Very wise decision of Axmed-shariif Cali Hilowle

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
AhlulbaytSoldier
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 20301
Joined: Fri Feb 08, 2008 4:50 am
Location: Persian Empire

Very wise decision of Axmed-shariif Cali Hilowle

Post by AhlulbaytSoldier »

Image

Madaxweynayaashii isku hayay maamulka Goboleedka Galmudug oo maanta ka heshiiyay khilaaf muddo dheer soo jiitamayay

Isniin, December 28, 2009(HOL): Kulan lagu soo afjaray khilaaf u dhaxeeyay Madaxweynayaasha maamulka Galmudug ee Koonfurta Gaalkacyo ayaa maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho iyadoo mid ka mid ah mas'uuliyiintaas uu ka tanaasulay xilkiisii.

Xafladdan oo ka dhacday Hotel Saxafi ayaa waxaa goobjoog ka ahaa wasiirro ka socda Dowladda Soomaaliya, xildhibaanno iyo weliba marti-sharaf kale, iyadoo khilaafkan la sheegay inuu xallintiisa ka shaqeeyay Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Axmed-shariif Cali Hilowle oo ka mid ahaa madaxweynayaasha isku hayay maamulka Galmudug ayaa ku dhawaaqay inuu u tanaasulay mas'uulkii ay xilka isku hayeen oo lagu magacaabo Col. Axmed Max'ed Caalin.

"Anigoo u daneynaya shacabka ku nool Galmudug ayaan go'aansaday in tanaasul aan sameeyo si ay dadkaas u helaan nabad, waxaana iga go'an inaan la shaqeeyo walaalkey aan uga tanaasulay xilka" ayuu yiri Axmed-shariif Cali Hilowle.

Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa lagu ammaanay inuu ka shaqeeyay heshiiska labadan mas'uul dhexmaray iyo tanaasulka uu sameeyay mid ka mid ah labada mas'uul ee isku hayay xilka.

"Walaalkey waa ku mahadsan yahay sida qiimaha badan ee uu iigu tanaasulay, waxaana kala tashan doonaa wixii waayo-aragnimo ah ee uu i dheer yahay" ayuu yiri Col. Axmed Max'ed Caalin oo ah madaxweynaha xilka looga tanaasulay.

Gen. Cabdi Qaybdiid oo ah wasiirka Macdanta iyo Biyaha oo kulanka goobjoog ka ahaa ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay tanaasulka uu sameeyay Axmed Shariif uuna kaga mahadcelinayo.

Sidoo kale Axmed C/salaan Xaaji Aadan oo isaguna ka mid ahaa xubnihii lagu marti-qaaday shirkaas ayaa mahad u celiyay labada mas'uul ee muddada dheer isku hayay xilka isagoo sheegay inay labada mas'uul si wadajir ah u shaqeeyaan.
:up:
It is not in the interest of galmudugese people to kill each other for power.
User avatar
Basra-
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 49034
Joined: Mon Feb 16, 2004 7:00 pm
Location: Somewhere far, far, far away from you forumers.

Re: Very wise decision of Axmed-shariif Cali Hilowle

Post by Basra- »

Hutu aka Voltage


walaal i recommend for you to get over the bombing in xamar, let me assure u there are more to come. This is not the first and it is definitely NOT the last. :clap: :clap: :clap: :clap:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”