
Somalia Latest News English
Cudurdaar: Abdi rashiid Artan maaha ninka isqarxiyay
Mogadishu 11 December 2009 Waagacusub Media.
Dhamaan akhristayaasha Waagacusub.com waxaan uga cudurdaaraneynaa sawir si qaldan loo saaray Waagacusub oo lagu sheegay inuu yahay ninkii isku qarxiyay Hotel Shamo 3 December laakiin Abdi Rashiid Cartan maaha ninkii is qarxiyaay,waana nin dhalinyar oo halaaga Somalia la saaxiiba.
Warka sida qaldan ay u geliyeen Waagacusub Weriyeyaasha Xafiiska Mogadishu waxaanu ka siineeynaa Abdi Rashiid Cartan oo ah ninka la yaaban isqarxiyaha naftiisa halaagay. raali gelin Halkaan ka daawo
Weriyeyaasha Waagacusub waxaa warkaas u soo diray nin ku nool dalka Denmark waxayna xogtaasi rumeeysteen marka ay sawirka Abdi rashiid ku arkeen Dayniile.com oo weli uu ku jiro,laguna sheegay in sawirka uu yahay mid laga qaaday isagoo yar.
Waxaan u mahadcelineynaa dhamaan Jaaliyadda Somalida ee noo soo diray Emailada gaar ahaan Cabdi Raxiim Axmed oo Copenhagen nooga soo diray Emailkii ugu horeeyay ee nagula saxayay.
Mar labaad ayaan ka cudurdaaraneynaa warkaas ,waxaana tifaftirka Waagacusub.com xoojin doonaa sugnaanta wararka la xiriira ninka is qarxiyay
