Page 1 of 1

82 year ayeeyo in wheelchair drug dealer jailed

Posted: Thu Dec 24, 2009 5:36 pm
by CoolPoisons
Haweeney (82-jir) lagu qabtay iyadoo daroogo gadeyso, 5-sano xarigna lagu xukumay

Haweeney u dhalatay dalkaasi Jarmalka islamarkaana boqolkii sano wax yar uga dhiman yihiin ayaa maxkamad ku taal magaalada NÜMBERG lasoo taagay kadib markii lagu qabtay iyadoo iibineysa daroogada dilaaga ah ee loo yaqaan Harawiinta.

Islaantan da`da ah ayaa masraxa daroogo iibinta soo gashay kadib markii xabsiga loo taxaabay wiilkeeda (53-jir) oo horay uga ganacsan jiray daroogada sanooyin badan.

Waxa ay maxkamada u sheegtay in sababta ku kaliftay arintani ay aheyd iyadoo busaarad lacageed lasoo daristay islamarkaana ey ku yaraatay lacagta bayshanka ah ee ay dowladdu siiso dadka da`da ah.

Sidoo kale waxa ay qiratay in ay usii ilaalineysay wiilkeeda macaamiishii daroogada ka iibsan jirtay si eysan uga kala tagin inta uu xabsiga ku jiro.

Islaantan oo wadna-xanuun qabta islamarkaana ku socota gaariga cuuryaamiinta ayaa boolisku sheegeen in ey lacag badan ka sameysay iibinta daroogada iyadoona ku xiratay raggii sar-sare ee daroogada jumlada ugu keeni jiray wiilkeeda.

Inta ay maxkamada ku jirtay ayaa islaantani waxa ey ku katiinadeysneyd gaariga ay ku fadhisay, iyadoona markii uu xukunka maxkamadu dhacay lagu xukumay shan sano oo xarig ah.

Re: 82 year ayeeyo in wheelchair drug dealer jailed

Posted: Thu Dec 24, 2009 5:36 pm
by CoolPoisons
walle waa yaab

Re: 82 year ayeeyo in wheelchair drug dealer jailed

Posted: Thu Dec 24, 2009 7:06 pm
by Jamac_Yare
waryaaaa islamaha maxa ka galay

London goorma imanisaaa fasaxii wala galay wasaq yahow