Daahir Riyaale si aan doorasho dalka uga dhicin loona aqoonsan. November 28dii, 2009 waxaa magaalada Laas Caanood lagu xidhay xubin ka tirsan baarlamaanka Somalia oo lagu magacaabo Indha-Buur isaga oo lagu eedaynayo inuu gacan ku lahaa dilkii Taliyihii Qaybta 12aad ee Ciidanka Qaranka Cismaan Yuusuf Nuur taasuna waxay caddaynaysaa in loo wadajiro la dagaallanka qaranimada iyo aqoonsiga Somaliland. Saddexdan (3) Maamulba waxay aaminsanyihiin in haddii doorasho dalka laga qabto uu xukunka dalku gelayo gacanta madax daacad u ah qaranimada iyo madxbanaanida Somaliland dabadeedna la aqoonsandoono muddo aan fogeyn.

Sida lala wada socdo waxaa Daahir Riyaale hore u laalay Dastuurka dalka, waxa uu wiiqay dhaqaalaha dalka, waxa uu dhawr jeer horjoogsaday doorashada madaxweynaha, waxa uu dil, dhaawac iyo xadhigba u geystay dad rayid ah oo si salmiya u banaanbaxayey, waxaa uu sabab la`aan xabsi ku tuuray siyaasiyiin can ah iyo weriyaal, waxa uu waxbadan isku dayay inuu iska horkeeno beelaha Somaliland, waxa uu horjoogsaday shaqada qaranka Golaha Wakiilada ee sharci-dejinta, waxa uu khalkhaliyay nabadgelyada dalka, waxa uu jebiyay heshiisyo heer qaran iyo heer caalamba ahaa, waxaana uu si hoose ula dagaallamay welina ula dagaallamaa aqoonsiga dalka si aanay u hanaqaadin dawladnimada iyo qaranimada Somaliland loona helin aqoonsiga Beesha Caalamka. Dhammaan arrimahanu waa dembiyo khiyaamo qaran lagu mijaxaabinayo jiritaanka Somaliland. Waxaa qaran-dumisnimada kula jira Daahir Riyaale cadow sokeeye iyo cadow shisheeye.

Nabadgelyada oo hirgasha iyo doorashada madaxweynaha oo si nadiif ah waqtigeeda loo qabto waa labada arrimood ee ugu muhiimsan oo aqoonsi dhakhso leh u keenaya Somaliland waana labada ay Daahir Riyaale iyo cadowga la safan ay rabaan inaan midna hirgelin oo ay ka hortagaan markasta waana sababta Daahir Riyaale u jebiyo markasta heshiisyada uu galo. Safiirka Masar u jooga Somalia, Saciid Moxamed Morsy, oo dhawaan booqasho ku yimid Somaliland waxa uu si cad u inkiray jiritaanka Jamhuriyadda Somaliland kadib markii uu kulan la yeeshay Daahir Riyaale waxaana la sheegayaa inuu kula dardaarmay Daahir Riyaale inaan Somalida la kala goyn. Safiirku waxa uu iska-indhatiraya in Masar iyo Suuriya oo ah laba dal oo carbeed ay ku heshiinwaayeen kuna kala tageen midnimadii ka dhaxaysay maantana midnimo ay Masar hore u diiday ayuu ku wacdiyayaa ummadda Somaliland.

Waxaa lagama maarmaan ah in aad looga fejignaado shirqoolada, dhagarta iyo qaran-dumisnimada ay maleegayaan Maamulka Daahir Riyaale iyo cadowga sokeeye iyo shisheeye ee la safan isaga lalana socodsiiyo ummadda markasta xaaladda dalku meesha ay marayso isla markaana la adkeeyo nabadgelyada xafladaha iyo kulamada. Haddii Daahir Riyaale iyo kooxdiisu ku wanjalaan doorashada madaxweynaha falal argagixiso iyo khalkhalin nabadgelyada dalka ama inta doorashada la qabto ay qas iyo musuqmaasuq ku boobaan, waxaa markaas khasab iyo waajibba noqondoonta in dulmiga iyo qaran-dumisnimada loogu galo daaraha si loo samata-bixiyo dadka, dalka iyo qaranimada.

Somaliland xaq aan la duudsiyikarin ayey u leedahay aqoonsiga Beesha Caalamka sida loo aqoonsaday dalal badan oo kala noqday kadib markii ay heshiinwaayeen. Somaliland waa la aqoonsan lahaa mar hore laakiin kuwii xukunka lagu aaminay ay dhagar iyo khiyaamo qaran u maleegay aqoonsiga. Qofkii shaki kagajiro xaqnimada ay Somaliland u leedahay dawladnimo, qaranimo, iyo aqoonsi fadlan akhriso labada maqaal ee kala ah: Xuduudaha Afrika Waa Xuduudihii Isticmaarka iyo All African Borders Rose from Colonial Borders(Just Google these titles of the two articles).

Ibrahim Hassan Gagale

Email: Ibrahim_hg@yahoo.com

Taariikh: December 10, 2009.




Hadi dahir riyale uu fekerayo sidi uu samayn laha falal lagu waxyelaynayo dorashada somaliland.
cida uu dhimanyasa wa dahir riyaale iyo ciidamadiisa. mantaa wuxu ku jira wakhtigii, uu iss deldeli laha ama is badbadin laha.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”