Gudiga Mamul Goboledka Bartahama State
Posted: Thu Dec 24, 2009 4:01 am
Dhismaha Golayaasha Maamulka Culimaa’udiinka Ahlu Sunna oo la soo bandhigay iyo shuruudo lagu xirey xubintii isu soo taagta kamid noqoshada maaumlka cusub.
Shabelle: CAABUDWAAQ
Dhismaha Golayaasha Maamulka Culimaa’udiinka Ahlu Sunna ayaa la soo bandhigay iyadoo shuruudo lagu xirey xubintii isu soo taagta kamid noqoshada maaumlka cusub.
Maamulka culimaa’udiinka Ahlu sunna oo horey u shaaciyey in maamulkoodu uu ka kobnaan doono ilaa 3 gole oo kala ah Golaha Talada oo gaaraya 31-Xubnood, Golaha Fulinta oo ah 13, iyo Golaha Marjaca oo iyaguna ah 7 ayaa mar kale waxaa ay Ergooyinka shirka usoo bandhigeen qaabka loo soo xulayo ama shuruucda laga doonaya xubintii kamid noqota maamulka Cusub.
Gudiga loo saarey soo dhisida maamulka cusub ayaa keenay madasha shirka ay fadhiyeen ergooyinka shuruucda maamulka cusub uu yeelanayo waxaana nuqul ay shabelle ay soo gaarsiiyeen uu aha sidatan.
Golaha marjicu wuxuu ka koobanyahay 7 xubnood oo ah culumo aqoon buuxda u leh shareecada islaamka waana awooda ugu sareysa maamulka,Dhinaca ilaalinta sharciga ama axdiga maamulka.
Waxay awood u leeyihiin inay Go'aan ka gaaraan wixii ay u soo gudbiyaan Golaha talada.
Golaha marjicu wuxuu leeyahay hal guddoomiye, ku xigeen iyo xog-hayn.
Golaha Talada waxay u kala baxaan Guddoomiye (2) Ku-Xigeen iyo Xog-hayn
Guddoomiyaha golaha majaca loo dooranayo Waa in uu leeyahay aqoon diineed iyo mid maaddi oo ku filan,Waa inuu soo jiidan karaa bulshada Waa inuu leeyhay go’aan-qaadasha watiga ku haboon Waa inuusan soo marin caqiida faasid ah, xariir horena uusan la yeelan.
Guddoomiye Ku-xigeenada Waxay guddoomiyaha kala midyihiin tilmaamaha aan soo sheegnay Waxqabadka Golaha talada. Awoodda Gudoomiyaha Golaha talada Gudoomiyaha Golaha fulinta. Waa inuu leeyahay aqoon diineed iyo mid maaddi ahba Waa inuu waaya-aragnimo leeyahay Waa inuu kasbasha leeyahay Waa inuu yahay nin halganka ASWJ si fiican uga muuqda Waa inuu hal-abuure yahay.
Ugu danbeyn gubnaha golaha Talada waxaa ay sheegeen inay kamid yihiin
Xog-hayaha Arrimaha Dibedda
Xog-hayaha Arrimaha Gudaha
Xog-hayaha Arrimaha Difaaca
Xog-hayaha Maaliyadda iyo Qorsheynta
Xog-hayaha Caafimaadka
Xog-hayaha Waxbarashada
Xog-hayaha Warfaafinta
Xog-hayaha Arrimaha bulshada
Xog-hayaha Xanaanada xoolaha dhirta daaqa
Xog-hayaha Warisgaarsiinta
C/karin Axmed Bulxan
Shabelle Caabudwaaq.