
Caabudwaaq-GMN: Waxaa si rasmi ah Galabtay uga furmay Degmada Caabud waaq ee Gobolka galgaduud Shirweynihii Culumaa´udiinka Soomaaliyeed ee Ahlusunna waljamaaca kaas oo aay ka soo qayb galeen ergooyin kor u dhaafaya Boqolaal kuwaas oo ka kala yimid Gobollada iyo Degmooyinka Somaliya iyo Waddamada Dibadaha.
Haddaba shirkaas oo la wada dhowrayey Ajandayaashiisa ayaa Afhayeen u hadlayey Culumada wuxuu Shabakadda Wararka shaaficiyah siiyey Ajandayaasha Shirka looga hadlayo kuwaas oo kala ah sida soo socota:-
A-Maamul ballaan oo loo sameynayo Deeganada aay ka taliyaan Culumaa´udiinka Soomaaliyeed ee Ahlusunna waljamaaca iyo dardar gelinta la dagaalanka Khawaarijta Casriga ah Maamulkaas oo aay dhisayaan Wufuudda Soomaaliyeed ee ka kala timid Dhammaan Gobollada Dalka .
B- Culumadu waxeey soo jeedinayaan baaq ka kooban Sagaal qodob oo ah kuwa hoos ku qoran:-
1- Wuxuu Shirku ugu baaqayaa Culumada Soomaaliyeed ee Ahlusunna waljamaaca meel kasta oo aay joogaan in aay ka soo qayb galaan Shirka.
2- Shirku wuu u furan yahay Qaybaha kala duwan ee Bulshada sida :- Salaadhiinta , Ugaasyada, Malaaqyada, Aqoonyahanada, Dumarka, Dhallinyarada iyo Dhammaan Bulshada Qaybaheeda.
3-Waxaa si rasmi ah Shirka loogu martiqaadayaa Madaxda Dowladda KM gaarka ah iyo Maamul Goboleedyada Waddanka ka jira.
4-Wuxuu Shirku Qiimeyn iyi Qadirinba siinayaa in aay soo gudbiyaan Afkaartooda Saliimka ah cid kasta oo aay u soortoobi weysay in aay ka soo qayb galaan Shirka Cudur daar Awgiis.
5- Shirku wuxuu Dhiiragelin iyo tixgelinba siinayaa Deegaanada aay ka jiraan Maamulada iyo Nabadda.
6-Wuxuu shirku ugu baaqayaa dhammaan Ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo aay joogaan in aay Naftooda iyo Diintoodaba ka difaacaan Cadawga.
7-Shirku wuxuu Hambalyo iyo bogaadinba u dirayaa Ummadda Soomaaliyeed intii gacan ka geysatay Dagaalka aay Culumada Ahlusunna waljamaaca kaga difaaceyso Khawaarijta ku soo duushay Dalka , Dadka iyo Diintaba.
8- Shirku wuxuu Ammaan iyo Ducaba u soo jeedinayaa Mujaahidiintii ku dhimatay ama ku dhaawacmatay Dagaalkii aay la galeen Khawaarijta Casriga ah .
9- Ugu dambeyn waxuu Shirku u Mahad celinayaa Qaybaha kala duwan ee Bulshada reer Caabudwaaq oo aay hormuudka u yihiin Culumada ahlusunna waljamaaca sida wanaagsan ee aay u marti geliyeen shirka iyo soo dhaweynta ka sheekeynta mudan ee reer Caabudwaaq.
http://www.gedoonline.com/?p=16816