Hargeysa & Habeenka Qosolka.

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
zingii
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9937
Joined: Thu Sep 11, 2008 2:43 am
Location: Agah, Arlee, Boowe, Gaw, Nooh.

Hargeysa & Habeenka Qosolka.

Post by zingii »

Image

Sabti, 19 December 2009 (HOL)- Munaasibadd lagu soo bandhigay Buug loo magac-bixiyay Diiwaanka Qosolka oo xambaarsan Sheekooyin qosol iyo maad leh oo uu qoray Jamaal Cali Xuseen oo ka mid ah Qorayaasha Soomaalida, ayaa habeenkii Jimcuhu soo galayay lagu qabtay Magaalada Hargeysa.

Munaasibaddan oo ay ka qayb galeen Suugaanyahanno iyo Aqoonyahan ay ka mid ahaayeen, Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi), AAbwaan Yuusuf Cabdulle (Shaacir), Boobe Yuusuf Ducaale oo ah qoraa, Murashaxa Madaxweyne-xigeenka Xisbiga UCID Dr. Maxamed-Rashiid Sh. Xasan oo ah dhaqan-yaqaan, Jamaal Cali Xuseen oo ah Qoraaga Buugga iyo marti-sharaf kale.

Munaasibaddan oo ay soo qaban-qaabiyeen Naadiga wax-akhriska ee Hargeysa (Hargeisa Readers Club), ayaa ujeedadeedu ahayd bandhigga Buugga Diiwaanka Qosolka. Halkaas oo ereyo iyo sheekooyin qosol xambaarsan ay ka jeediyeen dad ay ka mid ahaayeen, Abwaan Hadraawi, Jamaal Cali Xuseen oo qoraaga Buugga ah iyo Boobe Yuusuf Ducaale.

Image

Waxa halkaa ka hadlay Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) oo mar uu sheekooyin qosol xambaarsanaa halkaa ka jeediyay yidhi, “Wadaaddadu iyaga oo aan Xoolana dhaqan ayay berigii hore ahaayeen kuwa dhaqaale haysta. Sababtoo ah, waxay xoolaha ka heli jireen Qardhaas uu dhigo iyo Cashar uu mariyo oo dadku ay Xoolaha ugu qali jireen. Maalin maalmaha ka mid ah ayaa Wadaad soo maray reer, wuxuu Xoolaha dhexdooda ku arkay Neef aad u shilis oo gallaalan (Madaxa cad). Dabadeed, markii uu fadhiistay, ayaa la yidhi Sheekhow qof baa naga xanuusanaya ee aad Cashar noogu tuftid, Xoolahana aad noo casharisid. Wuxuu yidhi la kaalaya Neef galaalan oo soo qala, isaga oo doonaya in neefkii uu soo arkay loo soo qalo, umana sheegin wax astaan ah oo intaa dhaafsiisan. Reerkii waxay soo qabteen neef yar oo sanad jiray oo galaalan. Markii agtiisa la marinayay, ayuu intuu sidaa u eegay ku yidhi, Axan lagaa dhig, bal inta uu le’eg yahay ee uu galaalan yahay eega.”

Image

Qoraaga Buuggan Jamaal Cali Xuseen oo isna halkaa ka hadlay, ayaa mahadnaq uu u jeediyay Abwaan Hadraawi iyo Kooxda Akhrista ee Hargeysa ka dib, wuxuu halkaa ka sheegay qaar ka mid ah sheekooyinka Buugga ku jira. “Wiil baa qolo reer Miyi ah Xisaabta is-yidh u dhig, waxay garan waayeen laba-laba ka jar. Markaasuu is-yidhi siday wax u fahmayaan ugu sheegoo wuxuu yidhi, haddii afar neef Xerada ku jiraan oo mid ka mid ahi kor u booddo, maxaa soo hadhay? Isaga oo doonayay inay yidhaahdaan saddex baa soo hadhaya. Dabadeed, mid ka mid ahaa dadkii reer Miyiga ahaa ee uu wax u dhigayay, ayaa intuu soo booday yidhi, iga wallaa Adhigaan kaa aqaanaayoo, haddii mid ka mid ahi Xerada ka booddo, dhammaantood way ka wada daba boodayaan.” Ayaa ka mid ahaa sheekooyinkii uu Jamaal Cali halkaa ka jeediyay.

Mawliid Nuur Mooge oo ka mid ahaa dadkii halkaa ka hadlay, ayaa sheegay in uu isaguna badankiisa qoray Buug lagu magacaabo DAWADA WALBAHAARKA. “Waxa afku ka xumaaday oo is-maandhaafay Wiil iyo Oday da’ ah, waxaanay taasi keentay inay islaayaan. Si ay noqotayba, Odaygiibaa dusha kaga dhacay Wiilkii dhalinyarada ahaa, markii ay dadkii kala qabteen, ayuu Odaygii arkay Wiilkii yaraa oo hadba dhiniciisa isu-soo-dhufanaya, waanu ogyahay in haddii mar kale ay islaayaan aanu sidii hore u legdi karin. Markaasuu intuu u jeestay dhinicii dadkii hayay Wiilka yar ku yidhi, waar soomaaliyeey ama sidayadii hore nagu celiya oo dusha iga saara ka yar, ama dadka layskuma sii daayee na kala haya.” Ayaa isna ka mid ahaa Sheekooyinkii uu Mawliid sheegay in uu buuggaa ku qoray.

Sidoo kale, waxa iyana halkaa ka hadlay Boobe Yuusuf Ducaale, Dr. Maxamed Rashiid Sh. Xasan, Faadumo Siciid iyo Maxamed Cilmi (Ilkacase), kuwaas oo dhammaantood ku dheeraaday muhiimadda Munaasibadda iyo sida loogu baahan yahay in dhaqanka laga sheekeeyo. Waxaanay Qoraaga iyo Naadiga soo abaabulay munaasibadda u jeediyeen mahad-naq, iyaga oo halkaa ka sheegay qaar ka mid ah sheekooyinka qosolka leh.

Ugu dambayntiina, waxa halkaa 19 Buug oo kala duwan lagu guddoonsiiyay 19 qof oo si bakhtiyaa-nasiib ah ugu guulaystay, kuwaas oo qoraaga Buuggu u saxeexay gebogebadii Xafladda.

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image
User avatar
zingii
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9937
Joined: Thu Sep 11, 2008 2:43 am
Location: Agah, Arlee, Boowe, Gaw, Nooh.

Re: Hargeysa & Habeenka Qosolka.

Post by zingii »

Damn, i must be bored posting in this section which is boring and half too. :|

Anyways: "way duushay". :mrgreen:
User avatar
Somalistan
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4778
Joined: Sat Sep 15, 2007 10:24 am
Location: Oodwayne, Togdheer,Somaliland

Re: Hargeysa & Habeenka Qosolka.

Post by Somalistan »

Have u ever seen that much merxan in one room?
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”