
Hargeysa(Oodweynenews)-Waxaa shalay qadadii kulan aad u balaadhan ku yeeshay hotelka cusub KAAH BUSSINES ee ku yaala bariga magaalada Hargeysa 18-ka ardaa ee ay ka kooban tahay beesha H/Yoonis.
Kulankan oo ahaa qado sharafeed uu soo qabanqaabiyey Suldaan Yuusuf Xiiray islamarkaana hor-dhac shir guud oo ay beeshu iskugu iman doonto 21-ka bishan magaalada Burco, ayaa waxa ka soo qaygalay sulaadiin, cuqaasha, odayaasha, aqoonyahanka iyo xildhibaanada goleyaasha barlamaanka kaga jira beesha Habar-yoonis.
Kulanka qado-sharefeedka ahaa ee uu Suldaanku iskugu keenay Salaadiinta, Cuqaasha iyo waxgaradka 18-ka ardaa ee ay ka kooban tahay beesha H/Yoonis, oo ay hadalo ka soo jeediyeen Salaadiin door ah, waxaa ugu horeyn hadal mahad iyo soo dhoweyn ah ka soo jeediyey Suldaanka Guud ee beesha Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi Qani, oo halkaas uga mahadceliyey Suldaan Yuusuf Muxumed Xiiray iskugu yeedhida beesha iyo casuumad qadada ah ee ay beeshu isku waraysanayso ee uu beesha u sameeyey, waxaanu yidhi “Aad iyo aad ayaan kuugu mahadcelinayaa Suldaan casuumad aad reerka wax-garadkiisa iyo madax-dhaqameedkiisa isku yeedhay, arintan waa mid hore loogu baahnaa oo aad adigu ku guuleysato in aad ku dhaqaaqdo”.
Intaas ka dib waxaa uu Suldaankak Guud ee H/Yoonis ku soo dhaweeyey mikiri-foonka Suldaan Yuusuf Muxumed Xiiray, si uu weedhihiisa, dar-daarankiisa iyo war-bixin uu uga siin lahaa ergoonka kala duwan ee ka soo qaybgalay casuumadan safarkii uu dhawaan kaga soo noqday dalka Ingiriiska iyo waxyaabihii uu kala soo

sida oo kale waxaa uu Suldaan Yuusuf Muxumed Xiiray ka war-bixiyey booqashadii uu ku tagay UK iyo waxyaabihii uu kala soo kulmay wuxuu-na yidhi “Dalka Ingiriiska ayaan ilaa afar bilood ku maqnaa, waxaan kala soo kulmay soo dhoweyn aad u balaadhan, waxaan halkaas ku qabanay shir ay iskugu yimaadeen ilaa 500, qof oo ka mid beesha waxana la gor-feeyey baahiyaha ka jirta deegaanada shanta Gobol beeshu ka degto dalka”
suldaanka oo hadalkiisii sii wata ayaa yidhi “Shirkaas dadkii ka soo qaybgalay waxaanu isku af-garanay in ay baahiyo aad u weyni ka jiraan deegaanadaas loo baahan yahay in wixii la qaban karo ay dadka dibedaha joogaa qabtaan, waxana halkaas lagu go’aamiyey in 21 bishan la qabto shir ay soo qaybgalaan madaxdhaqameedka iyo waxgaradka beesha H/Yoonis mid dibeda jooga iyo gudo jooga, lagu qabto magaalada Burco ee xarunta Gobolka, waxaa kale oo la isku raacay in sida ugu dhakhsaha badan loo ururiyo lacag lagu dhiso dakedii Maydh, wadada Tabca ee isku xidha Maydh iyo Ceerigaabo iyo wadada kale ee isku xidha Oodweyne iyo Hargeysa”


hadaladaas ka soo yeedhay Suldaan Yuusuf, waxaa sacab aad u balaadhan ku soo dhaweeyey dhammaan ergooyinkii casuumadan ka soo qaybgalay. Iyada oo la isku raacay in dhammaan waxqabadkaa uu sheegay suldaanku lagu gacan siiyo lana garab istaago dadkaas deegaankooda wax u qabanaya iyo in shirkaasi uu ka dhaco Burco oo ay guud ahaan ergooyin ku tilmaameen in ay tahay xudunta

beesha.
Ugu dambayntii waxaa uu Suldaanku cadeeyey arin baryahan dambe aad loo hadal hayey, isla markaana Suldaan Yuusuf uu sheegay in la moodayey in uu isagu dabada ka riixayo, taas oo dhawaan lagu sheegay in ay qaar ka mid ah beelaha la haybsooco ka mid yihiin, beesha K-C oo ka tirsan beel-weynta Haber-yoonis.

Waxaa uu Suldaanku madashan ka cadeeyey in aanu arintaas wax shaqo ah lahayn oo ay tahay been cad iyo waxba kama jiraan, isaga oo tilmaamay in beelahaasi la mid yihiin beelaha kale ee Somaliland wada dega, KUUL-CARANA ay yihiin beel ka mid ah H/yoonis.




Khaddar Ali Hussein [Shiine] iyo Ibraahim Ismaaciil [Ibraahim-Armaani]
OodweyneNews / Hargeysa / Somaliland