
Guddoomiyaha Gobolka Daad-madheedh [Oodweyne] Oo Soo Saaray Go’aan Adag Oo Ka Dhan Ah Isticmaalka Lacagta Shilling Soomaaligii Hore [Ginbaarta]
Oodweyne [Oodweynenews]- Guddoomiyaha Gobolka Daad-madheedh [Oodweyne] Maxamed Cabdi Libaan, ayaa soo saaray go’aan adag oo uu ku joojinayo isticmaalka lacagtii Shilling Somaliga ahayd ee Ginbaarta loo yaqaan, isla markaana waxa uu sheegay in wixii ka dambambeeya 1-da bisha January ee sannadka 2010-ka uu ku eeg yahay adeegsiga lacagtaasi.
Gudoomiyuhu waxa uu sidan ku sheegay digreeto uu maanta ka soo saaray xafiiskiisa magaalada Oodweyne, kaas oo uu toos ugu socodsiiyey Dhamaan Head-mans-ka [Samadoonada] Tuulooyinka Gobolka Daad-madheedh [Ooweyne], Gudoomiyhaasha Deegaanada Gobolka Daad-madheedh iyo Taliyaasha Saldhigyada Gobolka, isla markaana waxa uu ogaysiiyey Dhamaan Taliye-qaybeedyada Gobolka Daad-madheedh, Gudoomiyaha Bangiga Jamhuuriyada Somaliland iyo Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha JSL.
Digreetada qoraalkaas oo dhamaystiranina waxa ay u dhignayd sedan:-
“Markii maamulka Gobolka Daad-madheedh daraasad-dheer ku sameeyey dhibaatada ay ku hayso qaybi ka mid ah bulshada deegaanka qaybo ka mid ah bushada deeganka Gobolka ku nool, isticmaalka lacagtii Shilling Somaliga ahayd ee Ginbaarka loo yaqaan, adeegsiga lacagtaas oo ah mid cimrigeedu dhamaaday, isla markaana isticmaalkeedu aanu u dhamayn Gobolka laguna qaato 30% Deegaanka Gobolka ka mid ah, uuna arkay Maamulka Gobolku xaaladan.
Markuu Maamulku qoonsday in caafimad-darro weyni oo cudurada la is-qaadsiiyo ay ka iman karaan xaalada lacagtaas.
Markuu ogaaday in haysashada lacagtaasi ay Gobolkan aad iyo aad ugu yar tahay.
Markuu xaqiiqsaday in bulshada ku dhaqan Gobolkan Daad-madheedh ay aad iyo aad u jecel yihiin shilling-ka [lacagta] Somaliland.
Wuxuu gudoomiyaha gobolkan Daad-dheedh amrayaa:-
1- Inaan lagu isticmaali karon laguna kala qaadan karin, oo ay mamnuuc tahay lacagtaas shilling Somaliga ah ee Ginbaarta ah, Gobolkan guud ahaantiisa meel kasta oo ka mid ah laga bilaabo 01/01/2010.
2- Waxaa sharciya oo la isticmaalayaa lacagta Somaliland iyo lacagaha qalaad, oo iyaga sidoodii sarifka loogu isticmaali doono lana kala qaadan doono.
3- Ciddii amarkaas ku dhaqmi wayda, madaxda ku shaqada leh waa inay tallaabo sharciga ka qaadaa sharcigana lala tiigsadaa, oo lagu ciqaabaa.
4- Ciidanka Booliska ee Gobolkan waxaa la farayaa inay sharciga horgeeyaan ciddii ka hortimaada go’aankan.”
Cabdishakuur Xaaji Muxumed Muuse [C/Heersare]
Oodweynenews.com/Oodweyne, Somaliland