War-murtiyeed ka soo baxay Xarunta dhaxe ee JWXO 25.12.2009
Kadib markii ay madaxda JWXO ee gudaha joogta iyo taliyayaasha CWXO qiimeeyeen xaaladahii ugu danbeeyay ee dalka Ogadenya , markay la’isla falanqeeyeen xaaladda uu ku suganyahay cadawga gumaysiga, markii la qiimeeyay axwasha shacbiga Somalida Ogadenya, waxay madaxdii isgu timid xarunta JWXO soo saareen war-murtiyeed ay ku bayaaminayaan arimahaa kor ku xusan.
1. Kadib markii Ciidanka Wadaniga xorynta Ogadenia ay bilihii u danbeeyay ku qaadeen ciidamada qawlaysatada ah ee gumaysatada dagaal ay aad ugu hoobteen, waxaa soo wajahay maamulka ciidamada Itoobiya jahawareer farabadan oo dhexdooda ah. Naftood-hurayaasha CiidankaWadaniga Xoreynta Ogadenya waxay balan ku qaadayaan inay ku daba taaganaadaan oy ka ugaadhsadaan gayiga Ogadenya markasta & meelkasta oo ay ka joogaan maxaysatada loo soo koraystay cadaadiska shacabka Ogadenya, waxayna balan ku qaadayaan inay u noqon doonto ciida Ogadenya qubuuro aad u xanuun badan hadyna ka laabanin oy dib uga noqon dalkanaga. Waxayna u sheegayaan ciidamada maxaysatada ah ee gumaysiga Itobiya in inta aad taako ogadenia ka mida joogtaan aan daqiiqad qudh ah la’idinka daynayn dagaalada aan idinku naafaynayno oon idinku baabi’inayno. Waxaan idiin sheegaynaa in waalidiintiinii iyo eheladii aad ka timaadeen ay ku noolyihiin walwal iyo walaac ay idinka qabaan maadaama ay ogsoonyihiin in aad wado qaldan kusoo halawdeen. Sidaa darteed, CWXO isagoo xeerinaya xeerarka caalamiga ah ee aduunka u yaala ayuu wuxuu idiin balanqaadayaa inay idiin fududayn doonaan sidii ay guryihiinii idiin gaarsiin lahaayeen. Waa hadii aad ka faa’idaysataan fursadan yar eed haysataan. Hadaba waxaan mar kale idin siinaynaa hal fursad oo ah inaad si nabada isugu soo dhiibtaan CWXO oo aydaan luminin fursadan taasoo dan idiin ah. Hadaad ka faa’idaysan waydaana waxaad ogataan in ay CWXO wacad ku mareen inay idinku ugaadhsadaan goobaha aad dhufaysyada ka qodoteen.
2. Daba dhilifka.
Jabhadda Wadaniga Xoreynta Ogadenya iyadoo aad uga taxadaraysa dareenka shacabka ayay waqti qaali ah ku bixisay kuwa aan damiirka lahayn ee cadawga uu isuga dhigayo xabadda kulul ee CWXO kaga imanaysa. Waxay JWXO u sheegaysaa kuwa marwalba uu cadawga isaga dhigaya xabadda ee sidaa ku seegay aduun iyo aakhiraba in cadawgu jabay waxa u hadhayna ay tahay daba iska raacin. Sidaa daraaded waxaan u sheegaynaa kuwa wali sii hoos jooga gumaysiga jabay in wax naxariis ah aan loo gali doonin hadii aysan ka waantoobin ficilada ay ku taageerayaan gumaysiga kuna hagardaamayn-ayaan halganka xaqa ah ee JWXO hogaaminayso ee lagu xaqiijinayo xaqqa aaya-ka-tashiga shacbiga dulman ee Ogadenia. Waxa ay kala kulmi doonaan CWXO wuxuu noqon doonaa cadaabka gumaysiga lamariyay mid u dhigma hadaanay ka waantoobin inta goori goor tahay.
3. Gadh-wadeenka Gumaysiga xaaranta ku naaxay.
Waxaan u sheegaynaa kuwan damiir laawa-yaasha ah inaad halaagteen boqolaal da’yar ah oo aan damiirkooda ku go’aansanin inay ka qayb qaataan xasuuqaan lagu hayo shacbiga Ogadenia ood idinku ku khasabteen inay sahaydaan shacbi aan waxba galabsan oo gayigooda jooga islamarkaana ay iyagiina ku waayaan naftooda. Waxaad sii macaasanteen oo aad jeclaateen xoolo aydaan lahayn, waxaad xasuuqdeen shacbi aan waxba galabsan, waxaad xaalufiseen gayi aydaan lahayn, waxaad hanqalka u taagayseen mudo hanti aydaan lahayn. Hadaba maanta waxaa la joogaa xiligii la idin galin lahaa xabaalihii aad qodoteen. Waxaa soo dhaw xili aad qoomamayn doontaan falalka arxandarada ah ee aad caadaysateen. Waxaad u diyaar garoowdaan xisaabtii aad mutaysateen
4. Shacbiga Ogadenia.
JWXO waxay dhamaan shacbiga Somalida Ogadenia u gudbinaysaa amaan iyo tahniyad la xidhiidha kaalinta libaax ee ay ka qaateen la dagaalanka gumaysiga. Hadaan nahay madaxdii JWXO ee idinla joogtay gudaha waxaan ogsoonahay dhibka uu cadawga naxariis laawaha ah idinku hayo iyo kuwa daba-dhoonka u ah ee aduun iyo aakhirba siistay mijinta qaadka. Waxaan marwalba idinku baraarujinaynaa in balantii Ilaahay inoo yaboohay ay soo dhawdahay. Adkaysi iyo mintidnimo umbaa lagu helaa xoriyadda. JWXO waxay ku dhiiri galinaysaa shacabka geesiga ah inay sii laban laabaan isna daba raaciyaan cadawga Itoobiya ee taagan gabal dhaca. Waxaan u balanqaadaynaa shacbiga Somalida Ogadenia inayna JWXO ka daalin baadigoobka ay ugu jirto aayahooda.
5. Digniin
JWXO waxay uga digaysaa shacbiga Somalida Ogadenia inayna ku dagmin waxa ay maalmahan xukuumada gumaysiga Itoobiya ugu yeedho doorosho ku sheeg. Arintaas oo ah dhaan daban gaale ayay waxay JWXO shacbiga ugu baaqaysaa inay ka fogaadaan goobaha loogu ololaynayo doorashadaas iyo guud ahaanba goobaha cadawga lagu yaqaano oo ah bartilmaameed ciidan.
JWXO waxay uga digaysaa shacbigeena inayna ku dhicin dabinka iyo shirqoolada uu cadawga u maleegayo shacbiga walaalaha ah ee Somalida Ogadenia isagoo raba inuu iskaga hor-keeno shacbigeena. Xeeladahaasoo uu doonayo gumaysiga inuu ku nafdheeraysto maadama ay burbur ku suganyihiin.
Xarunta dhexe ee JWXO
Midnimo+Mintid+Iskutashi=Guul Allaahu akbar