Barakac xoogan oo maalintii 3-aad ay ka wadaan deegaanada Puntland dadka ka soo jeeda beelaha dega gobolada Bay iyo Bakool ee Koonfurta Somalia
Kumanaan dad ah oo ka mid ah dadka ka soo jeeda gobolaga Bay iyo Bakool ee ku hadla lahjada Maay-Maayga ayaa lagu soo waramayaa in maalintii 3-aad ay wadaan barakac aad u xooghan ay ka sameynayaan deegaanada Puntland ee ay ku noolaayeen mudooyinkii dambe ka dib markii ay sii kordheen dilalka iyo hanjabaadaha kale ee lagu hayo dadkaasi.
Dadkan ka soo kala firxanaya iyagoo lafahooda u baqaya magaalooyinka Boosaaso, Garoowe iyo woqooyiga magaalada Gaalkacyo ayaa quqlulkooda waxaa laga dareemayaa koonfurta magaalada Gaalkacyo oo maamul ahaan hoos yimaada Galmudug, halkaasoo ay soo buuxiyeen dad isugu jira caruur, haween, dad da’ ah iyo dhallinyaro ka soo jeeda intooda badan beelaha Digil iyo Mirifle.
Waxa wejiyadooda ka muuqatay dadkan diif iyo daal fara badan oo ay ka qaadeen nolosha ay ku jireen oo aad adkeyd iyo safar aaney ku sii talo gelin oo lagu soo qasbay, waxayna u badan yihiin dad danyar ah oo meheradooda ay ka mid ahaayeen xamaaliga iyo shaqooyinka kale ee farsamada gacanta sida fuundiga iyo faryaamaha, waxaana qaarkood ay sheegeen in markii horeba ay deegaanadaasi u tageen iney ku nabad galaan ka dib markii ay ka soo carareen dagaalada ka socda koonfurta Somalia, ayna lama filaan ku noqotay in heybtooda awgeed looga barakaciyo mar kale deegaanaadii ay maciin bideen.
Dadkan qaarkood oo uu sii xirxirnaa safar ay ugu ambabaxayeen deegaanadii ay ka yimaadeen markii hore ayaa qaar kale oo badan waxay dhex ceegaagaan koonfurta magaalada Gaalkacyo ka dib markii ay heli waayeen lacagihii ay isaga bixin lahayeen gaadiidkii ay sii raaci lahaayeen, waxaana qaar badan oo ka mid ah dadkaasi ay ka bilaabeen wadooyinka iyo masaajida koonfurta Gaalkacyo iney dawarsadaan.
Dilka iyo dhaca ay dadkan kumanaanka gaaraya uga soo barakaceen deegaanadii ay ku noolaayeen ee Puntiand ayaa yimid ka gadaal markii masuuliyiin ka tirsan maamulkaasi ay ku eedeeyeen dadka ka soo jeeda koonfura Soomaaliya gaar ahaan gobolada Bay iyo Bakool in ay ka dambeeyaan falalka dilka iyo qaraxyada ah ee ku soo badanayey mudooyinkan magaalooyinka hoos taga maamulkaasi, inkastoo masuuliyiin kale oo ka tirsan maamulka ay arintaasi beeniyeen, waxaana dhibaatooyinka dadka lagu hayo cambaareeyey waxgaradka deegaanada Puntland iyo xildhibaanada baarlamanka Somalia qaarkood.
Eelay exodus from puntland
Moderator: Moderators
-
- SomaliNet Super
- Posts: 20301
- Joined: Fri Feb 08, 2008 4:50 am
- Location: Persian Empire
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 14 Views
-
Last post by AhlulbaytSoldier
-
- 0 Replies
- 231 Views
-
Last post by Hiiraan boy
-
- 18 Replies
- 1107 Views
-
Last post by The-Screw
-
- 18 Replies
- 1313 Views
-
Last post by union
-
- 0 Replies
- 215 Views
-
Last post by American-Suufi
-
- 0 Replies
- 364 Views
-
Last post by Shilling
-
- 44 Replies
- 1871 Views
-
Last post by Cawar
-
- 14 Replies
- 780 Views
-
Last post by Shilling
-
- 24 Replies
- 1235 Views
-
Last post by precious_dyme