Wasiiro xadhiga ka jaray Garoon Cusub oo loo dhisey Xaafadda

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

W@QDARIYE
Posts: 2
Joined: Thu Dec 24, 2009 9:43 pm

Wasiiro xadhiga ka jaray Garoon Cusub oo loo dhisey Xaafadda

Post by W@QDARIYE »

Wasiiro xadhiga ka jaray Garoon Cusub oo loo dhisey Xaafadda Gacanlibaax Iyo Warkale



Written by Qarannews
Jan 02, 2010 at 12:02 PM
Hargaysa,(Qarannews)-Wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka ee Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cali Maxamed Warancadde oo uu Wehelinayo Wasiiru Dawlaha Waxbarashada ee Somaliland Mudane Maxamuud Garaad Maxamed ayaa Maanta ka qayb galay xaflad xadhiga lagaga jarayey Garoon Kubadda Kolayga ah oo Laga Hirgeliyay Degmadda Gacanlibaax ee Maagaaladda Hargeysa.

Munaasibadaasi waxa ka qaybgalay madax ka socotay hay,adda candle light salaadiin iyo waxgaradka xaafaddaasi Gacanlibaax .

Wasiirka duulista hawada iyo gaadiidka cirka ee Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cali Warancadde oo halkaasi ka hadlay ayaa ka waramay sida loogu Baahanyahay inay Dadweynaha Xaafaddan deggeni uga qayb qaadan lahaayeen Adkeynta Nabadgelyadda waxaanu u mahadnaqay Hay,adda Hirgelisay Garoonkan Kubadda Kolayga .

intaasi ka Bacsi waxaa halkaasi ka Hadlay Wasiiru dawlaha Waxbarashada ee Somaliland Mudane Maxamuud Garaad Maxamed waxaanu sheegay inay Garoonkani yahay kii ugu horeeyay ee Noociisa ah ee laga Hirgeliyo xaafadda Gacanlibaax isagoo sheegay inay Degmaddani lahayd Garoomo lagu Ciyaaro Kubadda Cagta waxaanu ku Booriyay Dhalinyarada Xaafaddaasi Deggen inay Ilaashadaan Garoonkaasi .

Intaa ka dib waxaa halkaasi ka hadlay Suldaan Yusuf Xiirey iyo Bare Warsame oo labaduba ka Waramay Ahamiyadda uu leeyahay Sboortigu waxaanay sidoo kale Mahadnaq u soo jeediyeen hay,addii maalgelisay Hirgelinta garoonkan Kubadda Koleyga
User avatar
Khalid Ali
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 32728
Joined: Mon Oct 18, 2004 11:03 am
Location: Suldaan Emperior Gacanyarihisa

Re: Wasiiro xadhiga ka jaray Garoon Cusub oo loo dhisey Xaafadda

Post by Khalid Ali »

Any pics anigu udubta ma amino :mrgreen:
User avatar
Sakhraan
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3346
Joined: Tue May 23, 2006 7:14 am
Location: Hornyville.

Re: Wasiiro xadhiga ka jaray Garoon Cusub oo loo dhisey Xaafadda

Post by Sakhraan »

hargeisa dhegaxta badan.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Waqooyi Galbeed”