Page 1 of 1

Famous Horseed singer dies in Dolow

Posted: Mon Dec 21, 2009 6:01 am
by CoolPoisons
Doolow: Mid ka mid ah Fanaaniintii Hobolada Horseed xiligii barisamaadkii oo ku geeriyooday Magaalada Doolow ee Gobolka Gedo

Sida ay noo sheegtay Fanaanada Sahro Ileeye waxaa Magaalada Doolow ku geeriyooday alle ha u naxariistee mid ka mid ah fanaaniintii ugu caansanayd Hobolada Horseed ee xiligii barisamaadkii.



Bashiir Ibraahim oo ka mid ahaan jiray Hobolada Horseed ayaa u geeriyooday xanuun soo wajahay muddooyinka, kaasoo kula ildarnaa Magaalada Doolow ee Gobolka Gedo.



Fanaanada Sahro Ileeye oo ka hadashay geerida Fanaankaasi hore ayaa ugu horayn tacsi u dirtay guud ahaan Bahda Fanaaniinta Soomaaliyeed, Qoyskii, Qaraabadii iyo Guud ahan ummada Soomaaliyeed in uu samir alle ka siiyo geerida naxdinta lahayd ee ku timid Bashiir Ibraahim.