Riyaale invited to Saudi Arabia.

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
ToughGong
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15321
Joined: Mon Jul 14, 2008 11:06 pm
Location: No Justice Just Us

Riyaale invited to Saudi Arabia.

Post by ToughGong »

Madaxwaynaha Somaliland oo Marti Qaad Ka Helay Boqortooyada Sucuudiga Arabia, Todobaadkana Lagu Wado Inuu Socdaal Ku Tago Dalkaas.


Hargeysa (Harowo) - Madaxwaynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin ayaa la sheegay in uu marti qaad rasmi ah ka helay boqortooyada Sucuudi Arabiya, waxaana la filayaa in uu booqashadiisii ugu horaysay ku tago dalkaasi todobaadkan. Sida ay sheegayaan wararka ka imanaya dalka boqortooyada Sucuudiga marti qaadka ay boqortooyadu u fidisay waxaa ka shaqeeyay wafti wasiiro ah oo ku sugan dalka Sucuudiga oo ka kooban ama kala ah Wasiirrada Madaxtooyada, Diinta iyo Awqaafta iyo Duulista iyo Hawada, oo gudashadii waajibaadka xajka u tagay dalka Sucuudiga, waxaana ku taageeray Ganacsadaha Carbeed ee Aljaabiri oo isagu suuro geliyay in xoolaha Somaliland ay tagaan dalkaas.

Waa markii ugu horaysay ee Madaxwayne Somaliland ahi uu baaqasho ku tago dalka Boqortooyada Sucuudi Arabiya tan iyo intii ay Somaliland la soo noqotay madaxbanaanideedii. Waxaanad moodaa in xidhiidhka Somaliland iyo Sucuudi Arabiya waji cusbi u furmayo tan iyo intii xoolaha Somaliland loo furay Sucuudiga.

Wadanka Boqortooyada Sucuudiga ayaa ah wadanka ugu wayn mandaqadaas, isla markaana ah wadanka shidaalka ugu badan soo saara ama dunida u dhoofiya, door muhiim ahna ku leh golayaasha caalamka, isla markaana wax wayn ka tari kara qadiyada madaxbanaanida ama ictiraafka Somaliland haddii uu u soo jeesto.

Dalalka Carabta ayaanu jirin xidhiidh fiican oo Somaliland la leedahay, hasa yeeshee wixii ka danbeeyay socdaalkii uu madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin ku tagay dalka Isu-taga Imaaraatka carabta waxa si wayn isu soo tarayay xidhiidhka Somaliland iyo Carabta sanadkan dhamaanaya ayaa bilowgiisi Madaxweyne Rayaale marti qaad ka helay dawlada Kuwait, halkaas oo kulan guul ku dhamaaday uu la yeeshay xiligaa amiirka dalkaas.

Warkan oo aanu ka soo xiganay wargeyska Maalmaha ee ka soo baxa magaalada Hargeysa ma sheegin wax war ah oo dhinaca xukuumada somaliland ka soo baxay oo arintan ay kaga hadlayaan, hasa yeeshee waxa uu wargeysku intaa ku daray in Madaxweynuhu todobaadka soo socda safar ugu bixi doono dalka Sucuudiga, lana kulmi doono masuuliyiin dalkaas ka tirsan.


Harowo Desk Hargeysa Somaliland.
User avatar
salafi_student
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2223
Joined: Mon Dec 19, 2005 3:47 pm
Location: If you would only listen, I can educate you!

Re: Riyaale invited to Saudi Arabia.

Post by salafi_student »

That is wicked man ..lol
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”