Beesha Habar-Yoonis Ee Gobolka Togdheer Oo Si Ba,an Gaashaan

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Erigavo-Man
Posts: 77
Joined: Wed Apr 08, 2009 3:27 pm
Location: Java

Beesha Habar-Yoonis Ee Gobolka Togdheer Oo Si Ba,an Gaashaan

Post by Erigavo-Man »

Beesha Habar-Yoonis Ee Gobolka Togdheer Oo Si Ba,an Gaashaanka Ku Dhufatay Inaan Gabooye Ku Biiraya Wax-ba Ka Jirin,



Burco-16-December-2009(Hadhwanaagnews): Shir balaadhan oo ay isugu yimaadeen Beelaha Habar-Yoonis oo ay ka soo qeybgaleen in ka badan Boqolaal qof oo ka kooban qeybaha kala duwan bulshada ayaa maanta ka dhacay Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer.


Image


Kulankan oo ay ka soo qeybgaleen Salaadiinta, Cuqaasha, Ganacsatada, Aqoon-yahanada, Culima’udiinta iyo Xubnaha golaha deegaanka Burco(Council) beesha kaga jira ayaa gebi ahaanba gaashaanka ku dhuftay warar beryahanba la isla dhexmarayey oo sheegayey in la kuul-careeyo laguna soo daro beelaha habar yoonis jilibo ka mida beesha Gabooye oo iyana la yidhaahdo ilma KUUL oo loona balamay in lagu ansixiyo shir la sheegay in uu ka dhici doono 21/1/-2010 magaalada Burco in aaney haba-yaraatee waxba ka jirin, beesha Habar-yoonis-na aanay aqbaleyn.



Sidaa waxa lagu sheegay Warsxafadeed oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Xafiiska Shabakada Hadhwanaagnews ee Magaalada Burco, warsxafadeedka oo dhameystiran waxa uu u dhignaa sidan:



“Haddaba, dood dheer iyo falanqayn ka dib markii laga eegay dhinac walba xagga diinta islaamka iyo xag dhaqanba waxay soo saareen beeshu go’aamadan hoos ku xusan:



1- Ugu horayn majiro shir ay wada yeelanayaan beelaha Habar yoonis iyo Gabooye (Kuul) oo ka ka dhici doona magaalada burco lagagana wadahadli doono arinta ah in jilibo ka mid ah gabooye lagu soo biiriyay beel-weynta habar yoonis.



2- Beeshu ma ogola barnaamijka loo bixiyay kuul-caraynta, mana jiro shir hordhac ahaa oo beelaha habaryoonis yeelatay kuna go’aansatay in lagu soo biiriyo beesha gabooye. Waxaana la qaatay go’aankaas ka dib markii la eegay dhawr arimood oo kala ah: Diinta islaamku ma ogala in qof ama mujtamac laga raro nasabkiisii xaqiiqda ahaa loona raro nasab kale. Beeshuna may fahmin ujeedada dhabta ah ee ka danbaysa barnaamijkan kuul-caraynta ah.



3- Waxaanu ogaanay in dadka u ololaynaya barnaamijkan kuul-caraynta In ay yihiin xubno ka mid ah qurbo joogga beesha (diospores). Sidaa daraadeed waxaanu kula talinaynaa xubnahaas in ay ilaaliyaan sharafta reerka isla markaana xaqdhawraan madax-dhaqameedka iyo waxgaradka joogga dalka gudihiisa, kalana tashadaan inta aanay qaadan talaabo masiiriya.



4- Beeshu waxay u aragtaa dhib kale oo loo gaysanayo in ay tahay walaalaha gabooye haddii laga raro nasabkoodii loona raro nasab kale. Sidaa darteed waa in camal kasta oo la qabanayo la waafajiyaa shareecada islaamka.



Saxeexa War-saxaafadeedka:





Suldaanaka Guud ee beelaha Habar Yoonis





Suldaan Cismaan Suldaan Cali Suldaan Madar





Xubanaha Ka soo qayb galay shirka ee iyana ku saxeexan warsaxafadeedka oo dhamaystiran boqol xubnood.







1 Aadan Max´ud Xayd



2 Aar Saxardiid Ismaaciil



3 Aw yuusuf Max´ed Cige



4 Axmed Aw Cumar Cali



5 Axmed Cilmi Cige



6 Axmed Daahir Cabdi



7 Axmed Gaariye Ismaaciil



8 Axmed Suldaan Aadan Suulcayn



9 C/fataax Axmed Xasan



10 C/laahi Aw Muuse Xasan



11 C/laahi Barre C/raxmaan



12 C/laahi Cabdi Cilmi



13 C/laahi Cumar Cabdi



14 C/laahi Xasan Muumin



15 C/nuur Xusein C/laahi Amaan



16 C/qaadir Muuse Xasan



17 C/samad Daahir Aadan



18 Caaqil Axmed Max´ed Cali



19 Caaqil C/Qaadir Damal Xasan



20 Caaqil C/Risaaq Cumar Aw Diiriye



21 Caaqil Cabdilaahi Cilmi Cumar



22 Caaqil Cali Kediye Jaamac



23 Caaqil Cismaan Jaamac Max´ud



24 Caaqil Faarax Xuseen Gaabuush



25 Caaqil Huruuse Max´ed Gaaxmaal



26 Caaqil Ismaaciil X Max´ed Yuusuf



27 Caaqil Mahdi Jaamac Cumar



28

Caaqil Max´ed Faarax X Jaamac



29 Caaqil Max´ud Caaqil Yuusuf Caaqil Cawed



30 Caaqil Rashiid Cali Cabdille



31 Caaqil Xayd Ismaaciil Jaamac



32

Caaqil Yuusuf Cabdi Diiriye



33 Cabdi Max´ed Cali



34 Cali Axmed Jibriil



35 Cali Cabdi Faarax



36 Cali Max´ed Jaamac



37 Cali Max´ed Qaanbiil



38 Chief Caaqil Baashe C/laahi Ibraahim



39 Chief Caaqil Max´ed Daahir Cabdi



40 Cilmi Maxamuud Saalax



41 Cismaan Ibraahin Nuur



42 Cumar Axmed Xayd



43 Cumar Farax Cabdille



44 Dr Ciise Nuur Liibaan



45 Dr. C/raxmaan Axmed Raage



46

Faarax Yuusuf



47

Ibraahin Cabdi Saxar



48 Ismaaciil Aw Cabdi Cali Gaax



49 Ismaaciil Cabdi Dacar



50 Jaamac C/laahi Xusein



51 Jaamac Sidiiq X Cali



52 Jaamac Yousuf Cali Boos



53 Maax Hogod Xandulle



54 Max,ed Farax Laangadhe



55 Maxamed Axmed X Jaamac



56 Maxamed Axmed Yaasiin



57 Maxamed Cabdilaahi Jaamac



58

Max´ed Aadan Warsame



59

Max´ed Aw Max´ud Xasan



60 Max´ed Ayax Warsame (Faroole)



61 Max´ed Jaamac Waraabe



62 Max´ed Liibaan Xasan



63 Max´ed Xaaji Axmed Diiriye



64 Max´ud C/laahi Axmed



65 Max´ud Firdhiye



66 Max´ud Kabadheere



67 Mursal Aadan X Ismaaciil



68 Muxumed Max´ed Abokor



69 Rashiid X C/laahi X Diiriye



70 Salaan Ayjeex



71 Saleebaan Aw Daahir Cali



72 Shaakir Max´ed Odowaa



73 Sheekh Cali Mahdi Ismaaciil



74

Sheekh Cismaan Ibraahim Faarax



75 Sheekh Khadar Jaamac Mirre (Albayaan)



76 Sheekh Max´ed Cali Yousuf



77 Sheekh Mustafe Aadan Max´ed



78 Sheekh Saleebaan





Hadhwanaagnews.com/Office

Hargeysa/Somaliland
User avatar
Erigavo-Man
Posts: 77
Joined: Wed Apr 08, 2009 3:27 pm
Location: Java

Re: Beesha Habar-Yoonis Ee Gobolka Togdheer Oo Si Ba,an Gaashaan

Post by Erigavo-Man »

this is a bad news for the haters of the Nobel H.Y.


and a Good News for the lovers of Habar Yoonis. :rose: :up:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”