Maamulada Galmudug & Galgaduud Bari Oo Ka Wada Hadley Arrima

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

User avatar
CoolPoisons
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10533
Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am

Maamulada Galmudug & Galgaduud Bari Oo Ka Wada Hadley Arrima

Post by CoolPoisons »

Maamulada Galmudug & Galgaduud Bari Oo Ka Wada Hadley Arrimaan Amaan Ee Goboladaasi.

Waxaa maanta degmadda Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud kulan ku yeeshey Masuuliyiinta Galgaduud Bari & Masuuliyiinta Maamul Goboleedka Galmudug,waxaana kulankaasi lagu lafo guray arrimo dhawr ah.

Kulankan waxaa Maamulka Goboleedka Galmudug uga qayb galay Madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi C/samad Nuur Guuleed & Afhayeenka Maamulkaasi Khaliif Shiikh Xuseen [ Khaliif yare ],waxaana labadaasi dhinac ka wada hadlayeen iskaashiga Maamulka Galmudug & Maamulka Galgaduud Bari.

Dhanka kale waxaa Maamulka Galgaduud bari uga qayb galay kulankasi Masuuliyiin sar-sare oo uu hormuud u ahaa Col: C/risaaq Xasan cawl [Taakilo ], Kulankan oo ahaa mid si heer sare ah loo soo agaasimey ayaa ahaa mid ay kaga arrinsanayeen sidii ay iskaga kaashan lahayeen dhinac amaanka & nabad galyadda degaamaadaasi.

Waxaan labada dhinac isku af-garteen inay iska kashadaan dhanka amaanka maadama ay Goboladda mudug & Galgaduud yihiin kuwo isku xiran dhanka ganacsiga & isu socodka dadweynahana,waxaana ay labada dhinac isku afgarteen inay waxii amaanka wax u dhimayaa iska qabtaan.

Maamulka Galgaduud Bari & Galmudug oo kulankani u khaas ahaa ayaa isla meel dhigey sidii ay iskaga kaashan lahayeen la dagaalanka Burcadda jidgooyooyinka dhigta wadooyinka isku xira Goboladda Mudug & Galgaduud,waxaana ay sheegeen inay isku meel ka istaagi doonaan kooxaha burcadda ah.

Col: Taakilo oo Masuulka ugu sareya Maamulka Galgaduud bari ayaa saxafadda u sheegey inay ka wada hadleen arrimaha amaanka ee degaamada Bangaale, Dhabad, Caabudwaaq Balanbale oo ay maamulaan maamulkooda,waxaana uu sheegey inay dhankooda ka adag yihiin wax ka qabad degaamada ay maamulaan.

Col: Taakilo ayaa sheegey inay Masuuliyiinta Maamulka Galmudug isla garteen wax ka qabad xaalada amaan ee Guud ahaan goboladda Mudug & Galgaduud,waxaana uu qirey inay dhex mari doonaan iskaashi dhanka ciidamada ah gaar ahaan sidii wax looga qaban lahaa xaaladaha amaan darro ee ka jira qaybo ka mid ah Gobollada Galgaduud & mudug.

Dhanka kale waxaa uu baaq u direy Col: C/risaaq Taakilo dadka wada dhashay ee ku dirirsan Magaalada Galkacayo ee Xarunta Gobolka Mudug,waxaana uu ka codsadey inay khilaafka u dhexeya ku dhameeyaan wada hadal iyo nabadeyn,waxaana uu ugu baaqey inaysan nabadda ku xirin wax wada hadal ah.

Masuuliyiinta labadaasi maamul ayaa isla gartey inay wax kasta oo ka jira degaamada Mudug & Galgaduud ku dhameeyaan si nabad ah,waxaana ay si wada jir ah baaq ugu direen labada beelood ee ku dirirsan degaanka Bacaadweyn inay soo afmeeraan dagaalada bilaha micnaha ee u dhexeya nabada ka shaqeyaan.

Ugu dambeyntii kulankan gebagebadiisii waxaa lagu soo xirey dhoolo tus ciidan oo ay sameyeen Cutubyo ka tirsan ciidamada Amaanka Galgaduud Bari,waxaana ay salaan sharaf siyeen masuuliyiintii kulankaasi ka soo qayb galay.
subeir123
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 627
Joined: Sun Jun 08, 2008 3:58 pm
Location: Galmudug State

Re: Maamulada Galmudug & Galgaduud Bari Oo Ka Wada Hadley Arrima

Post by subeir123 »

Great news :up:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”