Ciidamo Wata Gaadiidka Dagaalka Oo Isu Soo Dhiibay Culimada Ehlusuna Ee Gobolka Gal-guduud.
Caabudwaaq (RBC):- Wararka naga soo gaaraya magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Gal-guduud ayaa sheegaya in Saraakiil iyo Ciidamo kasoo goostay Dawladda Federaalka Kumeelgaarka Soomaaliya ay isu soo dhiibeen Culimaa’udiinka Ehlusuna ee Gobolka Gal-guduud.
Ciidamadani oo wata Gaadiidka Dagaalka ayaa waxaa lagu soo waramayaa in ay ka mid ahaayeen Ciidankii Dawladda Federaalka Kumeelgaarka Soomaaliya ee horey u joogay Gobolka Hiiraan, kuwaasi oo maanta isu dhiibay Saraakiisha Ciidamada Ehlusuna ee ku sugan magaalada Cabudwaaq.
Waxaa la sheegayaa in Ciidankani oo ay weheliyaan Saraakiishooda ay wateen labo gaari oo nooca Dagaalka ah, iyagoo soo galay gudaha magaaladaasi barqanimadii saaka, halkaasi oo lagu soo dhaweeyay.
Waxaa wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaara magaalada Cabudwaaq ee Gobolka Gal-guduud ay sheegayaan in Maamulka Ehlusuna ee Magaaladaasi ay qabteen shir jaraa’id oo ay uga warbixinayaan Ciidankani waxaa ay yihiin iyo goobta ay ka yimaadeen, iyo sida ay ka yeeli doonaan.
Ma aha markii ugu horeysay oo ay maamulka Ehlusuna isu soo dhiibaan Saraakiil ka yimid Gobolka Hiiraan waxaana horey isugu soo dhiibay C/raxmaan Ibraahim Macow oo horey mas’uul uga soo ahaa Gobolka Hiiraan, isla markaana mar la soo shaqeeyay Dawladda Federaalka Kumeelgaarka Soomaaliya isagoo ahaa Gudoomiyaha Gobolkaasi.
Ciidan iyo labo gaari defect to Ahlu Sade in Abudwaq
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
- CoolPoisons
- SomaliNet Super
- Posts: 10533
- Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 259 Views
-
Last post by CoolPoisons
-
- 42 Replies
- 169 Views
-
Last post by Twisted_Logic
-
- 11 Replies
- 967 Views
-
Last post by Voltage
-
- 0 Replies
- 359 Views
-
Last post by CoolPoisons
-
- 12 Replies
- 933 Views
-
Last post by zingii
-
- 6 Replies
- 846 Views
-
Last post by Queen_Arawello
-
- 32 Replies
- 2437 Views
-
Last post by ReturnOfMariixmaan
-
- 6 Replies
- 31 Views
-
Last post by CoolPoisons