President Rayaale appoints new governor of Sool

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

User avatar
Elmi_Dheere
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 421
Joined: Mon Jun 06, 2005 3:22 pm
Location: Saylac

President Rayaale appoints new governor of Sool

Post by Elmi_Dheere »

Badhasaabka Cusub Ee Gobolka Sool Oo Xilkii La Wareegay Maanta

Laascaanood (Harowo) - Wasiirka Wasaarada Boosta iyo Isgaadhsiinta Somaliland Md. Cali Maxamed Maxamuud (Sandule) ayaa maanta xilkii Gudoomiyaha gobolka Sool Si Rasmi ah ugu wareejiyay Gudoomiyaha Cusub ee Dhawaan Madaxweynuhu u magacaabay Md. Faarax Askar. Xaflad aad u balaadhan oo loo qabtay xil wareejintaa ayna ka qayb galeen masuuliyiin Heer gobol, heer degmo, cuqaal, wax garad iyo dadweyne fara badan, waxa uu gudoomiyihii hore Cali Sandule oo xiligan ah Wasiirka Boosta iyo Isgaadhsiintu ka waramay heerarkii kala duwanaa ee maamulka gobolku soo maray, waxyaabihii u qabsoomay iyo wixii qorshaha ugu jiray.

Waxa uu Gudoomiyihii hore ee Gobolka Sool Sheegay in Gobolka Sool iyo Xaruntiisa Laascaanood ay nabad galyo iyo deganaansho wayn dadku heleen intii maamulka Somaliland gaadhay, kana raysteen dhibaatadii iyo tacadigii maamulka Puntland ku hayay.

Gudoomiyihii hore waxa uu ka waramay heerka nabad galyo, dhaqaale iyo horumarineed ee gobolku xiligan marayo, waxaanu gudoomiyaha cusub kula dardaarmay inuu nabad galyada iyo sidii dadka la isugu soo jiidi lahaa uu ka shaqeeyo.

Gudoomiyaha Cusub ee xilka la wareegay Md. Faarax Askar ayaa si wayn uga mahad naqay sida diiran ee xilka loogu soo dhaweeyay, waxaanu gudoomiyihii hore ee gobolka Sool uga mahad naqay sida xil kasnimada iyo muwaadinimada leh ee uu xilka ugu wareejiyay.

Gudoomiyaha cusub ee gobola Sool waxa uu dadweynaha gobolkaas ku dhaqan u balan qaaday in xafiiskiisu u furan yahay qof kasta oo wax uga baahdana albaabadu u balaqan yihiin, wada shaqayn buuxdana la yeelanayo shacbiga gobolka.

Waxa kale oo xafladaa ka hadlay taliyaha qaybta Booliska ee Gobolka Sool iyo Xildhibaano ka tirsan golaha Guurtida oo si aad u qoto dheer uga waramay wax qabadkii Gudoomiyaha xilka wareejinaya Cali Sandule oo ay ku tilmaameen inuu ahaa halyay Qaran.

Garaaad C/rashiid Garaad Ismaaciil ayaa isna halkaa ka hadlay isla markaana ka hadlay wada jirka, nabad galyada iyo horumar in umadu gaadho in ay hogaamiyayaasha dhaqanku ka shaqeeyaan, waxaanu sheegay inay soo dhawaynayaan maamuulka cusub ee gobolka loo soo magacaabay, lana shaqayn doonaan wixii kaga xidhmana u fududayn doonaan.

Markii xil wareejintu dhamaatay waxay gudoomiyaha cusub, wasiirka boosta, masuuliyiintii kale, hogaamiyayaashii dhaqanka iyo dadweynihii xafladaas ka qayb galay ay socod ku soo mareen jidadka waaweyn ee magaalada si ay u muujiyaan soo dhawaynta iyo sida ay ugu faraxsan yihii guud ahaan xilwareejintaas.

Harowo Desk Hargeysa Somaliland.

Sawiiraada Xaflaada Xil-warejinta

http://www.gedonet.com/index.php?news=389
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”